Sidee weerarka Trump ee Venezuela ugu egyahay ama uga duwan yahay duullaankii Panama ee 1989?

Askar Maraykan ah oo Panama joogta

Xigashada Sawirka, Getty Images

Xiisadda sii kordheysa ee u dhexeysa Mareykanka iyo Venezuela ayaa keentay abaabulkii ciidan ee ugu weynaa Kariibiyaanka tan iyo dhammaadkii Dagaalkii Qaboobaa.

Markii ugu dambeysay ee Mareykanku u diro maraakiib dagaal oo tiro intaas le'eg gobolka waxay ahayd 1989, markaas oo uu afgambiyay madaxweynihii Panama, Manuel Noriega, oo uu ku eedeeyay ka ganacsiga daroogada.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira kala duwanaansho ka badan waxyaabaha isu eg ee u dhexeeya waqtigaas iyo maanta. 16-kii Diseembar 1989, taliye ka tirsanaa ciidanka badda Mareykanka, Robert Paz, ayaa fadhiyay dhabarka gaari Chevrolet Impala ah isagoo ku sii jeeday Hotel Marriott ee Panama City si uu casho u cuno, xilli xiisadda u dhaxeysay dalkiisa iyo hoggaamiyaha Panama ay maraysay meel halis ah.

Markii gaariga ay saarnaayeen afar askari oo Mareykan ah uu gaadhay bar-koontarool oo ay maamulayeen Ciidamada Difaaca Panama, lix askari ayaa ku hareereeyay gaadhiga. Dood kaddib, askarta Panama ayaa rasaas furtay iyadoo gaadhigu sii socday. Robert Paz ayaa ku dhintay dhacdadaas, dhimashadiisuna waxay sababtay duullaankii Mareykanka ee Panama afar maalmood kaddib, 20-kii Diseembar.

Tani weli waa duullaankii ugu dambeeyay ee weyn ee Mareykanku ku qaado dhul shisheeye oo ku yaalla qaaradda Ameerika.

Washington waxay ugu magac dartay Hawlgalka "Causa Justa," waxayna dirtay ku dhowaad 30,000 oo askari oo Mareykan ah. Madaxweyne Noriega ayaa laga tuuray talada, waxaana loo qaaday Miami si maxkamad loogu saaro dambiyada daroogada. Qaramada Midoobay waxay qiyaastay in ku dhowaad 500 oo rayid oo reer Panama ah in ay ku dhinteen duullaanka. Mareykanku wuxuu sheegay in tiradu ka yar tahay, halka dhaleeceeyayaashu ay yiraahdaan way ka badan tahay.

Isbar-bardhig iyo kala duwanaansho

Duullaankii Panama wuxuu ahaa markii ugu dambeysay ee Mareykanku sameeyo hawlgal milatari oo ballaadhan oo Kariibiyaanka ah, heer la mid ah kan hadda laga arkayo biyaha ku dhow Venezuela.

Waxyaabaha isu eg ee labada xilli waa kuwo si cad u muuqda, laakiin sidoo kale kala duwanaanshahoodu waa weyn yahay.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Marka hore, waxyaabaha isku midka ah. Inkastoo ay kala fog yihiin tobannaan sano, labada xaaladoodba hadallo colaad ah oo sii xoogeysanayay oo u dhexeeyay Washington iyo hoggaamiye Latin Ameerikaan ah, kaddib sannado cadaawad ah, ayaa horseeday in Mareykanku si weyn u kordhiyo joogitaankiisa ciidan ee gobolka.

Labada kiisba, Washington waxay ku eedeysay hoggaamiye Latin Ameerikaan ah inuu si shaqsi ah ugu lug lahaa ka ganacsiga daroogada, taasoo kordhisay cadaadiska gudaha ee saarnaa madaxweyne horeyba u go'doonsanaa.

Xaaladaha Noriega iyo madaxweynaha Venezuela Nicolás Maduro labadaba, doodda ugu weyn ee dowladda Mareykanka ayaa ah in iyaga iyo dowladahoodu ay ku lug lahaayeen ganacsiga daroogada. Ugu dambeyntii, in hoggaamiyaha la tartamaya loo muujiyo inuu asal ahaan yahay daroogo-ganacsade ayaa noqotay sababta Washington ay u adeegsatay inay shacabka Mareykanka ugu sharaxdo tallaabooyinkeeda xiga.

Labada dalba waxay leeyihiin muhiimad istiraatiiji ah oo aad u weyn Kanaalka Panama iyo keydka saliidda ee ballaadhan ee Venezuela taasoo si weyn u kordhinaysa khatarta.

