War ka soo kordhay barnaamijka group Five ee Canada oo Soomaali badan dalkaasi ku tagi jirtay

Xigashada Sawirka, getty
Dowladda dalka Canada ayaa kordhisay hakinta barnaamijka codsiyada qaxootiga ee Group five loo yaqaan, kaas oo dad badan u oggolaanaya in ay siyaabo kala duwan u tagaan dalkaas.
Hakinta barnaamijkan oo dowladdu ay ku dhawaaqday sanadkii la soo dhaafay ee 2024-ka ayaa hadda la sii kordhiyay muddadaasi oo laga dhigay ilaa 2027-ka.
Tallaabadaan cusub ayay dowladda Canada ku wargelisay dadka ay khuseyso, waxeyna imaanaysaa iyadoo la filayay in dowladdu barnaamijkan dib u furto dhamaadka sanadkan 2025-ka.
Dad badan ayaa sugayay warka ku saabsan dib u furista Group five, kuwaas oo horey codsiyadooda ugu dirsaday waaxda qaxootiga Canada.
Soomaali badan ayaa ka mid ah dadka barnaamijkan horey uga faa'iidaystay oo dalka Canada ku tagay, halka kuwa badanna ay ka mid yihiin dadka hadda sugayay in dib uu u bilowdo hase-yeeshee ka war helay kordhinta hakinta barnaamijka.
Haddaba maxaa keenay in muddada hakinta la kordhiyo? Arrimahaas waxaan ka waraysanay Warsame Jirde Warsame oo madax ka ah barnaamijka qaxootiga ee ardayda wax ka barta Canada uga qaado wadamo kala duwan oo caalamka ah sidoo kalena ka faallooda arrimaha waqooyiga Mareykanka.
Halkaan hoose ka dhageyso waraysiga







