Macawiisleyda Hiiraan: Qabiil weeraray saldhig Al-Shabaab si uu ugu aargudo nabaddoon laga dilay

Somali Al-Shebab fighters gather on February 13, 2012 in Elasha Biyaha, in the Afgoei Corridor, after a demonstration to support the merger of Al-shebab and the Al-Qaeda network.

Xigashada Sawirka, AFP

Mid ka mid ah qabiillada dega gobolka Hiiraan ayaa maanta oo Arbaco ah weerar ku qaaday saldhig ay Al-Shabaab ku leedahay deegaanka Booco ee gobolkaas. Dableyda ayaa ka jawaabaysay dil la sheegay inay kooxda dhowaan u gaysatay nabaddoonkooda.

"Nabaddoonkeennii oo aan naqaanno in uu ahaa nin nadiif ah oo Muslim ah, ummadda aan dhibaatayn, cid kale aan gardaysan, doorasho aan ka qaybgelin, ergo kale aan ka qayb qaadan, annagii ogayn ayay noo sheegeen in uu gaal murtad ah ahaa, jawaabtooduna nalama su'aali karo ayay noqotay, si isla weyni leh ayay noola hadleen," ayuu yiri nin ka mid ah dableyda dagaalka ku qaadday Al-Shabaab oo sababo amni dartood u codsaday in aan la magacaabin.

Wuxuu sheegay in kooxdooda oo lagu magacaabo 'Macawisley' ay u aar-gudayeen nabaddoonkooda oo lagu magacaabi jiray Cali Macallin Maxamuud (Cali Dheere) oo 27-kii May lagu dilay Beledweyne. Wuxuu ka mid ahaa odayaasha caanka ka ah magaaladaasi, wuxuuna ku eedeeyay Al Shababa inay ka dambeysay dilkiisa. Al-Shabaab kama aysan hadlin dilka odayga iyo weerarka lagu qaaday.

Wuxuu intaa ku daray in Al-Shabaab ay horay Beledweyne ugu dishay dad badan oo qabiilkooda ka soo jeeda.

"Waxay ahaayen dad annaga eheladeenna ah oo habeenkii inta badan marka ay cishaha ka soo baxaan ay dilayeen, inta badanna waa ay ka garaabi waayeen. Marka lala hadlana waxay dhahayeen nala lama hadli karo oo nalama weydiin karo dadkaas gaalada ah ee murtidiinta ah. Mana garan karno annagu halka gaalo iyo Muslimiin ku kala noqdeen," ayuu yiri.

Ninkan ayaa xusay inay weerareen 'taliskii ugu weynaa' ee ay Al-Shabab ku lahayd deegaanka Booco ee gobolka Hiiraan. Wuxuu sheegay in ay dileen tiro toban ka badan, saldhiggii iyo maxkamad ay kooxdaas lahayd ay la wareegeen, sidoo kalena ay jireen maxaabiis ay ka qabteen oo ay sii daayeen.

Mar aan waydiinnay dhankooda khasaaraha gaaray wuxuu ku jawaabay: "Annaga wax khasaare ah oo nasoo gaadhay ma jiro, dad aad u taxaddaraya oo meesha si feejigan ku galay ayaanu ahayn."

"Way sarriigasho beeshay haddiiba qofka isaga oo aan dambi gelin la dilayo, haddii uu galana la dilayo."

Dabcan qof haddii la dilo qof uun baa loo dilaa, kolkaa mudankii ay laheeyeen ayaanu marsiinnay oo dhawr toban qof oo khasaare ku ah baa ka dhimatay, haddii ay berri sidoo kale nagu sameeyaanna sidii si la mid ayaanu u xasuuqi doonnaa."

Wuxuu tilmaamay in ay qabiil ahaan isku abaabuleen, ayna ka go'an tahay in nin kasta oo ay Al-Shabaab ka disho ay u aaraan.

Daggaaladii hore ee Shababaka iyo Macawisleyda

Qaar kamid ah dagaalyahanada Macawisley

Xigashada Sawirka, YOUTUBE

Qoraalka sawirka, Qaar kamid ah dagaalyahanada Macawisley

Maleeshiyaadka "Macawisley" ayaa dhowrkii sano ee ugu dambeeyay dagaal kula jiray ururka Al-Shabaab ee bartamaha Soomaaliya.

Dagaallada u dhexeeyay Al-Shabaab iyo malleeshiyaadkan isbeheystay ayaa ka dhacay deegaanno sida degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe iyo deegaanno hoostago gobolka Hiiraan.

Labada dhinac, waxaa dagaallada uga dhintay dagaallamayaal badan.

Ninkii hoggaamin jiray "Macawisleyda" ayaa lagu dilay weerar Shabaab iyo malleeshiyada ku dhexmaray degmada Aaadan Yabaal, bishii Oktoobar ee sannadkii 2020.

Malleeshiyaadkan waxay sheegeen inay kasoo horjeedaan in "shacabka deeganadaas ay ururka Al Shabaab ka qaadaan canshuuraha iyo in kooxda ay carruutoodu ciidan u qortaan".