Dhaqdhaqaaqyada gobolka Xadramuut: Kala qaybsanaanta gudaha mise danaha is diiddan ee khaliijka ee dalka Yemen

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Muddo toban sano ku dhow, kooxda Ansaar Allah Al-Xuutiyiinta oo ay taageerto Iiraan oo hal dhinac ah, iyo dowladda la aqoonsan yahay oo uu taageero isbahaysi Imaaraati–Sacuudi ahi oo dhinaca kale, ayaa ahaa labada weji ee ugu weynaa khilaafka Yemen.

Laakiin dhaqdhaqaaqyada ugu dambeeya ee Golaha Koonfureed ee Kala Go'a ee Xadramuut iyo al-Mahra ee bariga dalka ayaa sii adkaynaya muuqaalka siyaasadeed, kuna dhow in ay keenaan kala qaybsanaan dheeraad ah.

Fadlan halkan riix oo ku soo biir janalka WhatsApp ee BBC Somali si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey ee caalamka, iyo kuwa gobolka

Waa maxay Golaha Koonfureed ee Yemen?

Golaha Koonfureed ee Kala go'a waxaa lagu aasaasay hoggaaminta Cydruus al-Zubaydi sanadkii 2017 magaalada Cadan oo uu Zubaydi hore u ahaa guddoomiyahii ka hor inta uusan xilka ka qaadin madaxweynihii hore Cabdirabbu Mansuur Haadi.

Magaca Zubaydi waxa uu horay ugu xirnaa al-Hirak al-Janoubi, oo ah dhaqdhaqaaq gooni-goosad ah oo la aasaasay sanadkii 2007.

Dowladdii Haadi waxay markii uu la aasaasay Golahaasi kala hor timid "diidmo buuxda".

Laakin dhaleeceynta sanado badan socotay ee lagu eedeynayay dowladda Haadi ee ku guuldareysatay la-dagaallanka Xuutiyiinta iyo in la soo afjaro xukunka ay tan iyo 2014 ku hayaan Sanca iyo waqooyiga Yemen, ayaa Haadi ku qasabtay inuu xilka ku wareejiyo Guddiga Hoggaanka Sare ee uu madax ka yahay Rashaad al-Ciimi oo si weyn uga soo horjeeda Xuutiyiinta.

Golaha Koonfureed iyo madaxdiisa Caydruus al-Zubaydi waxay ku jiraan Guddiga Hoggaanka Sare iyo dowladda, taasoo siisay awood iyo saameyn ballaaran.

Weriye Anwar al-Canisi oo khabiir ku ah arrimaha Yemen ayaa BBC u sheegay in himilada Golaha Koonfureed kor u kacday si uu u ballaariyo awooddiisa laga bilaabo Cadan ilaa Abyaan, dabadeedna Shabwah, iyo hadda bariga—al-Mahra iyo Hadramawt, oo ah gobollada ugu waaweyn Yemen.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dib-u-soo-kicidda qorshaha gooni-isu-taagga iyo furitaanka jabhado cusub

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Bilowgii bishan, golaha ayaa bilaabay hawlgal milatari oo loo bixiyay "Mmustaqbal Waa'id". Waxay ku sheegeen in ujeeddooyinkiisu yihiin "soo celinta madax-bannaanida iyo nadiifinta magaalooyinka iyo deegaannada dooxada iyo saxaraha Hadramawt ee kooxaha argagixisada iyo xubnaha Ikhwaan Muslimiin, iyo jaridda khadadka lagu soo geliyo hubka Iiraani ah ee loo gudbiyo maleeshiyaadka Xuutiyiinta."

Goluhu wuxuu isku arkay inuu wajaho ciidamada dowladda Yemen oo ku adkaysanaya midnimada dalka , iyo Halganka Qabiilada Xadramawt oo dalbanaya "is-maamul" dhinaca kale.

Waaberigii 4-tii December, ciidamo taabacsan Golaha Koonfureed waxay ku dhawaaqeen inay la wareegeen xarumaha shirkadaha saliidda ee deegaanka al-Masila ee Xadramawt, iyagoo dhigay ciidamo ku faafay dhulkii saliidda, xarumaha, iyo waddooyinka sahayda kadib markii ay ka baxeen Halganka Qabiilada Hadramawt.

Dowladda iyo Guddiga Hoggaanka oo uu Zubaydi ka tirsan yahay ayaase si adag uga hor yimid dhaqdhaqaaqyadaas.

