Saddex arrimood oo muhiim ah oo laga diiwaan galiyay qabashadii taariikhiga aheed ee Maduro

Xigashada Sawirka, Getty Images
Hawlgalka militariga Mareykanka ee Venezuela ayaa socday ku dhawaad 140 daqiiqo oo kaliya saacadihii hore ee Sabtidii, balse waxa uu bilow u ahaa maalin argagax gelineysa caalamka.
Weerarkii lama filaanka ahaa ee loo adeegsaday bambooyinka oo ay fuliyeen askarta Mareykanka ee ka dhacay magaalada Caracas, ayaa ugu dambeyntii xabsiga loo taxaabay madaxweynaha Venezuela Nicolás Maduro iyo xaaskiisa Cilia Flores, kuwaas oo laga soo kaxeeyay dalka Koonfurta Ameerika si loogu maxkamadeeyo magaalada New York ee dalka Mareykanka, iyagoo lagu eedeeyay ka ganacsiga daroogada.
Tani waxay ahayd dhacdo aan horay loo arag qarnigii 21aad: markii ugu dambeysay ee Washington ay sameyso ficil la mid ah Latin America waxay ahayd 36 sano ka hor markii ay ku soo duushay Panama.
Markan, xadhiga Maduro waxa daba socday hadal ka soo yeedhay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo sheegay in dawladiisu ay gacanta ku dhigi doonto Venezuela iyo shidaalkeeda muddo aan la cayimin.
Delcy Rodríguez, oo ah madaxweyne ku xigeenka Venezuela, ayaa ku adkaystay in Marykanku samaynayo "xadgudub" ka dhan ah dalka.
Waxay ahayd sabti taariikhi ah, oo soo bandhigtay dhawr su'aalood oo furan ka dib saddex marxaladood oo naxdin leh:
1. Howlgalka

Xigashada Sawirka, Reuters
In kasta oo weerarka Maraykanka ee gudaha Venezuela mid degdeg ah haddana waxa uu socday bilo .
Diyaargarowga waxaa ka mid ahaa in la ururiyo xoggo sirdoon "si loo helo Maduro oo loo fahmo halka uu ku noolaa, meesha uu u safray, waxa uu cunay, waxa uu xirtay, waxa xayawaankiisa ay yihiin," General Dan Caine, oo ah guddoomiyaha taliyaha guud ee shaqaalaha ee Maraykanka, ayaa u sheegay warbaahinta.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxa kale oo jiray diyaarin aan caadi ahayn oo ciidamo Maraykan ah oo ku sugan Kariibiyaanka tan iyo bishii Sebtembar, oo ay la socdeen markab diyaaradeed oo weyn, maraakiib dagaal iyo in ka badan 15,000 oo askari.
Trump ayaa sheegay in ujeeddada loo dirayo ay tahay in lala dagaallamo ka ganacsiga daroogada.
Ugu yaraan 115 qof ayaa tan iyo markaas ku dhintay duqeymo isdaba joog ah oo lagu qaaday doomo yar yar oo Washington ay ku andacooneyso, iyada oo aan la soo bandhigin cadeymo, ay saarnaayeen daroogo.
Ugu dambeyn, habeenimadii Jimcaha, Trump waxa uu oggolaaday howlgalka loogu magac daray "Xallinta Dhabta ah" ee lagu soo qabanayo Maduro.
Weerarku wuxuu ku billowday korontada oo lga jaray Caracas iyo weerarrada ka dhanka ah difaaca hawada Venezuela: guud ahaan, qiyaastii 150 diyaaradood ayaa ka qeybqaatay marxaladdaas howlgalka, ayuu yiri Caine.
Bartilmaameedyada la weeraray waxaa ka mid ah saldhiga ciidamada cirka ee La Carlota, dekedda La Guaira, Fort Tiuna iyo garoonka diyaaradaha ee Higuerote. Ujeedadu waxay ahayd in diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Maraykanku ay galaan magaalada Caracas iyagoon wax iska caabin ah samayn si ay u qabtaan Maduro.
Howlgalkan waxaa ku lug lahaa cutubka Delta Force ee caanka ah iyo 160aad ee hawlgallada gaarka ah ee guutada duulista, oo sidoo kale loo yaqaan " daba-galka habeenkii".
Sida laga soo xigtay Caine, howlgalka Mareykanka wuxuu socday ku dhawaad 2 saacadood iyo 20 daqiiqo.
Ilaa hadda lama oga tirada dadka ku dhaawacmay ama ku dhintay howlgallada ka socda dalka Venezuela, inkastoo wararka hordhaca ah qaarkood ay sheegayaan in laga yaabo in tobaneeyo qof ay ku dhaawacmeen.
2. Maduro oo indhaha iyo gacmaha laga xidhay

