Venezuela: "Trump wuxuu wadaa hanjabaaddii gumeysiga"

Sawir dhow oo wejiga Trump ah

Xigashada Sawirka, Getty Images

    • Author, Aoife Walsh
    • Role, Washington

Venezuela ayaa ku eedeysay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump inuu sameeyay "hanjabaad gumeysi" ka dib markii uu sheegay inay tahay in hawada dalka ku wareegsan loo tixgeliyo mid xiran.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaas ayaa hadalka Trump ku tilmaantay "gardarro kale oo xad-dhaaf ah, sharci-darro ah oo aan sabab lahayn oo ka dhan ah dadka Venezuela".

Maraykanku sharci ahaan ma laha awood uu ku xiro hawada waddan kale, laakiin qoraalka Trump ee internet-ka ayaa keeni kara hubanti la'aan dhanka safarka iyo in ay ka hor istaagto shirkadaha diyaaradaha inay ka hawlgalaan halkaas.

Maraykanku waxa uu dhisme ciidan ka waday dalalka Caribbean-ka, kaas oo ay saraakiishu sheegeen in uu yahay mid lagula dagaallamayo mukhaadaraadka. Madaxweynaha Venezuela Nicolás Maduro ayaa ku gacan seyray sheegashada Mareykanka ee ah ka ganacsiga daroogada oo uu ku tilmaamay isku day lagu doonayo in xilka looga tuuro.

Qoraal uu soo dhigay Truth Social, Trump waxa uu ku qoray: "Dhammaan Shirkadaha Diyaaradaha, Duuliyayaasha, Kuwa ka Ganacsada Daroogada, iyo Kuwa Dadka Tahriibiya, fadlan ka fiirsada hawada sare iyo agagaarka VENEZUELA in la xiro dhammaanteed."

Aqalka Cad ayaan si degdeg ah uga jawaabin codsigii BBC-da ee ahaa inay faallo ka bixiyaan.

Hadalka Trump ayaa imaanaya maalmo kadib markii maamulka duulista hawada ee Mareykanka (FAA) uu uga digay shirkadaha diyaaradaha "dhaqdhaqaaqyo ciidan oo sarreeya ee Venezuela iyo nawaaxigeeda".

Bayaan ay soo saartay Sabtidii, wasaaradda arrimaha dibadda ee Venezuela waxay ku sheegtay in Maraykanku "si kali ah u hakiyay" duullimaadyadii dib u celinta muhaajiriinta ee toddobaadlaha ah.

"Waxaan si toos ah ugu baaqaynaa beesha caalamka, dawladaha madax-bannaan ee adduunka, Qaramada Midoobay iyo hay'adaha caalamiga ah ee ay khusayso inay si adag u diidaan falkan anshax-darrada ah ee gardarrada ah," ayaa lagu yiri.

Venezuela ayaa Arbacadii mamnuucday lix diyaaradood oo waaweyn oo caalami ah - Iberia, TAP Portugal, Gol, Latam, Avianca iyo Turkish Airlines - ka dib markii ay ku guuldarreysteen inay kasoo baxaan 48-saacadood oo kama dambeys ah oo loo qabtay in ay dib ugu billaabayaan duullimaadyada.

Infographic about the USS Gerald R Ford, the world’s largest American aircraft carrier. The top section shows the carrier at sea with labels indicating that it carries about 4,600 sailors, travels in a “strike group” with other warships, has capacity for up to 90 aircraft including fighter jets and helicopters, and cost around £13bn to build. Below, a size comparison chart shows the carrier’s length (337m / 1,106ft) against tall buildings including The Shard (310m), Eiffel Tower (330m), and Empire State Building (381m). The bottom section shows an overhead view of the carrier with dimensions: width 78m (256ft) and flight deck area 18,000 sq m (4.5 acres). Source: US Department of Defense, US Congress
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Maraykanka ayaa ku daabulay markabka ugu weyn adduunka ee USS Gerald Ford iyo ilaa 15,000 oo askari meel u jirta dalka Venezuela.

Waxa uu ku adkeystay in hawlgalinta – oo ah kii ugu waynaa ee uu Maraykanku ka sameeyo gobolka tan iyo markii uu galay Panama 1989-kii – uu yahay mid lagula dagaallamayo ka ganacsiga daroogada.

Khamiistii, Trump wuxuu ka digay in dadaallada Mareykanka ee lagu joojinayo ka ganacsiga daroogada Venezuela "dhul ahaan" ay u billaaban doonaan "si dhaqso ah".

Ciidamada Mareykanka ayaa ugu yaraan 21 weerar ku qaaday doomo ay sheegeen in ay saarnaayeen daroogo, waxaana ku dhintay in ka badan 80 qof. Si kastaba ha ahaatee, Maraykanku ma soo bandhigin caddaymo muujinaya in doomahaasi ay sideen daroogo.

Dowladda Venezuela ayaa aaminsan in ujeedka tallaabada Mareykanka ay tahay in xilka laga tuuro Maduro, oo dib loo doortay sanadkii hore taasoo mucaaradka Venezuela iyo dalal badan oo shisheeye ay ku eedeeyeen in lagu shubtay.

Maraykanku waxa uu sidoo kale u aqoonsaday Cartel de los Soles, ama Cartel of the Suns - koox ay ku eedeeyeen in uu madax u yahay Maduro - urur argagixiso oo ajnabi ah.

Ku-sheegidda ururka inuu yahay koox argagixiso waxay siinaysaa hay'adaha sharci fulinta Maraykanka iyo kuwa militariga awoodo ballaaran oo ay ku beegsadaan oo ayna ku burburiyaan.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Venezuela ayaa "si gaar ah, si adag, iyo gabi ahaanba u diidday" warkaas.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo caddaaladda ee Venezuela Diosdado Cabelo, oo lagu eedeeyay in uu ka mid yahay xubnaha sarsare ee ururkan, ayaa muddo dheer ku tilmaamay inuu yahay "hal-abuur".

Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa ku adkeysatay in Cartel de los Soles aysan ahay keliya mid jirta, balse ay "burburisay ciidamada Venezuela, sirdoonka, sharci dejinta iyo garsoorka".