Turkiga oo farriin adag oo ku saabsan xaaladda Iiraan u diray Mareykanka iyo Israa'iil

Wasiirka Arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan

Xigashada Sawirka, Anadolu via Getty Images

Ka dib hanjabaaddii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee ku saabsaned tallaabo milatari oo laga qaadi karo Iiraan, xilli ay dalkaasi ka socdaan mudaharaadyo, ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan waxaa uu yiri:

"Waxaan dooneynaa in dhibaatooyinka lagu xalliyo wadahadal. Waxaan rajeynayaa in Iiraan iyo Mareykanku ay arrintan dhexdooda ku xallin doonaan. Waxaan ka soo horjeednaa faragelin milatari oo lagu sameeyo Iiraan."

Isaga oo la hadlayay wakiillo ka socday warbaahinta gudaha iyo tan caalamiga ah maanta Fidan wuxuu yiri:"Waxa ka dhacaya Iiraan annagana way na khuseeyaan. Anagoo ah Türkiga, dadaalladeenna diblomaasiyadeed way sii socon doontaa."

Fidan wuxuu carrabka ku adkeeyay in "ay dan u tahay Türkiga in Iiraan ay xalliso dhibaatooyinkeeda isla markaana ay ka fogaato xaalado ku fidi kara guud ahaan gobolka."Afhayeenka AKP, Ömer Çelik, ayaa isna 12-kii Janaayo sheegay:

"Nooc kasta oo faragelin dibadeed ah wuxuu yeelan doonaa cawaaqib aad u taban oo ku wajahan gobolkeenna."

Çelik wuxuu sheegay in "ay muuqdaan dhibaatooyin ka jira dhanka nolosha bulshada iyo tan dowladeed ee Iiraan," wuxuuna intaa ku daray in arrimahaasi lagu xalliyo "duruufaha iyo hab-dhaqanka gudaha ee Iiraan lafteeda."

Xiriir heer wasiir ah

Xiriirkii ugu horreeyay ee lala sameeyo Iiraan tan iyo markii ay bilaabmeen mudaharaadyada guud ee dalka ayaa la sameeyay 13-ka Janaayo.

Ilo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sheegay in Hakan Fidan uu khadka taleefanka kula hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabbaas Arakchi.

Labada wasiir ayaa mar kale telefoon ku wada hadlay subaxnimadii 14-ka Janaayo, iyagoo ka wada hadlay horumarradii ugu dambeeyay.

Mudaharaadyada ka bilowday Iiraan 28-kii Diseembar sababo la xiriira dhibaatooyin dhaqaale awgeed, kuwaas oo si degdeg ah isu beddelay bannaanbaxyo ka dhan ah dowladda, ayaa ku fiday magaalooyin badan oo dalka ah.

Warbixinno ayaa sheegaya in kumannaan qof la xiray, isla markaana khasaare naf iyo maalba leh la diiwaangeliyay.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, oo sheegay inuu difaaci doono mudaharaadayaasha, ayaa ku hanjabay faragelin milatari oo ka dhan ah Iiraan, halka Tehran ay sheegtay inay ka aargudan doonto haddii faragelin la sameeyo.

"Dad ka soo horjeeda Iiraan ayaa hurinaya bannaanbaxyada"

Iiraan waxaa ka socda dibadbaxyo ay dhigayaan dad ka soo horjeeda dowladda

Xigashada Sawirka, MAHSA / Middle East Images / AFP / Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Wasiirka Arrimaha Dibadda Hakan Fidan, wareysi bixiyay 10-kii bishaan Janaayo, ayaa sheegay in rajadii shacabka Iiraan aan la fulin sababo la xiriira cunaqabataynno soo jiray sanado badan, wuxuuna ku dooday in Israa'iil ay u aragto arrintan fursad.

"Inkasta oo mudaharaadyadani ka dhasheen sababo dhab ah iyo dhibaatooyin qaab-dhismeed, haddana waa run in dibadda looga maamulo laguna kicinayo dadka dowladda, iyadoo ay sameynayaan dad ka soo horjeeda Iiraan."

"Mossad arrintan ma qariyo; waxay adeegsadaan akoonnadooda internetka, akoonnadooda Twitter-ka, si ay ugu baaqaan shacabka Iiraan inay kacaan oo ka hor yimaadaan nidaamka Iiraan."

Markii la weydiiyay suurtagalnimada in Israa'iil weerar ku qaaddo Iiraan, Fidan wuxuu yiri: "Qof walba wuu ogyahay in Israa'iil, gaar ahaan, ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu, uu arrintan doonayo; ma aha wax sir ah."

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu sheegay in Israa'iil ay ka fogaato faragelin noocaas ah iyada oo aan helin taageerada Mareykanka.

"Arrintan awgeed, waxaan aragnaa inuu sidoo kale ka cabsanayo gelitaanka dagaal keeni kara cunaqabataynno iyo cawaaqib kala duwan, isaga oo aan helin dammaanadqaad ka yimaada xulafadiisa qaarkood, gaar ahaan Mareykanka."

Hay'adda sirdoonka dibadda ee Israa'iil, Mossad, ayaa baraha bulshada ku wadaagtay farriimo ugu baaqaya shacabka Iiraan inay waddooyinka u soo baxaan.

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil, Netanyahu, ayaa isna qoraallo soo dhigay muujinaya taageeradiisa iyo garab-istaaggiisa shacabka Iiraan.