Maxay la kulmeen hoggaamiyayaashii lagu khasbay inay ka baxaan dalalkooda?

hoggaamiyaasha dalalkooda laga tarxiilay

Xigashada Sawirka, @realDonaldTrump/Reuters

Maraykanka ayaa ku dhawaaqay in uu xiray Madaxweynaha Venezuela Nicolás Maduro isla markaana uu geeyey dhulkiisa, tallaabadaas oo dhalisay argagax iyo yaab ballaaran gudaha iyo dibadda Venezuela.

Washington waxay sheegtay in xarigga uu yimid iyada oo qayb ka ah dacwado sharci oo muddo dheer socday, kuwaas oo ku eedeynaya Maduro ku lug lahaanshaha ka ganacsiga daroogada iyo dambiyada abaabulan.

Mas'uuliyiinta Maraykanka ayaa xaqiijiyay in Maduro lagu maxkamadeyn doono maxkamadaha Maraykanka, iyaga oo ku doodaya in eedeymaha loo jeediyay ay ka baxsan yihiin xuduud siyaasadeed, isla markaana ay saameyn ku leeyihiin amniga gobolka iyo kan caalamiga ah. Dhanka kale, dowladda Venezuela waxay ku tilmaantay wixii dhacay xadgudub cad oo ka dhan ah madaxbannaanida qaranka iyo weerar toos ah oo lagu qaaday dowlad madax-bannaan, iyadoo ay jirto cabsi ku saabsan cawaaqib siyaasadeed iyo mid amni oo ka dhalan kara gudaha dalka.

Arrimhan cusub ayaa mar kale soo celiyay su'aal hore oo ku saabsan masiirka hoggaamiyeyaasha lagu qasbo inay ka baxaan dalalkooda. Sida ay muujinayaan daraasado cilmiyeed, in ka badan 180 madax dowladeed ayaa xilka laga tuuray intii u dhexeysay 1946 iyo 2012, iyada oo loo marayo afgambi, faragelin shisheeye, ama cadaadis siyaasadeed, waxaana dhashay cawaaqibyo adag oo dalalkoda inta badan ku yimid.

Halkan waxaan ku eegaynaa tusaalooyin taariikhi ah oo caan ah si aan arrintan u muujinno.

Dalai Lama (oo musaafuris ku jira tan iyo 1959 ilaa hadda)

Dalai Lama (oo musaafuris ku jira tan iyo 1959 ilaa hadda)

Xigashada Sawirka, Getty Images

Marka dal uu aqbalo shaqsi muran badan dhaliyay, arrintaasi waxay yeelan kartaa cawaaqib juqraafi-siyaasadeed.

Go'aanka Hindiya ay magangalyada ku siisay Dalai Lama sanadkii 1959, kaddib markii Shiinuhu si rabshado leh u cabburiyay kacdoonkii Tibet, wuxuu abuuray khilaaf joogto ah oo u dhexeysa labada dal ee ugu dadka badan dunida.

Ra'iisul-wasaarihii Hindiya ee xilligaas, Jawaharlal Nehru, ayaa iska indhatiray digniin uga timid dhiggiisa Shiinaha, Zhou Enlai, oo uga digayay in aan loo oggolaan hoggaamiyaha Buddhist-ka inuu dalkiisaa galo.

"Xididdada kalsooni-darrada Beijing ay ka qabto Delhi waxay ka bilowdeen martigelinta wadaadka deggan ee saaxiibtinimada leh, kaas oo muddo tobanaan sano ah marti sharaf ku ahaa Hindiya," ayuu yiri Madhav Nalapat, oo ku takhakhusay cilmiga siyaasaddda.

Wuxuu intaa ku daray: "Go'aankii Nehru ee ahaa inuu iska indhatiray codsigii dhiggiisa Shiinaha wuxuu ahaa mid aad u muhiim ah, soo dhoweyntiisii Dalai Lama-na waxay abuurtay kala-qaybsanaan u dhexeysa Hindiya iyo Shiinaha oo weli jirta ilaa maanta."

Ayatollah Khomeini (1964–1979) iyo Shah-gii Iiraan (1979–1980)

Khomenie

Xigashada Sawirka, Getty Images

Marka uu hoggaamiye la musaafuriyo waxaa laga yaabaa in mid kale soo laabto.

