Maxaa dhacaya haddii aad ku afurto biyo qabow?

Biyo

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Afurku waa arrin ay Muslimiintu sameeyaan bisha Ramadaan. Waa arrin ka dhigan in afka wax la geliyokaddib marka laga soomo cunto iyo cabbid laga bilaabo waaberiga ilaa qorrax dhaca.

Si kastaba ha ahaatee, marka la eego qaabka uu jidhka bini'aadamku u samaysan yahay, ma fiicna in qofku muddo dheer ku negaado biyo la'aan, marka laga reebo haddii ay jirto sabab sida cibaadada soonka oo kale.

Waxaa la cunaa cuntooyin kala duwan xilliga afurka si jidhku u helo xoog iyo tamar.

Qaar ka mid ah dadka ayaa afurka ku bilaaba biyo qabow isla marka ay afuraan.

Haddaba, maxaa habboon in lagu bilaabo af-furista, biyo qabow mise biyo diirran?

Dhakhtar Xasan Ibraahim oo ka shaqeeya isbitaalka Biba ee ku yaalla gobolka Kaduna ee dalka Nayjeeriya ayaa sheegay in waxa ugu habboon qofka afuraya uu sameeyo ay tahay in uu cabbo biyo kulul ama diirran.

Wuxuu sheegay in aysan habboonayn qof aan muddo dheer waxba cunin inuu ku bilaabo oo keliya biyo qabow.

Intee in leeg ayaa habboon in la cabbo?

Dhakhtar Xasan Biba ayaa sheegay inaysan jirin qiyaas go'an oo litir ah oo uu qofku ku khasban yahay inuu cabo marka uu afurayo.

Wuxuu sheegay in jidhku leeyahay hab uu ku dareensiiyo harraadka, taasoo ku kallifaysa inaad biyo cabto markaad u baahato.

"Qofku marka uu afurayo jidhkiisu waa uu qalalan yahay. Sidaas darteed waxaa la doonayaa in uu cabbo biyo diirran ama wax yar qabow, balse aan ahayn inuu hal mar litir cabbo. Si tartiib tartiib ah ha u cabbo biyaha ilaa uu ka dareemo inuu harraad baxay. Sidoo kale, yaan biyo badan hal mar la cabbin, maxaa yeelay waxay sababi karaan in calooshu istaagto ama cidhiidhi noqoto," ayuu yiri dhakhtarku.

Wuxuu intaa ku daray in qaddarka biyaha uu qof walba u baahan yahay uu kala duwan yahay xilliyada la afurayo.

"Waxaa fiican in qofku si joogto ah biyo u cabbo, xitaa habeenkii haddii uu soo tooso ha cabbo biyo," ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.

Maxaa ka dhalan kara cabbisata biyaha qabow?

Dhakhtarku wuxuu intaas ku daray in ay jirto xaalad ay biyaha qabow ku yareyn karaan dareenka harraadka ee jidhka bini'aadamka.

"Qofku wuxuu dareemayaa inuu harraad go'ay marka uu cabbo biyo qabow. Taasina waxay keeni kartaa in qofka afuraya uusan helin biyo ku filan jidhkiisa, maadaama uusan cabbin qaddar ku filan.

Arrintani waxay sababtaa in qofku si degdeg ah u dareemo dhereg, taasoo aan caafimaadkiisa u fiicnayn."

Muhiimadda ay leedahay in hore loo sii diyaariyo Afurka iyo Saxuurta

Diyaargarowga waa furaha in si wanaagsan loo cuno xilliyada suxuurta iyo afurka inta lagu jiro bishan barakeysan ee Ramadan ayey tiri Dr Saliha Mahmood-Ahmed.

Dr. Saliha Mahmood-Ahmed waa dhakhtar ka shaqeysa hay'ada caafimaadka UK ee NHS loo yaqaan iyo khabiir cunto karin hore. Inta badan waa mashquul, waxayna taasi ka dhigeysaa in aanay awoodin in ay saacado badan ku qaadato maalin kasta diyaarinta cunto.

"Waxaan ka tirsanahay jiil cusub oo hooyooyin ah. Waxaan ku soo koray cunno si tartiib ah loo kariyo iyo suxuur lagu bixiyo dadaal badan inta lagu jiro bisha Ramadaan, balse hadda mashquul ayaan ahay".

Waxaan halkan idinkula wadaageynaa talooyinka Dr. Saliha ee la xiriira sida degdeg loogu diyaariyo cuntooyin nafaqo leh inta lagu jiro Ramadaanka.