Si kastaba ha ahaatee, kala duwanaanshuhuna waa cad yihiin.

Xilligii Dagaalkii Qaboobaa iyo qarniga 21-aad waa waqtiyo aad u kala duwan, George H. W. Bush, madaxweynihii Mareykanka ee 1989, iyo Donald Trump-na waa hoggaamiyeyaal aad u kala duwan.

Madaxweyne Noriega wuxuu muddo dheer ahaa xubin la shaqeeya CIA-da, waxaana ugu dambeyntii lagu xukumay caddeymo adag oo ay ka mid yihiin diiwaanno maaliyadeed iyo markhaatiyo dad ku lug lahaa duulimaadyo daroogo ama lacag-dhaqid u sameeyay budhcadda Medellín ee Panama. Xitaa mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha budhcadda ayaa Noriega ku eedeeyay inuu si toos ah uga qayb qaatay ganacsiga sharci-darrada ah.

Washington waxay ku eedeyneysaa Maduro inuu hoggaaminayo waxa loo yaqaan Budhcadda Qorraxda, oo la sheegay inuu ka kooban yahiin xubno hadda iyo kuwii hore ee hoggaanka militariga Venezuela.

Si kastaba, falanqeeyayaal badan oo ku takhasusay dagaalka ka dhanka ah daroogada ayaa shaki gelinaya in Budhcadda Qorraxda uu yahay urur dambiyeed rasmi ah, ama uu yahay isbahaysi dabacsan oo saraakiil musuqmaasuq ah oo ka faa'iidaystay tahriibinta daroogo iyo kheyraadka dabiici ah iyagoo maraya dekedaha Venezuela.

Maduro iyo maamulkiisu way diidaan jiritaanka budhcadaas, iyagoo ku tilmaamaya "sheeko been ah" oo Washington faafisay si looga tuuro talada.

Gaadiid dagaal oo Maraykanku leeyahay

Xigashada Sawirka, Google

"Meertada Gudaha ah"

"Si lama filaan ah ayay u soo saareen wax ay ugu yeedhaan Budhcadda Qorraxda, oo aysan waligood caddeyn karin sababtoo ah ma jiro," ayuu yidhi wasiirka arrimaha gudaha ee Venezuela, Diosdado Cabello. "Waa hal-abuur gumeysi," ayuu yidhi bishii hore.

Si kastaba, waxaa jira caddeyn muujinaysa ka ganacsiga daroogada ee ka dhex jirta qoyska madaxweynaha Venezuela.

Laba wiil oo ay ilma-adeer u yihiin Maduro ayaa lagu qabtay Haiti sanadkii 2015 hawlgal qarsoodi ah oo ay fulisay Hay'adda La-dagaallanka Daroogada ee Mareykanka (DEA).

Wiilasha gabadh la dhalatay xaaska Maduro ayaa la qabtay iyagoo isku dayaya inay 800 kiiloogaraam oo kookayn ah u tahriibiyaan Mareykanka.

Kuwaas oo markii dambe loo yaqaanay "Xigtada," Francisco Flores de Freitas iyo Efraín Antonio Campo Flores waxay ku qaateen dhowr sano xabsi Mareykan ah ka hor inta aan 2022 dib loogu celin Venezuela, iyagoo qayb ka ahaa is-weydaarsi maxaabiis ah oo lala galay maamulka Biden.

Maamulka Trump ayaa hadda cunaqabateyn cusub saaray labadooda iyo adeer saddexaad, Carlos Erik Malpica Flores.

Markii uu ku dhawaaqayay cunaqabateynta, Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka, Scott Bessent, ayaa yidhi: "Nicolás Maduro iyo saaxiibadiisa dambiyada ah ee Venezuela waxay Mareykanka ku fatahinayaan daroogo sumeynaysa shacabka Mareykanka."

"Wasaaradda Maaliyaddu waxay mas'uul ka dhiganaysaa nidaamka iyo goobtiisa dhow iyo shirkadaha la xidhiidha dambiyadooda sii socda," ayuu raaciyay.

Ereyga "Meertada Gudaha ah" wuxuu u egyahay luqaddii Washington ay u adeegsan jirtay inay ku tilmaanto dowladdii Noriega ee 1980-meeyadii. Warbixin ka timid guddi hoosaad Senate-ka Mareykanka ah xilligaas ayaa ku tilmaantay "nidaamkii ugu horreeyay ee daroogo iyo musuq isku dhafan ee qaaradda."