Xigashada Sawirka, Truth Social
Ka dib markii la qabtay, lamaanaha madaxweynaha Venezuela ayaa diyaarad helicopter ah lagu qaaday markabka USS Iwo Jima, oo ah markab weerar ah oo uu Maraykanku geeyay Kariibiyaanka.
Saacado ka dib, Trump waxa uu baraha bulshada soo dhigay sawirka Maduro, oo la sheegay in lagu qaaday markabkaas.
Sawirka ayaa muujinaya madaxweynaha 63-jirka ah oo gacmaha ka xiran, indhahana ka xiran, isagoo xiran dharka ciyaaraha , isla markaana ku haysta caag cad mid ka mid ah gacmihiisa.
Taasi waxay ahayd muuqaal kale oo naxdin leh maalintaas: ninkii xukumayay Venezuela tan iyo 2013-kii oo ahaa dhaxal-sugaha siyaasadeed ee Hugo Chavez iyo kacaankiisii hantiwadaagga ayaa hadda ku jira gacanta dawlad uu isagu sheegay inay doonayso inay afgambiso.
Waxaa lagu eedeeyay inuu maleegayay inuu kookayn u diro Mareykanka, iyo dambiyo kale, ayuu yiri xeer ilaaliyaha guud ee dalka, Pam Bondi, isagoo intaa ku daray in xaaskiisa Flores sidoo kale lagu soo oogay danbiyo.
Intii lagu guda jiray shir jaraa'id oo uu siiyay Sabtidii, Trump wuxuu sheegay in Maduro iyo Flores "ay wajahayaan cadaaladda Mareykanka" "ololahooda argagixisada ee dilaaga ah ee ka dhanka ah Mareykanka iyo muwaadiniintiisa."
Si kastaba ha ahaatee, xubnaha Congress-ka ee ka socda xisbiga Jamhuuriga ee Trump ayaa jahawareer ka muujiyay mawqifyada iska soo horjeeda ee madaxweynaha ee Hernández iyo Maduro.
3. Shirka jaraa'id ee Trump

Xigashada Sawirka, Getty Images
Trump ayaa si cad u sheegay in dantiisa Venezuela ay dhaafsiisan tahay eedeymaha ka ganacsiga daroogada ee ka dhanka ah Maduro, ayna ku jirto keydka saliida ee weyn ee dalkaasi.
Shir jaraa'id oo uu ku qabtay gurigiisa gaarka ah ee Mar-a-Lago, ee Florida, ayuu madaxweynuhu ku sheegay in Maraykanku uu maamuli doono Venezuela ilaa laga helayo "is-beddel badbaado leh, sax ah oo macquul ah".
Trump ayaa sidoo kale u muuqday mid meesha ka saaraya in si degdeg ah xukunka loogu wareejiyo mucaaradka Venezuela ee ay hogaamiso Maria Corina Machado, oo sanadkii hore heshay abaalmarinta nabadda ee Nobel Peace Prize.
"Waxay ila tahay inay aad ugu adag tahay inay noqoto hogaamiyaha, kuma haysato taageero iyo ixtiraam dalka gudihiisa, waa haweenay aad u wanaagsan, laakiin ma haysato ixtiraamkii loo baahnaa," ayuu yidhi Trump oo mar kale dad badan ka yaabiyay.
Taas beddelkeeda, waxa uu muujiyay rabitaankiisa ku aaddan in shirkadaha saliidda ee Maraykanku ay la wareegaan hawlaha saliidda cayriin ee Venezuela.
Waxa uu soo jeediyay in shirkaduhu ay bixin doonaan kharashka dib u dhiska kaabayaasha tamarta Venezuela si ay ugu noqdaan wax soo saarka saliidda faa'iidada leh.
"Dalka si sax ah ayaan u maamuleynaa, waxaa lagu maamuli doonaa si cadaalad ah, lacag badan ayaa laga heli doonaa" ayuu ku dooday.
Trump wuxuu sheegay in Rubio uu la hadlay madaxweyne ku xigeenka Venezuela Rodriguez oo uu u xaqiijiyay inay diyaar u tahay "inay sameyso waxa aan u aragno inay lagama maarmaan tahay si aan mar kale uga dhigno Venezuela mid weyn."
Waxaan diyaar u nahay inaan difaacno Venezuela," ayuu ku yiri, isagoo ku hadlaya lahjad la mid ah xubnaha kale ee dowladdiisa.
Maxkamadda sare ee Venezuela ayaa habeenimadii Sabtida xukuntay in Rodríguez ay xilkan qabato iyada oo ah ku-simaha madaxweynaha marka uu maqan yahay.
Trump ayaa intii uu ku guda jiray shirkiisa jaraa'id waxa uu sheegay in uu diyaar u yahay in uu weerar labaad oo ka sii weyn uu ku qaado Venezuela haddii uu u arko in ay lama huraan tahay, inkastoo uu sheegay in aysan taasi dhici karin.
"Kama cabsaneyno in aan ciidamo dhulka dhigno haddii ay nagu qasbto," ayuu yiri mar kale.
Trump wuxuu yimid awoodda isagoo ballanqaaday inuu ka fogaanayo faragelinta militariga Mareykanka iyo isbeddelada dowladeed ee adduunka oo aad qaali ugu ahaa Washington waqtiyadii la soo dhaafay.
Hadda dad badan ayaa is weydiinaya haddii Venezuela ay noqon doonto cutub cusub oo sheekadaas ka mid ah.













