Israa'iil ayaa noqotay khatarta ugu weyn ee dhanka ammaanka ee dalalka Khaliijka iyadoo beddeshay Iiraan - The Guardian

Xigashada Sawirka, Qatar TV/Reuters TV
Warbixin lagu qoray wargeyska The Guardian ayaa looga hadlay duqeyntii Israa'iil ay ka geysatay caasimadda Qadar ee Dooxa. Qormada oo ay samaysay Sanam Vakil oo ah agaasimaha barnaamijyada ee Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika ee machadka Chatam House ayaa ciiwaankeedu ahaa "Israa'iil oo ku beddeshay Iiraan khatarteeda amni ee ugu weyn waddamada Khaliijka"
Gabagabada maqaalkeeda, Vakil waxay leedahay:
"Iyadoo Mareykanku si aan waxba kama jirin isaga fadhiyo, ficillada Israa'iil waa sii kordhayaan, sida uu caddeeyay weerarkii lagu qaaday magaalada Dooxa."
Qoraagu waxay xustay in Israa'iil muddo dheer ku doodaysay in weerarro hore iyo kuwo ka baxsan xuduudaheeda ay lama huraan u yihiin badbaadinteeda.
Waxay muujisay in Israa'iil ay weerartay lix dal oo gobolka ku yaalla oo ay ku jirto Falastiin muddo labo sano gudahood ah, taasoo la sheegay inay jawaab u ahayd weerarradii Hamas ee 7-dii Oktoobar, "iyadoo la doonayo in la baabi'iyo dhammaan hanjabaadaha ka dhanka ah amnigeeda."
Laakiin weerarka lagu qaaday caasimadda Qatar oo ah waddan hodan ah oo ka tirsan Khaliijka, saaxiib amni ah iyo xulafo aan NATO ka tirsanayn balse xiriir dhow la leh Mareykanka, sidoo kalena ah goob ay ka socdeen wadahadallo adag oo u dhexeeya Israa'iil iyo Xamaas ayaa, sida uu qoruhu tilmaamay, aan ahayn kaliya weerar dil ah oo lagu bartilmaameedsanayo hoggaamiyeyaasha Xamaas.
Wuxuu matalayaa isbeddel aad u weyn oo aragtiyeed.
Dowladaha Carabta hadda ma arkaan Iiraan oo kaliya in ay tahay cunsurka kaliya ee gobolka xasillooni darro ka abuura, sida ay sheegtay Vakil, waxay hadda sidoo kale u arkaan Israa'iil mid gobolka qalqal gelinaysa.
Sida lagu sheegay maqaalka The Guardian, isku daygii Israa'iil ee dilka ugaarsiga ku saleysan ee lagu beegsaday wakiillada Xamaas ee wadahadallada ka waday Doha toddobaadkan wuxuu ahaa khad cas (xudduud halis ah) oo xitaa xulafadeeda Carbeed ee ugu dhow aysan iska indha-tiri karin.
Maqaalku wuxuu sii raacinayaa in muddo tobanaan sano ah, waddamada Khaliijka ay ammaan darada gobolka u fasireen iyagoo ka eegaya dhinaca Iiraan iyagoo ka cabsanayay barnaamijkeeda nukliyeerka, taageerada ay siiso kooxaha lagu magacaabo "Jabhadda Iska-caabbinta", iyo awooddeeda ay ugu dhufan karto xuduudaha dalalka deriska ah sida lagu arkay weerarradii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada ee sanadkii 2019 lagu qaaday xarumaha shirkadda Saudi Aramco.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Maanta, si kastaba ha ahaatee, "Oleyaasha aan xadka lahayn ee Israa'iil ka waddo Qasa, kordhinta howlgallada ay ka waddo Daanta Galbeed, iyo colaadaha sii huraya ee ka socda Lubnaan, Suuriya, iyo Qadar ayaa gebi ahaanba beddelay wada hadalkii hore ee ku saabsanaa ammaanka gobolka."
