Maxaa Trump ku salliday madaxweynaha Venezuela?

Madaxweynaha Venezuela Nicolas Maduro oo dhunkanaya calanka Venezuela intii lagu guda jiray xaflad lagu dhaarinayay ururo cusub oo kka yimid bulshada.

Xigashada Sawirka, Reuters

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa kordhinaya cadaadiska uu saarayo hoggaamiyaha Venezuela, Madaxweyne Nicolás Maduro.

10-kii December, iyadoo ay si weyn u kordheen ololaha Washington, ayaa Mareykanku waxa uu qabtay markab shidaal siday oo ku sugnaa xeebaha Venezuela, iyaga oo ku eedeeyay inuu wado shidaal la saaray cunaqabatayn.

Maraakiib dagaal oo Mareykan ah ayaa ku dhow dhul-badeedka dalkan ku yaalla Koonfurta Ameerika, waxaana la dilay dhowr qof kadib weerarro lagu qaaday doonyo la sheegay inay wadeen daroogo.

Maamulka Trump waxa kale oo uu labanlaabay abaalmarinta la siinayo ciddii keenta xog horseedda qabashada Maduro.

Waa kuma Nicolás Maduro?

Madaxweynaha Venezuela Nicolas Maduro oo seefta Simon Bolivar haya isagoo la hadlaya ciidamada qalabka sida

Xigashada Sawirka, Reuters

Nicolás Maduro ayaa caan noqday isagoo ka hoos shaqeynaya madaxweynihii bidixda ahaa ee Hugo Chávez iyo xisbiga uu hoggaamiyo ee United Socialist Party of Venezuela (PSUV).

Maduro, oo horey u ahaan jiray darawal bas iyo hogaamiye urur shaqaale, ayaa beddelay Chávez wuxuuna madaxweyne ka yahay dalka tan iyo 2013-kii.

Intii lagu jiray 26-kii sano ee ay Chávez iyo Maduro talada hayeen, xisbigooda wuxuu la wareegay hay'adaha muhiimka ah, oo ay ku jiraan Golaha Qaranka, inta badan garsoorka, iyo guddiga doorashooyinka.

Sanadkii 2024, Maduro waxaa lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay doorashadii madaxweynaha, inkastoo tirakoobyada codadka ee mucaaradku soo ururiyeen ay muujinayeen in musharraxooda, Edmundo González, uu si weyn ugu guuleystay.

González wuxuu beddelay hoggaamiyaha ugu weyn ee mucaaradka, María Corina Machado, kadib markii laga hor istaagay inay u tartanto xilka.

Machado waxaa la guddoonsiiyay Abaalmarinta Nabadda ee "Novel Peace Prize" bishii Oktoobar, iyadoo lagu ammaanay "halgankeeda ku saabsan sidii loo gaari lahaa kala-guur cadaalad ah oo nabadeed oo ka yimid kelitalisnimo loona gudbo dimuqraadiyad."

Machado waxay jebisay mamnuucid safar waxayna ku tagtay Oslo bishaan December si ay u qaadato abaalmarinta, kaddib bilo ay ku jirtay dhuumaalaysi.

Maxey tahay sababta Trump uu diiradda u saarayo Venezuela?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Trump ayaa ku eedeeyay Maduro inuu mas'uul ka yahay imaatinka boqolaal kun oo muhaajiriin Venezuelan ah oo gaaray Maraykanka.

Waxay ka mid yihiin ku dhowaad siddeed milyan oo Venezuelans ah oo lagu qiyaasay inay ka carareen dhibaatada dhaqaale iyo cadaadiska dalka tan iyo 2013.

Iyadoo aan wax caddeyn ah la bixin, Trump wuxuu ku eedeeyay Maduro inuu " In xabsiyada iyo isbitaallada dhimirka" uu booqdo isla markaana "ku qasbay" dadkaas inay u haajiraan Maraykanka.

Trump sidoo kale wuxuu xoogga saaray la dagaallanka qulqulka daroogada—gaar ahaan fentanyl iyo cocaine—ee la geeyo Maraykanka.

Wuxuu laba kooxood oo dambiilayaal Venezuelan ah—Tren de Aragua iyo Cartel de los Soles—ku shaabadeyay inay yihiin Ururro Argagixiso oo Shisheeye, wuxuuna sheegay in kooxda labaad uu hoggaamiyo Maduro laftiisu.

Maduro si xooggan ayuu u beeniyay inuu yahay hogaamiyaha koox daroogada ka ganacsata, wuxuuna ku eedeeyay Maraykanka inuu "dagaalka ka dhanka ah daroogada" u adeegsanayo marmarsiiyo uu ku doonayo inuu xilka kaga tuuro oo uu ku hantiyo keydka batroolka ee dalka Venezuela.

