Waa kuwee dalalka uu Trump beegsan karo kadib Venezuela

Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa xilligiisii labaad ee xilka waxaa si weyn u qaabeeyay hamigiisa siyaasadda arrimaha dibadda. Waxa uu fuliyay hanjabaadihii uu u jeediyay Venezuela isaga oo soo qabtay madaxweynaheeda iyo xaaskiisa, kadib weerar lama filaan ah oo habeenimo ka dhacay xaruntooda sida adag loo ilaaliyo ee Caracas.
Mar uu ka hadlayay hawlgalkaas, Trump wuxuu soo xusuustay Mabda'ii Monroe ee 1823-kii, kaas oo ballanqaadayay awoodda Maraykanka ee qaaradda galbeed, wuxuuna dib ugu magac daray "Donroe Doctrine".
Halkan waxaa ku xusan qaar ka mid ah digniinaha uu maalmahan u diray dalal kale oo ku jira wareegga saameynta Washington.
Greenland
Maraykanku hore ayuu saldhig ciidan ugu lahaa Greenland – Pituffik Space Base – balse Trump wuxuu doonayaa jasiiradda oo dhan.
"Waxaan u baahan nahay Greenland marka la eego amniga qaranka," ayuu u sheegay saxafiyiinta, isaga oo sheegay in gobolkaasi ay "ka buuxaan meel walba maraakiib Ruush iyo Shiine ah."
Jasiiraddan weyn ee Arctic-ga ah, oo ka tirsan Boqortooyada Denmark, waxay ku taallaa qiyaastii 2,000 mayl (3,200 km) waqooyi-bari ka xigta Maraykanka.
Waxay hodan ku tahay macdanaha dhulka ee naadirka ah, kuwaas oo muhiim u ah soo saarista taleefannada casriga ah, gawaarida korontada ku shaqeeya iyo qalabka milatariga. Wakhtigan la joogo Shiinaha ayaa aad uga horreeya Maraykanka soo saarista macdanahaas.
Greenland sidoo kale waxa ay leedahay goobo istaraatiiji ah oo muhiim ah oo ku taalla Waqooyiga Badweynta Atlantic, taas oo fure u ah marin u helidda Arctic Circle-ka oo ay sii kordhayso muhiimaddiisa. Marka barafka cirifyada uu dhalaalo sannadaha soo socda, waxaa la filayaa in waddooyin cusub oo maraakiibta ah ay furmaan.
Ra'iisul Wasaaraha Greenland, Jens Frederik Nielsen, ayaa ka jawaabay hadallada Trump isaga oo ku tilmaamay fikradda ah in Maraykanku xukumo jasiiradda "khayaali".
"Cadaadis dambe ma jiro. Tuhun dambe ma jiro. Khayaali ku saabsan ku daris dambe ma jiro. Waan u furan nahay wada-hadal. Waan u furan nahay dood. Laakiin arrintani waa inay ku dhacdaa dariiqyada saxda ah isla markaana lagu ixtiraamayo sharciga caalamiga ah," ayuu yiri.
Colombia
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Saacado yar kaddib hawlgalkii Venezuela, Trump waxa uu u digay madaxweynaha Colombia, Gustavo Petro, isagoo ku yiri " ilaali naftaada".
Colombia, oo deris kala ah Venezuela dhanka galbeed, waxay leedahay kayd saliid oo ballaaran, waana soo-saare weyn oo dahab, qalin, zumurud iyo platinum.
Sidoo kale waa xarun muhiim u ah ganacsiga daroogada ee gobolka, gaar ahaan kookeeynta.
Tan iyo markii Maraykanku bilaabay weerarro ka dhan ah doonyaha ku sugan Kariibiyaanka iyo Badweynta Baasifigga bari bishii Sebtembar – isaga oo aan caddeyn u hayn in ay sidaan daroogo – Trump wuxuu galay muran sii xoogeysanaya oo kala dhaxeeya madaxweynaha dhanka bidix ee dalkaas.
Maraykanku wuxuu cunaqabatayn saaray Petro bishii Oktoobar, isaga oo sheegay in uu u oggolaanayo kooxaha daroogada inay "kobcaan".
Isagoo oo ka dhex hadlayay diyaaradda Air Force One Axaddii, Trump wuxuu sheegay in Colombia uu "maamulo nin xanuunsan oo jecel sameynta kookeeynta iyo ka iibinta Maraykanka".
"Ma sii wadi doono muddo dheer," ayuu yiri. Markii la weydiiyay in Maraykanku qaadi doono hawlgal ka dhan ah Colombia, Trump wuxuu ku jawaabay: "Waxay ila muuqataa fikrad fiican."
