Maxaynu ka naqaan madaxweyne ku xigeenka Venezuela ee maxkamadda sare u magacawday in ay bedesho Maduro?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Kaddib markii ciidamada Mareykanka ay qabteen Nicolas Maduro waxaa si gaar ah isha loogu hayaa madaxweyne ku xigeenka awoodda badan Delcy Rodríguez.
Gelinkii dambe ee sabtiga waxay maxkamadda sare ee Venezuela amar ku bixisay in Rodríguez ay la wareegto xilka madaxweynaha sababo la xiriira in madaxwenaha "xoog lagu qaatay".
Bayaan ay soo saartay, Tania D'Amelio, oo ah madaxa qaybta dastuuriga ah ee maxkamadda, ayaa sheegtay in dastuurku siinayo madaxweyne ku-xigeenka in ay buuxiso booska madaxweynaha maqana.
Maxkamada ayaa ku tilmaantay howgalka Mareykanka ee lagu qabtay Maduro iyo xaaskiisa "afduub" iyo "gardarro shisheeye".
Maxkamaddu waxay siisay Rodriguez awood ay ku hoggaamiso dalka "difaaca madax-bannaanida" iyo "ilaalinta nidaamka dastuuriga ah," sida lagu sheegay bayaanka.
Saacado ka hor go'aanka maxkamadda sare, khudbad ay Rodríguez ka jeedisay telefishan waxay ku cambaareysay tallaabada Maraykanka iyadoo ku sifeysay qabashada Maduro iyo xaaskiisa "afduub sharci-darro ah".
"Waxa lagu sameynayo Venezuela waa arxan-darro," ayay tiri Rodriguez, iyadoo khudbad u jeedineysay shacabka, taas oo si toos ah looga baahiyay idaacadda iyo telefishanka qaranka.
"In Venezuela la go'doomiyo, in la cunaqabateeyo, waa fal arxan-darro ah oo jebinaya dhammaan hababka nidaamka caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha, isla markaana ah dembiyo ka dhan ah bini'aadannimada. Ha u oggolaanina cunaqabateyn kasta in ay qalloociso rabitaanka dadkan," ayay tiri Rodríguez, iyadoo ugu baaqday muwaadiniinteeda in ay u soo baxaan difaaca dalkooda, kuna adkaysatay in "Venezuela ay leedahay hal madaxweyne oo keliya, magaciisuna yahay Nicolás Maduro Moros."
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Hadalkaas ayay uga jawaabtay waxa uu madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ka sheegay shirkii jaraa'id ee ugu horreeyay kaddib qabashada Maduro.
Shirka jaraa'id ee loo qabtay si loo sharxo hawlgalka milatari ee Mareykanka fuliyay, ayuu Trump ka sheegay in Rodríguez ay noqon karto qofka la wareegi doona hoggaanka dalka, balse ay ku shaqeyn doonto waxa ay dooneyso dowladda Maraykanka.
Trump waxa uu sheegay in Rodriguez ay xiriir la lahayd xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Marco Rubio, wuxuuna muujiyay in ay u muuqato in ay diyaar u tahay in ay fuliso dhammaan dalabaadka Washington. "Ikhtiyaar kale ma lahan," ayuu yiri.
Si kastaba ha ahaatee, wax yar kadib shirkii jaraa'id ee Trump, Rodriguez ayaa khudbad kale ka jeedisay idaacadda iyo telefishanka qaranka, taas oo ay mar kale ku adkaysatay in Maduro yahay "madaxweynaha keliya ee Venezuela," kuna tilmaantay qabashadiisa "afduub", isla markaana tiri Venezuela "ma is dhiibayso, ma tanaasulayso, mana noqon doonto waligeed in la gumeysto."
Dadka yaqaan Rodriguez badankood waxay ku sifeeyaan in ay tahay "mid aad u caqli badan," balse sidoo kale "adag oo mabda' ku dheggan".
Dhabtii, waa qof ceynkee ah Delcy Rodríguez?
Siyaasadda garabka bixid ayey u janjeertaa

Xigashada Sawirka, Getty Images
Delcy Rodríguez waa qareen 56 jir ah, waxaana dhalay Jorge Antonio Rodríguez oo ahaa dagaalyahan ka qeybgalay dagaalo dhacay sannadihii 1960-kii, wuxuu ku dhintay xabsiga booliska sanadkii 1976-dii kaddib markii loo xiray in uu ku luglahaa afduubkii William Niehous.