Ruhollah Khomeini wuxuu ahaa wadaad diimeed caan ka ahaa Iiraan, kaas oo ka soo horjeestay nidaamka xilligaas ee Iran, ka dibna ku soo laabtay Iran oo beddeley xukunkii Shah Mohammad Reza Pahlavi, ee u janjeeray Reer Galbeedka, taasoo keentay aasaaska Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee hadda jirta.

Labada ninba waxay ku dhibaatoodeen masaafuriskii sababo la xiriira khilaafka ku saabsan masiirkooda iyo jihada dalkooda,iyo dhibaatooyinka uu wajahay Shah-si u helo meel ammaan ah si ay u noqoto digniin hoggaamiyeyaasha kale ee ka fiirsanaya qorshe ka bixid dalkooda.

Sanadkii 1964, Khomeini waaa la masaafuriyey sababo la xiriira mucaaradnimadiisii cadayd, wuxuuna u safaray Turkiga, Ciraaq, kadibna Faransiiska, halkaas oo uu ku dhiirrigeliyay taageerayaashiisa inay afgambiyaan Shah-ka.

Shah

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waxaana si xooggan hoos ugu dhacday shacbiyadii Shah, waxaa jiray rabshado, shaqo joojino iyo mudaharaadyo wadankoo dhan ah iyadoo janaayo 1979, ay burburtay dowladdiisii ka dibna isaga iyo reerkiisa ay u carareen si musaafuris ah.

Bishii Febraayo 1, 1979, Khomeini wuxuu si guul leh ugu soo laabtay Iiraan. Saxaafiyiintii saarnaa diyaarada uu ku socday—oo ay ku jireen wariyaha BBC John Simpson—waxay sheegeen inay ka baqayeen in diyaaradda la rasaaseeyo.

Waxaa la qabtay afti qaran, Khomeini-na wuxuu ku guuleystay guul weyn, waxaana loo magacaabay hoggaamiye siyaasadeed iyo diimeed ee Iiraan ilaa dhamaadka noloshiisa.

Khomeini wuxuu Iiraan ka talinayay isagoo ah Hogaamiyaha Sare ilaa uu ka geeriyooday 4-ta Juun 1989.

Idi Amin Dada (1979–1993)

Dada

Xigashada Sawirka, Getty Image

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Xitaa kali-taliyayaal naxariis laa-wayaasha ah mararka qaar waxay heli karaan magangalyo.

Idi Amin wuxuu ahaa hoggaamiye milatari oo xukunka qabsaday Uganda sanadkii 1971, waxaana mudadii tobbanka sanadood ahayd ee xukumayey dalkaas lagu tilmaamay hogaamiye kali-talis naxariis-darran ah oo lagu garto xasuuqyo iyo in dhammaan dadka Aasiya ee dalka ku nool la masaafuriyo.

Laakin iyadoo taasi jirto, wuxuu ku guuleystey inuu helo wado uu ku baxsado markii ay afgambiyeen ciidamada Tansaaniya, Ugandana ay ka masaafuriyeen 1979kii.

Professor Escorpa Folch wuxuu sharxayaa in "kaligii taliyeyaasha ay u badan tahay inay u cararaan dalalka ay la leeyihiin xiriir taariikhi ah, siyaasadeed, militari ama dhaqaale."

Haddaba, Sacuudi Carabiya ayaa soo faragalisay si ay gabaad u siisohoggaamiyaha Muslimka, inkastoo lagu eedeeyay inuu ka masuul ahaa dilka ilaa 400,000 oo muwaadiniin uganada ah intii uu xilka hayay.

Hogaamiyihii hore ee Afrika ayaa ku noolaa nolol raaxo leh Boqortooyada ilaa uu ka geeriyooday 2003dii.

Duvalier "Baby Doc" (1986-2011)

Haiati

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waxaa laga yaabaa in arrimuhu si fiican ugu socon dibadda.

Sacuudi Carabiya sinaba ma aha dalka kaliya ee martigeliya hogaamiye shisheeye oo leh sumcad aad looga naxo.

Magaalooyin badan oo Yurub ka tirsan ayaa ahaa meelaha ay ka soo degaan madaxdii xukunka laga tuuray, iyadoo dawladihii hore ee gumaystaha ahaa ay muddo dheer ku dadaalayeen in ay sii wataan saamayntooda ama ay ka hortagaan xasillooni darro ka dhacda dalalkii hore u gumaysan jiray.