Taariikh ahaan, Colombia waxay ahayd xulufo dhow oo Maraykanka la ah dagaalka ka dhanka ah daroogada, iyada oo sanad walba hesha boqolaal milyan oo doollar oo gargaar milatari ah si loola dagaallamo kooxaha daroogada.
Iiraan
Iiran waxay haatan wajahaysaa mudaharaadyo ballaaran oo ka dhan ah dowladda, Trump-na wuxuu ka digay in maamulka halkaas jooga "si adag u duqeyn doonaan" haddii dad mudaaharaadayaal kale ah ay dhintaan.
"Si dhow ayaan ula soconnaa. Haddii ay bilaabaan dilka dadka sida ay horay u sameeyeen, waxaan u maleynayaa in Maraykanku si aad ah u garaaci doono," ayuu u sheegay wariyeyaasha isagoo saaran Air Force One.
Iiran aragti ahaan kama mid aha aagga uu qeexayo "Donroe Doctrine", balse Trump hore ayuu u hanjabay inuu tallaabooyin dheeraad ah ka qaadi doono nidaamka Iran, kaddib markii uu sanadkii hore duqeeyay xarumaheeda nukliyeerka.
Weerarradaas waxay dhaceen kaddib hawlgal ballaaran oo Israa'iil ay qaaday si ay u burburiso awoodda Iran ee horumarinta hub nukliyeer ah, taas oo ku dhammaatay dagaalkii 12-ka maalmood socday ee Israa'iil iyo Iran.
Kulankii toddobaadkii hore dhex maray Trump iyo Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu, Iiran ayaa la sheegay inay ahayd ajandaha ugu muhiimsan. Warbaahinta Maraykankuna waxay sheegtay in Netanyahu uu ka hadlay suurtagalnimada weerarro cusub oo Iiran lagu qaado sannadka 2026.
Mexico
Soo bixitaankii Trump ee awoodda 2016-kii waxaa si weyn u qeexay baaqyadiisii ahaa "Dhis Derbiga" xadka koonfureed ee Mexico.
Maalintii ugu horreysay ee uu ku soo laabtay xafiiska 2025-tii, wuxuu saxiixay amar madaxweyne oo loogu magac darayo Gacanka Mexico "Gacanka Ameerika".
Wuxuu si joogto ah u sheegay in maamulka Mexico aysan wax ku filan ka qaban socodka daroogada ama muhaajiriinta sharci-darrada ah ee Maraykanka soo galaya.
Isagoo hadlayay Axaddii, wuxuu yiri daroogadu waxay "si xoog leh" uga soo qulqulaysaa Mexico, isla markaana "aan wax ka qabannaa," isagoo intaasi ku daray in kooxaha daroogada halkaasi ay yihiin "kuwo aad u xooggan".
Madaxweynaha Mexico, Claudia Sheinbaum, ayaa si cad u diiday wax tallaabo milatari ah oo Maraykanku ka fuliyo dhulka Mexico.
Cuba
Jasiiraddan oo 90 mayl (145 km) u jirta koonfurta Florida ayay saarnayd cunaqabatayn Maraykan ah tan iyo horraantii 1960-meeyadii. Waxay xiriir dhow la lahayd Venezuela-da Nicolás Maduro.
Trump wuxuu Axaddii sheegay in faragelin milatari oo Maraykan ah aan loo baahnayn, sababta oo ah Cuba "waxa ay ku dhowdahay inay dhacdo".
"Uma maleynayo inaan u baahan nahay wax tallaabo ah," ayuu yiri. "Waxay u muuqataa inay hoos u sii socoto."
"Ma garanayo inay sii adkaysan doonaan, balse Cuba hadda wax dakhli ah ma laha," ayuu ku daray.
"Dhammaan dakhliga waxay ka heli jireen Venezuela, gaar ahaan saliidda Venezuela."
Wararka ayaa sheegaya in Venezuela ay siiso Cuba qiyaastii 30% saliiddeeda, taas oo Havana ka dhigaysa mid nugul haddii sahaydu istaagto kaddib bixitaanka Maduro.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Marco Rubio – oo ah wiil ay dhaleen muhaajiriin Cuban ah – ayaa muddo dheer ku baaqayay isbeddel nidaam oo ka dhaca Cuba. Wuxuu Sabtidii wariyeyaasha u sheegay: "Haddii aan ku noolaan lahaa Havana, oo aan ka tirsanaan lahaa dowladda, waan walwali lahaa – ugu yaraan wax yar. Marka madaxweynuhu hadlo, waa inaad si dhab ah u qaadataa," ayuu yiri.