William wuxuu ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa shirkad laga leeyahay Marekanka oo ka shaqeyneysa Venezuela.
Geeridii Rodríguez waxay gilgishay ra'yiga dadweynaha, maadaama ay ka dhalatay jirdil iyo xadgudubyo ay boolisku kula kaceen.
Dhacdadaas ayaa noqotay mid ka mid ah sababihii ku dhiirrigeliyay Delcy in ay barato sharciga, iyadoo waxbarashadeeda ka qaadatay Jaamacadda dhexe ee Venezuela, kaddibna waxay Faransiiska ka sii baratay culuumta sharciga shaqada iyo ururrada shaqaalaha.
Laga soo bilaabo mudadii Chavez ilaa Maduro

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sida walaalkeed Jorge Rodriguez, oo ah guddoomiyaha hadda ee Golaha Qaranka, Delcy Rodríguez waxay siyaasadda soo gashay xilligii Hugo Chávez, markaas oo ay gashay golaha wasiirrada, iyadoo muddo kooban noqotay Wasiirka madaxtooyada.
Markii uu Maduro xukunka yimid ayey qabatay xilal badan oo sare sida wasiirka Isgaarsiinta iyo warfaafinta, wasiirka dhaqaalaha, iyo wasiirka arrimaha dibadda.
Waqtiyadii u dambeeyayna, waxay gaartay xilka madaxweyne ku-xigeenka, iyadoo sidoo kale la wareegtay masuuliyadda wasiirka shidaalka.
Waxay sidoo kale noqotay guddoomiyihii ugu horreeyay ee golaha dastuur-dhiska qaranka ee muranka dhaliyay ee la sameeyay 2017. Xilkaas ayaa loo arkayay mid miisaan culus leh maadaama ay ka awood badnaa madaxtooyada, loona arkayay hay'ad ka sarreysa dastuurka.
Sida walaalkeed Jorge, waxay noqotay shaqsi muhiim ah oo dowladda Maduro u adeegsato howlaha siyaasadda gudaha iyo dibadda.
"Delcy waxay si dhow ula shaqeysaa walaalkeed. Waxay ka yar tahay dhinaca aqoonta falsafadeed, balse aad bay ugu xooggan tahay dhinaca fulinta. Waa dad wax bartay oo buuxiyay kaalin dowladda u baahneyd.
Wakiil diblomaasiyadeed
Delcy Rodríguez waxay si rasmi ah u qabatay xilka wasiirka arrimaha dibadda intii u dhaxaysay 2014-kii iyo 2017-kii.
Sannadihii u dambeeyay, markii Maduro uu yeerayay safarradiisa dibadda, waxay noqotay hawl-wadeen muhiim ah oo xiriir la leh dalalka xulafada la ah sida Turkiga, Shiinaha iyo Iran.
Caalamka dhexdiisa, Rodriguez waxay ku lug yeelatay dhowr dhacdo oo muran dhaliyay, sida sannadkii 2016, markay ahayd wasiirka arrimaha diabdda, waxay isku dayday in ay gasho shir suuqa koonfurta Ameerika ee Mercosur ah oo ka dhacayay Buenos Aires, kaddib markii Venezuela laga saaray ururkaas.
Sanad kaddib waxay diyaarad gaar ah ku tagtay garoonka diyaaradaha Barajas ee Madrid halkaas oo ay kula kulantay wasiirka gadiidka Spain iyadoo mamnuuc ka aheyd in ay tagto dalalka Schengen.
Rodriguez waxay ka mid aheyd madax ka badan 50 oo reer Venezuela ah oo Midowga Yurub cunaqabateyn ku soo rogay sababo la xiriira ku tumashada xuquuqda aadanaha iyo hoos u dhaca dimuqraadiyadda Venezuela. Sidoo kale Maraykanku wuxuu cunaqabateeyay 2018-kii.
Delcy Rodríguez waxay hadda diidday tallaabooyinkan Mareykanka iyadoo si cad u dhaleecaysay siyaasadaha Maraykanka.
In ay noqoto aalad lagu baddelo Maduro xiliga kala guurka Venezuela, waxay u baahan tahay heer siyaasadeed oo ku imaan karo cadaadis.