Mid ka mid ah tusaale ahaan tan waa madaxweynihii hore ee Haiti Jean-Claude Duvalier, oo loo yaqaan "Baby Doc".

Waxa uu ahaa kaliya 19 jir markii uu ka dhaxlay magaca Madaxweynaha Nolosha Aabihiis, Francois, ama "Papa Doc," oo Haiti xukumayay tan iyo 1957.

Sida aabbihii, Jean-Claude Duvalier wuxuu ku tiirsanaa maleeshiyo naxariis daran oo loo yaqaan Tontons Macoutes si ay u maamulaan dalka, waxaana lagu qiyaasaa in iyaga (ama ciidamada amniga) ay dileen inta u dhaxaysa 20,000 iyo 30,000 Haitian ah intii lagu jiray xukunka qoyska Duvalier.

Ka dib markii lagu qasbay in uu xilka kaga dago kacdoon shacab sanadkii 1986, waxa uu musaafuris ku qaatay 25 sano, isagoo ka soo bilaabay koonfurta Faransiiska.

Laakiin ilaa lix milyan oo doollar oo uu ku lahaa xisaabaadka bangiyada Swiss ayaa la xayiray 1986-kii, wuxuuna lumiyay hantidiisa inteeda badan ka dib furiinkiisii qadhaadhaa ee 1993kii.

Sanadihii ugu dambeeyay ee masaafuristiisii, Duvalier wuxuu ku tiirsanaa taageerada dhaqaale ee taageerayaashiisa si uu ugu noolaado guri yar oo ku yaal Paris.

Benazir Bhutto (1984–1986, 1999–2007), Nawaz Sharif (1999–2007)

Pakistan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Jawiyadda siyaasadeed ee dalal qaar ayaa ku qasbi karta madaxda inay baxsadaan, waxaana Pakistan ka mid tahay tusaalooyinka ugu caansan.

Safarka siyaasadeed ee Benazir Bhutto wuxuu ahaa mid aad u kacsan. Laba jeer ayaa la masaafuriyay, kii kowaad wuxuu ahaa Boqortooyada Ingiriiska iyokii labaad Imaaraadka Carabta, waxay ku laabatay Pakistan oo waxay noqotay ra'iisul wasaarihii waddanka - haweeneydii ugu horreysay ee abid hoggaamisa waddan Muslimiin u badan - oo jagadaas haysatey laba jeer, 1988 ilaa 1990 iyo 1993 ilaa 1996.

Markii ay caannimadeeda sare u kacday - wax yar ka dib doorashadii ugu horreysay - waxay ka mid ahayd hoggaamiyeyaasha haweenka ugu caansan adduunka, waxayna soo jiidatay dadweyne aad u badan oo ka soo qaybgalay isu soo baxyadii ay abaabushay.

Laakiin labadaaas xilliba, madaxweynaha ayaa xilka ka eryay iyada isagoo ku eedeynaya musuqmaasuq."

Bhutto waxaa lagu dilay weerar ismiidaamin ah 2013-kii, aabaheed iyo labo walaalaheedba waxay ku dhinteen rabshado isku mid ah.

Pakistan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Nawaz Sharif waxa uu xilka Ra'iisal Wasaarenimo kala wareegay Benazir Bhutto labadeedii xilli ee uu xilka hayay, balse sanadkii 1999-kii waxaa xukunka ka tuuray militariga, waxaana loo masaafuriyay dalka dibaddiisa, si la mid ah Bhutto oo kale, muddo kooban ayaa xabsiga la dhigay ka hor inta uusan tagin Sacuudiga.

Afar iyo toban sano ka dib, Shariif wuxuu hoggaamiyay dhaqdhaqaaq mucaarad ah taasoo keentay inuu mar saddexaad ku guuleysto.

Balse 2017, Maxkamadda Sare ee Pakistan ayaa Sharif ka xayirtay inuu xil dowladeed qabto noloshiisa oo dhan, kadib kiiska Panama Papers oo la xiriiray isticmaalka meelaha canshuuraha hoose iyo hanti maaliyadeed oo aan lagu darin bayaanka hantida qoyska.

Noloshii siyaasadeed ee ninkii xukunka afgambiga kaga qabsaday Bhutto iyo Shariif labaduba ku 1999 kuna qasbay inay dalka ka baxaan, wax badan kama duwanayn; Pervez Musharaf sidoo kale wuxuu ku dhamaaday masaafuris.