Madaxweyne Rashaad al-Ciimi wuxuu dhaqaaqyada Goluhu ku tilmaamay "tallaabooyin hal-dhinac ah" oo "khatar ku ah midnimada go'aanka amniga iyo militariga, khalqal gelinaya awoodda dowladda sharciyeysan, islamarkaana khatar weyn ku ah xasilloonida iyo mustaqbalka geeddi-socodka siyaasadda oo dhan."

Hawlgalka militari wuxuu u suurtageliyay Golaha Koonfureed inuu ballaariyo awooddiisa koonfurta iyo inuu la wareego goobo muhiim ah oo Hadramawt iyo al-Mahra ah.

9-kii December, Zubaydi wuxuu sheegay in wejiga xiga uu noqon doono "weji shaqo oo xooggan oo lagu dhisayo hay'adaha dowladda koonfureed ee soo socota."

Goluhu wuxuu naftiisa ku qeexaa boggiisa rasmiga ah inu yahay "hay'ad qaran oo hoggaamineysa koonfurta xuduuddii ka hor 22-kii May 1990," taas oo ahayd xuduudda Jamhuuriyaddii Yemen ee Dimuqraadiga ah ka hor midowgii waqooyiga iyo koonfurta.

Miyey arrintu muujinaysaa khilaaf u dhaxeeya Sucuudiga iyo Iimaaraatka?

Tan iyo bilowgii dagaalka Yemen, Sacuudiga iyo Imaaraatka ayaa loo arkayay laba saaxiib oo isku dhinac uga jira dowladda Yemen si ay ula dagaallamaan Xuutiyiinta.

Hadda, iyadoo xaalada Hadramawt ay noqotay mid aad u murugsan, labadan dal waxaa lagu xiriiriyaa labada dhinac ee is-heysta: Imaaraatka oo taagan dhinaca Golaha Koonfureed, iyo Sacuudiga oo taageera Halganka Qabiilada Hadramawt.

Wareysi uu BBC siiyay bishan, Amr bin Habriish — hogaamiyaha Halganka Qabiilada — wuxuu ammaanay "xiriirka taariikhiga ah iyo walaaltinimada la leh Boqortooyada Sacuudi Carabiya," wuxuuna sheegay inuu hubinayo in boqortooyadu "marnaba ka tagi doonin Xadramawt."

Wuxuu intaas ku daray in halganku "uusan filayn in la taageero xoog milatari oo ka dhanka ah dadka Xadramawt," isla markaana "uusan aqbaleyn in xoog milatari lagu qasbo ama lagu qabsado xarumaha saliidda."

Sacuudiga ayaa gadhwadeen ka ahaa wada-xaajood lagu gaaray heshiis xabbad-joojin ah oo u dhexeeya Halganka iyo maamulka Xadramawt, kaas oo dhigaya in la joojiyo kacsanaanta ilaa ay guddiga dhex-dhexaadintu ka dhammeeyo shaqadeeda oo la gaaro heshiis buuxa.

Dhanka kale, Zubaydi wuxuu leeyahay xiriir aad u dhow oo Imaaraatka la leh. BBC ayuu hore ugu sheegay in "aysan suurtogal ahayn in Cadan la xoreeyo bilaa Imaaraatka."

Imaaraatku waxay maalgeliyaan mashaariic badan oo Cadan ka socda, waxayna ku faanaan "xoreynta koonfurta" intii lagu jiray hawlgalkii "Cisaaratul Xazam" ee 2015.

Markii ay ciidamadooda kala baxeen Yemen sanadkii 2020, waxay sheegeen inay u beddeleen xeeladdoodii "faragelin aan toos ahayn."

Warbaahinta Xuutiyiinta ayaa ku tilmaanta wixii ka dhacaya Xadramawt "dillaac dilaac weyn oo ka dhex abuurmay isbahaysiga ka soo horjeeda Xuutiyiinta," waxayna ku qeexaan "dagaal Sacuudi–Imaaraati oo wakiillo ah oo Yemen ka socda."

Dadka Yemen waxay ka baqayaan in xaaladdu kasii darto.

Weriye Anwar al-Canisi wuxuu BBC u sheegay in goobta juqraafiyeed ee Yemen, dabeecaddeeda qabiil hubaysan, hubka badan ee dalka yaalla, iyo saboolnimada shacabka, ay yihiin waxyaabo keeni kara dagaallo kale iyo xaalad ka sii daran sidii hore.