Maqaalku wuxuu sidoo kale ka hadlayaa xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya Mareykanka iyo Qadar, oo door dhexdhexaadin ah ka qaadatay dagaalka Gaza, islamarkaana lacago u wareejisay Marinka Qasa iyadoo Mareykanku ogyahay, si xasillooni daro looga ilaaliyo gobolka.
Qadar waxay sidoo kale martigelisaa salddhigga cirka ee Mareykanka ee Al-Udeid, halka Israa'iil, sida maqaalka lagu xusay, ay "xag-xagasho iyo nacayb qarsoon" u qabtay Qadar.
Laga soo bilaabo Qadar, ciidamada Mareykanka waxay ka fuliyeen howlgallo milatari gudaha Afghanistan, Ciraaq, iyo Suuriya. Sanadkii 2022, Joe Biden wuxuu u aqoonsaday Qatar inay tahay xulafo muhiim ah oo aan ka tirsanayn NATO. Magaalada Doox ayaa sidoo kale la kulantay weerarro ka yimid Iiraan xilligii dagaalkii Iran iyo Israa'iil ee bishii Juun, markaas oo Tehraan gantaallo ku dhuftay saldhig Mareykanku leeyahay si ay uga aargudato weerarro lagu qaaday xarumaheeda nukliyeerka.
Qoraagu wuxuu xusay in gantaallada Israa'iil ay ku dhaceen xaafad deggan oo ku taalla Dooxa, meel ku dhow waddo ag marta qasri uu dhawaan booqday Donald Trump intii uu ku guda jiray socdaalkiisii gobolka ee bishii May.
Weerarkan labaad ee dhacay wax ka yar dhowr bilood gudahood wuxuu keenayaa su'aalo ku saabsan heerka ilaalinta Mareykanka ee xulafadiisa.
Dowladaha Khaliijka waxay uga jawaabi doonaan ficillada Israa'iil iyo aamusnaanta Mareykanka iyagoo
- Xoojinaya iskaashigooda midba midka kale la leeyahay,
- Kala baalaadhinaya xidhiidhkooda diblomaasiyadeed iyo amni iyagoo raadsanaya xulafo cusub sida Shiinaha, Turkiga iyo kuwo kale,
- Xitaa waxay dib u qiimeyn doonaan suuragalnimada caadiyeynta xiriirka ay la leeyihiin Israa'iil.
Tani waxay gaar u tahay iyadoo la tixgelinayo in iskaashiyada dalalkan Carbeed iyo isku daygooda ay ku doonayeen inay dheelli-tiraan xidhiidhkooda Israa'iil iyo Mareykanka aanay waafaqsanayn aragtida dadkooda gudaha iyo xasaasiyadda gobolka, sida uu maqaalku tilmaamayo.
Ugu dambeyntii, dalalka Carabta waxay isla garteen in "Israa'iil ay hadda tahay hanjabaadda ugu weyn ee xasiloonida gobolka," halka "weerarrada Iiraan ay noqdeen kuwo la qiyaasi karo oo la fahmi karo, saameynta ay gobolka ku leedahayna laga yaabo in si xad dhaaf ah loo buunbuuniyay," siday ayku sheegtay qoraalku maqaalka.
Waxay ku soo gabagabeysay:
"Hoggaamiyeyaasha Khaliijka waxay weli raadinayaan madax-bannaani istiraatiiji ah oo ka ballaadhan tan ay hadda haystaan, waxayna si isa soo taraysa u doonayaan inay iska ilaaliyaan khatarta ku timid ku tiirsanaanta Mareykanka. Weerarka lagu qaaday Doha wuxuu ugu dambeyn noqon karaa meel-taariikhi ah oo isbeddelka calaamad u noqota taasoo iftiiminaysa in nidaamkii dhaqameed ee gobolka uu burburayo, ayna dhici karto in madaxbannaanida saaxiibada la hurayo si loogu doodo amniga.
Su'aasha hadda taaganse waa: Sidee ayay dowladaha Khaliijku uga falcelin doonaan?"