Zine El Abidine Ben Ali

Tunusia

Xigashada Sawirka, Getty Images

Zine El Abidine Ben Ali ayaa Tunisia hogaaminayay 23 sano ka hor inta uusan xilka ka dagin January 2011 iyadoo ay socdeen mowjado mudaaharaadyo ah oo aan horay loo arag oo markii dambe loo aqoonsaday kacdoonkii Guga Carabta.

Markii hore, Ben Ali waxa uu dibadbaxyada ku eedeeyay koox "xag-jir ah", balse si degdeg ah ayuu uga laabtay, isagoo muujiyay sida uu uga xun yahay dhimashada dibadbaxayaasha, isagoo ballan-qaaday inuu dammaanad qaadayo xorriyadda saxaafadda, wuxuuna ballan-qaaday inuusan u tartami doonin xilka madaxweynaha 2014-ka.

Balse tanaasulkii uu u fidiyay ayaa ku guul dareystay in ay damiyaan qalalaasaha, maalintii xigtay, ka dib markii dadweyne aad u fara badan ay isugu soo baxeen waddooyinka Tunis oo ay mar kale isku dhaceen ciidamada ammaanka, waxa uu u baxsaday dalka Sacuudiga, halkaas oo uu ku geeriyooday Sebtember 19, 2019.

Ben Ali waxaa lagu tiriyaa inuu keenay xasillooni iyo heer barwaaqo dhaqaale, laakiin wuxuu helay dhaleeceyn ballaaran oo ku aaddan caburinta xorriyadda siyaasadeed.

Lix bilood ka dibna, maxkammad ku taal Tunisia ayaa isaga iyo xaaskiisa ku heshay dambi ah wax isdaba marin iyo ku takri fal hanti dadweyne, waxayna ku xukuntay 35 sano oo xarig ah.

Sanadkii 2012, maxkamad kale ayaa isagoo maqane ah ku xukuntay xabsi daa'in, isagoo lagu eedeeyay dilka dibadbaxayaasha."

Marka laga soo tago Tunisia, kacdoonkii gugii Carabta ee 2011 wuxuu horseeday burburka dawladihii Masar, Liibiya, Yemen iyo inuu sababay dagaal sokeeye oo Suuriya ah.

Gotabaya Rajapaksa

Srilank

Xigashada Sawirka, Getty Images

Gotabaya Rajapaksa waxa uu ahaa madaxweynaha Sri Lanka tan iyo bishii Nofembar 2019, laakiin waxa uu la kulmay cadaadis aad u weyn oo ay ugu wacan tahay dhaqaale xumadii ugu xumayd ee soo marta taariikhda dalka, taas oo keentay shidaal yari, dawo iyo cunto yari ba'an, taas oo dhalisay mudaaharaadyo ballaaran oo dadweyne oo lagaga soo horjeedo xukuumaddiisa.

Bishii Luulyo 2022, iyadoo ay sii kordhayaan mudaaharaadyadu ayaa dadkii mudaharaadayey xoog ku galeen madaxtooyada, Rajapaksa wuxuu go'aansaday inuu ka baxsado Sri Lanka. Waxa uu markii hore dalka kaga baxay diyaarad milatari oo uu ku sii jeeday Maldives, ka hor inta aanu maalmo ka dib u dhoofin Singapore, halkaas oo uu ku gudbiyay istiqaaladiisa email ahaan, ka dib markii uu waayay taageeradii siyaasadeed iyo shabakadii badbaadada ee uu ku naaloonayay intii uu ahaa madaxweynaha.

Kadib iscasilaadiisa, Rajapaksa kuma soo laaban noloshii siyaasadeed, mana helin ilaalin rasmi ah Singapore, ka dibna wuxuu u safray Thailand si ku meel gaar ah ka dib markii uu dhacay sharciga degenaanshaha Singapore. Hadda waxa uu ku nool yahay Nepal.