Falanqeeyayaashu waxay tilmaameen in Cartel de los Soles aysan ahayn koox leh hannaan hoggaan oo mideysan, balse ay tahay eray loo adeegsado saraakiil musuqmaasuq ku kaca oo oggolaaday in cocaine laga qaado gudaha Venezuela lana geeyo Mareykanka.

Muxuu Mareykanku Maraakiibta dagaalka ugu diray xeebaha Kariibiyaanka (Caribbean)?

Markabka diyaaradaha ee nooca Ford-class ee ku shaqeeya nukliyeerka ee ciidamada badda Mareykanka ee USS Gerald R. Ford (CVN 78) ayaa gaaray St. Thomas, Jasiiradaha Virgin ee Mareykanka

Xigashada Sawirka, US Navy/Reuters

Qoraalka sawirka, Markabka USS Gerald Ford ayaa ka mid ah maraakiibta loo diray Kariibiyaanka.

Mareykanku waxa uu u daadgureeyay 15,000 askari iyo noocyo kala duwan oo ka mid ah maraakiibta xambaara diyaaradaha, gantaallo burburiyaal ah iyo maraakiib weerar fuliyaal ah oo lagu beegsanyo gobolka Kariibiyaanka.

Ciidankaan oo ah kii ugu baaxadda weynaa ee gobolka loo diro tan iyo markii Mareykanku uu ku duulay Panama 1989 — waa in la joojiyo qulqulka daroogada loo yaqaan fentanyl-ka iyo kokeynta ee gudaha u gasha Mareykanka.

Maraakiibta Mareykanku halkaa u diray waxaa ka mid ah USS Gerald Ford, oo ah markabka diyaaradaha qaada ee ugu weyn dunida. Helikobtarro ayaa la sheegay inay ka kacayeen ka hor inta aan lagu qabsanin markabka shidaalka meel u dhow xeebaha Venezuela.

Mareykanku waxa uu sheegay in markabka shidaalka "loo adeegsaday gaadiidka saliidaha la cunaqabateeyay ee Venezuela iyo Iran." Venezuela-na waxa ay tallaabadaas ku tilmaantay "burcad-badeednimo caalami ah."

Bilihii u dambeeyay, ciidamada Mareykanka ayaa sidoo kale ka fuliyay xeebaha Kariibiyaanka in ka badan 20 weerar oo duqeyn ah, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday doonyo lagu eedeeyay inay wadeen daroogo. In ka badan 80 qof ayaa la dilay.

Maamulka Trump ayaa ku doodaya in ay ku jiraan dagaal hubaysan oo aan caadi ahayn oo ay kula jiraan kuwa lagu tuhunsan yahay ka ganacsiga daroogada, kuwaas oo ay ku eedeeyeen inay wadaan dagaal aan joogto ahayn oo ka dhan ah Maraykanka.

Mareykanku sidoo kale waxa uu ku tilmaamay dadka saarnaa doonyaha "argagixisada daroogada", balse khubaro sharci ayaa sheegay in duqeymaha aan lagu beegsan "bartilmaameedyo sharci ahaan u qalma". Duqeyntii ugu horreysay – oo dhacday 2-dii Sebtembar – ayaa si gaar ah loo dhaleeceeyay maadaama aanu hal weerar ahayn oo keliya, , kuwa badbaaday weerarkii koowaadna lagu dilay kii labaad.

Agaasimihii hore ee dacwad-oogista Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ayaa u sheegay BBC-da in ololaha militari ee Mareykanka guud ahaan uu u muuqdo mid muujinaya weerar qorshaysan oo nidaamsan oo ka dhan ah shacabka xilligan nabadda ah.

Iyaga oo ka jawaabaya, Aqalka Cad ayaa sheegay in ay u dhaqmeen si waafaqsan xeerarka dagaalka si ay u difaacaan Maraykanka oo ay ka hortagaan kuwa "isku dayaya inay sun keenaan xeebahayaga… oo burburinaya nolosha Mareykanka."

Venezuela Ma gaysaa daroogo Mareykanka ?

Khuburada ka hortagga mukhaadaraadka ayaa sheegay in Venezuela ay door yar ku leedahay ka ganacsiga daroogada ee caalamiga ah, iyada muujisay in ay tahay marinka daroogo meel kale laga soo saaray oo lagu soo dhex tahriibiyo dalkeeda.

Dalka dariska la ah, ee Colombia, waa soo-saaraha ugu weyn ee kookeynta adduunka, balse inta badan kookeyntaasi waxay si kale u gashaa Maraykanka, mana aha mid badankeeda la mariyo Venezuela.

Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Waaxda Dambibaarista Daroogada ee Maraykanka (DEA) sanadkii 2020, ku dhowaad saddex meelood laba kookeynta gaarta Maraykanka waxaa lagu qiyaasaa in laga soo gudbiyo Baasifigga, halka in yar oo keliya ay ku timaaddo doonyaha dheereeya ee Karibiyaanka.

Si kastaba ha ahaatee, inta badan weerarrada ay Maraykanku fuliyeen waxay ka dhaceen Karibiyaanka, iyadoo kuwo kooban oo keliya laga sameeyay Baasifigga.

Bishii Sebtembar, Trump wuxuu u sheegay saraakiisha militariga Mareykanka in doonyaha la bartilmaameedsaday "ay ka buuxaan boorsooyin budo cad ku jirto oo badankood ay daroogo yihiin."

Fentanyl waa daroogo kiimiko ahaan lagu sameeyo wax 50 jeer ka xoog badan heroin-ka, isla markaana noqotay daroogada ugu weyn ee sababta dhimashada ka dhalata xad-dhaafka opioid-ka ee Mareykanka.

Si kastaba ha ahaatee, fentanyl-ka inta badan waxaa lagu soo saaraa Mexico, wuxuuna ku soo gala Mareykanka dhulka iyada oo loo sii marayo xadka koonfureed.

Venezuela laguma sheegin in ay tahay waddan fentanyl-ka laga soo saaro lagana galiyo Mareykanka, sida ku xusan Warbixinta 2025 ee Hey'adda La-dagallanka Daroogada ee Mareykanka.

Immisa saliid ah ayay Venezuela dhoofisaa, yaase iibsada?

Shidaalku waa isha ugu weyn ee dakhliga dibadda ee dowladda Maduro, waxaana faa'iidooyinka ka soo baxa qaybta shidaalka lagu maal-geliyaa kala bar miisaaniyadda dowladda.

Hadda waxa uu dhoofiyaa ku dhowaad 900,000 oo foosto maalintii, waxaana Shiinuhu yahay iibsadaha ugu weyn.

Si kastaba ha ahaatee, inkasta oo qiimeyn Maraykanku sameeyay ay sheegayso in Venezuela ay leedahay kaydka ugu badan ee batroolka cayriinka ah ee la xaqiijiyay dunida, haddana waxaa la sheegaa in ay wax yar ka faaiidaysato.

Venezuela waxay soo saartay kaliya 0.8% batroolka cayriinka ah ee caalamka sanadkii 2023, sida laga soo xigtay Hay'adda Macluumaadka Tamarta Maraykanka (EIA), taas oo loo aaneynayo caqabado farsamo iyo kuwo miisaaniyadeed.

Ka dib markii uu ku dhawaaqay in markabkii la qabtay, Trump wuxuu wariyeyaasha u sheegay: "Waxaan filayaa inaan haysan doono shidaalka."

Maraykanku hore ayuu u beeniyay eedeymaha Venezuela ee ahaa in tallaabooyinka ka dhanka ah dowladda Maduro ay ahaayeen isku day lagu heli lahaa helitaanka kaydka shidaalka ee aan la taaban.

Suuragal ma tahay in Mareykanku duqeymo ka fuliyo Venezuela?"

Trump ayaa xaqiijiyay inuu teleefoon kula hadlay Maduro 21-kii Noofambar.

Inkastoo uusan shaacin waxa looga hadlay wicitaankaas, wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegtay in Trump uu Maduro siiyay toddobaad uu kaga baxo Venezuela isaga iyo qoyskiisa. Waxaa la sheegay in Maduro uusan aqbalin dalabkaas ah in si ammaan ah uu dalkiisa kaga baxo.

Maalin kaddib markii waqtigii kama dambaysta ahaa dhamaaday, Trump ayaa ku dhawaaqay in hawada Venezuela la xiray.

Trump horey ayuu ugu hanjabay inuu tallaabo ka qaadi doono dilaalka daroogada ee Venezuela ", laakiin ma uusan faahfaahin sida hawlgalkan loo fulin doono.

Afhayeenka warfaafinta ee Trump sidoo kale ma diidin suurtagalnimada in ciidamada Mareykanka laga geeyo dhulka Venezuela, isagoo wariyeyaasha u sheegay in "madaxweyneku leeyahay xulashooyin kala duwan oo miiska saaran."

Waxay intaa ku dartay inaysan faahfaahin dheeraad ah ka bixin xulashooyinkaas laakiin falanqeeyayaasha milatariga ayaa tilmaamay in diyaar-garowga Mareykanka ee CKaribiyaanka uu ka weyn yahay baahida hawlgal ka dhan ah daroogada.

Kadib markii la qabsaday markabka saliidda, ilo ayaa u sheegay CBS News oo bah-wadaag la ah BBC, in maamulka Trump uu ka fiirsanayp tallaabooyinka markaan la qaadayo.