Muxuu ra'iisul wasaarihii hore ee Israa'iil "khatar" ugu arkaa hubka nukliyeerka ee Pakistan

Bennet

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Hadalka Ra'iisul Wasaarihii hore ee Israa'iil Naftali Bennett ayaa waxaa jawaab ka bixiyay dowladda Pakistan. Maalmo ka hor, Mr. Bennett ayaa khudbad uu jeediyay ku sheegay in gobolka laga dhisayo isbahaysi cusub oo ay ka mid yihiin Turkiga, Qatar, Ikhwaanul Muslimiin iyo Pakistan oo ku hubaysan hubka Nukliyeerka.

Mar wax laga weydiiyey hadalka Mr. Naftali Bennett ee ku saabsan Pakistan, afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Pakistan waxa uu ku jawaabay: "Hadaladani waxay ku salaysan yihiin mala-awaal kaliya, kama faalloonno hadallada ay sheegeen mas'uuliyiinta dalalka aynaan aqoonsanayn".

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sidoo kale xusay in "Nuxurka hadalka Ra'iisul Wasaarihii hore ee Israa'iil uu ugu horreyn ku saleysan yahay eedeymo aan sal iyo raad lahayn".

Naftali Bennett ayaa ka sheegay shir ay madaxda ururada Yuhuuda Maraykanka ku yeesheen magaalada Quddus in isbahaysiga cusub uu sii hurinayo cadaawadda ka dhanka ah Israa'iil, isla markaana ay socdaan dadaallada lagu doonayo in lagu saameeyo Sacuudiga.

Muxuu sheegay ra'iisul wasaarihii hore ee Israa'iil?

Naftali Bennett ayaa intii uu kulanku socday ka digay in Turkiga uu noqday halis cusub oo soo food saartay Israa'iil, isla markaana dowladda dalkaasi ay si dhab ah u qaadaneyso halistaasi.

Ra'iisul wasaarihii hore ee Israa'iil ayaa yiri: "Recep Tayyip Erdogan waa cadow khatar ah oo damacsan inuu hareereeyo Israa'iil; waa inaanan mar dambe iska indho-tirin arrintan".

Mr. Bennett waxa uu dhaleeceeyay waxqabadka xukuumadda Israa'iil, waxaanu yiri "Xukuumadda hadda jirta waxay mar kale ku jirtaa xaalad hurdo la'aan ah, halka khatarta xagjirnimaduna ay ku sii badanayso xudduudaheenna, hadda waxa la samaynayaa dhidibo ay ku midaysan yihiin Ikhwaanul Muslimiin, oo Turkigu hoggaaminayo, isla markaana uu taageerayo hubka Nukliyeerka ee Pakistan.

Mr Bennett oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: "Waa inaan siyaabo kala duwan uga hortagnaa halista Iran iyo gardarrada Turkiga, sababtoo ah Turkiga waa Iran cusub".

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Xiriirka dhow ee Pakistan la leedahay Sacuudiga iyo Turkiga

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Bishii Sebtembar ee la soo dhaafay, Pakistan iyo Sacuudi Carabiya waxay saxiixeen "Heshiiska Difaaca Istiraatiijiga ah" ee iskaashiga difaaca iyo amniga. Sida ku cad heshiiska, "gardarro kasta oo shisheeye oo ka dhan ah dhulka labada dal waxaa loo aqoonsan doonaa gardarro ka dhan ah labada dal.

Arrintan ayaa Reza Hayat Hiraj, Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Difaaca ee Pakistan, wuxuu bishii Jannaayo ee sannadkan ku dhawaaqay in ka dib sannad uu wadatashi u socday Pakistan, Sacuudiga iyo Turkiga la diyaariyay qabyo qoraalka heshiiska difaaca ee saddex geesoodka ah; si kastaba ha ahaatee, waxa uu carabka ku adkeeyay in heshiiskan uu ka duwan yahay heshiiskii hore ee dhanka amniga ee u dhaxeeyay Islamabad iyo Riyadh.

Waxay u badan tahay in hadalka Ra'iisul Wasaarihii hore ee Israa'iil uu ula jeedo heshiiskan, maadaama isbaheysiga Sacuudiga, Pakistan iyo Turkiga uu hadda u muuqdo mid isbaheysi xooggan leh.

Pakistan waa dalka kaliya ee Muslim ah ee leh quwadda Nukliyeerka, waxayna tani sii laba jibaareysaa meeqaamka iyo muhiimadda uu dalkaasi ku leeyahay dunida Muslimka.