Sheikha Hasina

Bangladesh

Xigashada Sawirka, Getty Images

Sheikh Hasina Wajed ayaa sanado badan aheyd Ra'iisul Wasaaraha Bangladesh, waxaana lagu tiriyaa mid ka mid ah hogaamiyayaasha saameynta ku leh taariikhda casriga ah ee dalkaasi. Si kastaba ha ahaatee, sannadihii dambe, xukunkeedu waxa uu la kulmay dibad-baxyo baahsan oo dadweyne oo ay sabab u tahay eedaymo xaddidaynta xorriyadda, caburinta mucaaradka, iyo musuqmaasuqa doorashooyinka, taas oo ay u dheer tahay xaaladaha dhaqaale ee sii xumaanaya iyo qiimaha maciishadda.

Xagaagii 2024, mudaaharaadyadu waxay gaareen heer aan hore loo arag, iyagoo ay ku biireen ardayda iyo qaybaha ururada, iyada oo ay jiraan isku dhacyo iyo dhimasho dhiig badan ku daatay. Iyadoo dowladda ay lumisay gacan ku haynta waddooyinka, isla markaana ay isa soo tarayeen cadaadiska gudaha iyo dibadda, ayay Sheekh Hasina ku dhawaaqday inay xilka isaga casishay, tallaabadaas oo soo afjartay in ka badan toban sano oo xukun joogto ah.

Ka dib iscasilaaddeeda, Sheekh Hasina si kedis ah ayay uga baxsatay Bangladesh una aaday Hindiya, halkaasoo ay hadda ku nooshahay, iyadoo Bangladesh lagu riday xukun dil iyadoo maqan kaas oo ku saabsan dambiyo ka dhan ah aadanaha.

Bashar al-Assad

Suuriya

Xigashada Sawirka, Getty Images

December 8, 2024, nidaamka madaxweynihii hore ee Suuriya Bashaar al-Assad ayaa dhacay ka dib olole militari oo degdeg ah oo ay hogaaminayeen mucaaradka hubaysan. Xoogaga mucaaradka ayaa ku dhawaaqay inay la wareegeen gacan ku haynta caasimadda Dimishiq, sidaas darteedna ay soo afjareen in ka badan nus qarni qoyska Asad uu xukumayay Suuriya. Tani waxay timid ka dib sanado badan oo dagaalo sokeeye ah oo soo bilowday 2011 oo horseeday guud ahaan xaalada amni iyo mid dhaqaale oo sii xumaanaysa.

Markii caasimadda la qabsaday iyo hay'adihii dowliga ahaa ay burbureen, Bashar al-Assad wuxuu dalka ka tagay una haajiray caasimadda Ruushka, Moscow, halkaasoo isaga iyo qoyskiisu si kedis ah loogu wareejiyay. Warbaahinta Ruushka iyo ilo rasmi ah ayaa sheegay in Moscow ay Assad iyo qoyskiisa siisay magangalyo siyaasadeed oo sababo bini'aadantinimo ah, halka ay weli ilaalinayso saldhigyadeeda milateri ee Suuriya iyadoo ku saleysan dammaanadyo lala galay maamulka cusub.

Muammar Gaddafi

qadafi

Xigashada Sawirka, Getty Images

Laakiin maxaa dhacaya kuwa aan heli karin magangalyo? Professor Escriba Folch wuxuu ka digayaa in madaxda la eryay ee la daalaa dhacaya sidii ay u heli lahaayeen meel ilaalin ku filan ay mararka qaar dooran karaan inay 'xagga awoodda ku dhegaan, qiime kasta ha ahaadee.'

Tusaalaha ugu muuqda ee arrintan waa madaxweynihii hore ee Liibiya, Muammar Gaddafi; ka dib markii Tripoli la qabsaday intii lagu jiray dagaalkii sokeeye ee Liibiya 2011, waxaa jiray cadaadis xooggan oo ka yimid qaybo ka mid ah beesha caalamka si Gaddafi uu u baxsado, taasoo loo arkayay hab lagu joojinayo colaadaha.

Taas beddelkeeda, kaligii-taliyihii Liibiya waxa uu dhuumanayey muddo bilo ah, waxaana ugu dambayntii lagu dilay magaalada Sirta ee uu ku dhashay.

"Wuxuu doortay inuu dagaal ku dhinto halkii uu u baxsan lahaa," ayay qoreen laba cilmi-baare oo ka tirsan Jaamacadda Northwestern ee Maraykanka, maqaalkooda la daabacay 2017. "Qaar ayaa saadaaliyay in go'aankan, arrimo kale oo ay ka mid tahay, uu ku salaysnaa awood la'aanta in la helo dal diyaar u ah oo siin karo ilaalin muddo dheer ah."