36 sano kaddib, tiir muhiim ah oo ka mid ah istaraatiijiyadda maamulka Trump ee ka dhanka ah Maduro ayaa ah isticmaalka ereyga "narcoterrorism."

Ereygan waa muran sababtoo ah qeexitaankiisa sharciyeed oo ballaadhan. Horaantii 1987, Wasaaradda Cadaaladda Mareykanka ayaa ku qeexday narcoterrorism-ka "ka qaybgalka ururrada argagixisada iyo kooxaha fallaagada ee ka ganacsiga daroogada," iyadoo sheegtay inuu noqday "dhibaato leh saameyn caalami ah."

Marka la eego xaaladda Venezuela, su'aashu waa saldhigga sharci ee caalamiga ah ee tallaabooyinka ugu dambeeyay ee Washington, kuwaas oo ay sheegtay inay ka dhan yihiin "narcoterrorism" ka jira Ameerikada.

Maamulka Trump wuxuu sheegay inuu hadda ku jiro "isku dhac hubeysan oo aan caalami ahayn" oo uu la galay budhcadda daroogada, wuxuuna taas u adeegsaday inuu ku caddeeyo weerarro ka dhan ah maraakiib looga shakisan yahay daroogo oo Kariibiyaanka ku sugnaa.

Dowladda Panama oo u samaysay maalmo baroordiiq ah dadkii ku dhintay duulaankii Maraykanka ee Panama

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dowladda Panama oo u samaysay maalmo baroordiiq ah dadkii ku dhintay duulaankii Maraykanka ee Panama

Weedho muran dhaliyay

Madaxweyne Noriega wuxuu is dhiibay ciidamada Mareykanka ee Panama, waxaana loo qaaday Mareykanka, halkaas oo lagu xukumay dambiyo la xidhiidha ka ganacsiga daroogada.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Madaxweyne Noriega wuxuu is dhiibay ciidamada Mareykanka ee Panama, waxaana loo qaaday Mareykanka, halkaas oo lagu xukumay dambiyo la xidhiidha ka ganacsiga daroogada.

Pentagon-ku wuxuu ku adkeysanayaa in maraakiibtaasi ay yihiin bartilmaameedyo sharci ah marka loo eego xeerarka dagaalka. Si kastaba ha ahaatee, maalmahan waxaa soo baxay shaki culus oo ku saabsan weerar labaad oo lagu qaaday doon loo maleynayay inay daroogo siday 2-dii Sebtembar, taas oo lagu dilay laba qof oo ka badbaaday weerarkii hore.

Maamulka Trump wuxuu si adag u diiday eedeymaha sheegaya in dhimashada weerarka labaad ay ahaayeen dilal sharci-darro ah. Hase yeeshee, muranku weli wuu taagan yahay, sidoo kale codsiyada lagu dalbanayo in la sii daayo muuqaallada fiidiyowga ee weerarka, kuwaas oo sharci-dejiyeyaal sare ay dhowaan ku arkeen kulan albaabadu u xiran yihiin.

Kadib markii uu markii hore u sheegay inuusan "wax dhibaato ah ka qabin" sii deynta fiidiyowga, Trump wuxuu sheegay in go'aankaas uu gacanta ugu jiro Xoghayaha Difaaca, Pete Hegseth.

Illaa hadda, Pentagon-ku ma uusan sii deyn fiidiyowga ama talada sharci ee ku saabsan weerarka labaad, balse Aqalka Cad wuxuu ku adkeysanayaa in weerarku uu u dhacay "si waafaqsan sharciga khilaafaadka hubeysan."

Xiisadda u dhaxeysa Mareykanka iyo Venezuela ayaa sii kordheysa, gaar ahaan kaddib markii ciidamada Mareykanka ay qabteen markab shidaal oo siday saliid Venezuela ah.

Trump wuxuu muujiyay in marka Mareykanku gacanta ku dhigo hawada iyo badaha ku wareegsan Venezuela, waxa kaliya ee hadhay ay tahay dhulka. Dad badan ayaa weli rejeynaya in xal wada-hadal ah uu suuragal yahay, inkastoo ay adag tahay in la qiyaaso xal ka farxin kara Maduro iyo Aqalka Cad labadaba.

Si kastaba, marka la eego casharka Panama, hal arrin ayaa weli cad: inkastoo khilaafkan casriga ah uu ka duwan yahay duullaankii Kirismaska ee 1989, qarxidda xaaladda Venezuela waxay leedahay awood la mid ah oo ay ku qarxi karto waqti kasta sida ku dhacday dhimashadii Taliyaha Robert Paz ee Panama oo ay isugu beddeli karto wax aad uga weyn.