Israa'iil ayaa u aragta barnaamijka Nukliyeerka ee dalka ay jaarka yihiin ee Iran in uu khatar ku yahay nafteeda, iyada oo ku sii socota in ay weerarto xarumaha kobcinta Yuraaniyaamka Iran sannadkii hore.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira walaac gudaha Israa'iil ah oo ku saabsan in hubka Nukliyeerka ee Pakistan uu sidoo kale khatar ku noqon karo waddanka. Pakistan ilaa hadda way diiday inay Israa'iil u aqoonsato qaran.

Nihat Ali Ozkan oo ah cilmi-baare ka tirsan machadka TPAV ee Ankara ayaa u sheegay warbaahinta Bloomberg: "Sacuudi Carabiya waxay leedahay awood dhaqaale, Pakistan waxay leedahay quwadda Nukliyeerka iyo gantaallada ballistic-ga, Turkiguna wuxuu leeyahay khibrad ciidan iyo warshad difaac oo heer sare ah".

Mr. Ozkan waxa uu yiri: "Marka la eego in Maraykanku uu mudnaanta siinayo danihiisa gaarka ah iyo Israa'iil ee gobolka, isbeddelada xaaladaha iyo xiisadaha gobolka ayaa ku qasbay dalal badan inay horumariyaan nidaam cusub oo lagu aqoonsanayo asxaabta iyo cadowga".

Bishii Juun 2016, Ahmar Mustikhan, oo ah wariye iyo dhaqdhaqaaqe ree Balochistan ah ayaa ku qoray wargeyska Israel ee The Jerusalem Post: "Waxaa muhiim u ah Israa'iil iyo bulshada Yuhuuda ee caalamiga ah inay fahmaan in hubka Nukliyeerka ee Pakistan uu khatar u yahay sida hubka Iran".

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Isbahaysiga Pakistan & Sacuudiga ma wuxuu eeganayaa dalal gaar ah?

Yoel Guzansky, oo ah xubin sare oo ka tirsan xarunta daraasaadka amniga qaranka ayaa maqaal uu ku qoray wargeyska Jerusalem Post ku sheegay in isu soo dhawaanshaha sii kordhaya ee Sucuudiga iyo Pakistan aanu ahayn mid ku wajahan Israa'iil.

Mr. Guzanski ayaa xusay in heshiiska amniga ee u dhexeeya Sucuudiga iyo Pakistan ee ku saabsan hubka Nukliyeerka uu yahay mid aan caddayn.

Waxa uu yiri: "Tallaabadan waxaa laga yaabaa in la qorsheeyay sanado badan, waxaa jiray warar xan ah oo ku saabsan dalladda Nukliyeerka Pakistan ee Sacuudi Carabiya".

Xididdada xantani waxay dib ugu laabanaysaa taageerada dhaqaale ee Riyadh ay siiso Islamabad, gaar ahaan horumarinta barnaamijka tayeynta".

Sacuudi Carabiya ayaa laga yaabaa inay Pakistan u aragto inay tahay taageere nukliyeer ah, laakiin Pakistan ma la wadaagtaa aragtidaas?

Arinta la yaabka leh ayaa ah in Riyadh iyo Islamabad ay sii huriyeen wararka xanta ah iyagoo soo bandhigay isbaheysigan. Arrimihii hore ee albaabadu u xirnaayeen ayaa hadda si cad loo soo bandhigayaa.

Sida laga soo xigtay Mr. Guzansky, Israel waa in aysan heshiiskan u fasirin cadaawad toos ah oo ka dhan ah: "Taas ka soo horjeeda, go'aanka Sacuudi Carabiya ee ah in ay ku biirto Pakistan waxay ka tarjumaysaa walaaca sii kordhaya ee Riyadh ee ku saabsan xaaladda kalsoonida Maraykanka, xad-dhaafka Iran, iyo xasilloonida gobolka".

Balse warbaahinta Israa'iil ayaa sii wada inay ka hadlaan khataraha ka iman kara Pakistan.

Sergio Restelli oo ah khabiir ku takhasusay siyaasad-juquraafiyeedka, ayaa maqaal ku qoray wargeyska Times of Israel bishii November ee la soo dhaafay kaasoo uu kaga hadlay in Sacuudi Carabiya, Pakistan, iyo Turkiga ay sii kordhayaan isu soo dhawaanshaha midba midka kale iyaga oo xoojinaya iskaashiga milatari, tignoolajiyada iyo kan diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Israa'iil iyo hindiya.