Kuuriyada Waqooyi oo sii kordhisay dilka dadka daawada Filimada shisheeye

Xigashada Sawirka, KCNA via EPA
Sida lagu sheegay warbixin ay soo saareen Qaramada Midoobay, dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa sii kordhinaysa ciqaabta dilka ah taas oo ay dadku ku mutaysan karaan xitaa haddii ay daawadaan ama isla wadaagaan filimada iyo sheekooyinta taxahayaasha ah ee ay sii daayaan Telefishada shisheeyaha.
Warbixintu waxay intaa ku dartay in dowladdan kali-taliska ah, oo si weyn uga go'doonsan dunida inteeda kale, ayaa sidoo kale dadka u adeegsaneysa shaqo qasab ah, iyadoo sii xaddideysa xorriyadahooda.
Xafiiska xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay, wuxuu ogaaday in tobankii sano ee la soo dhaafay, dowladda Kuuriyada Waqooyi ay aad u adkaysay gacanta ay ku hayso "dhamaan dhinacyada nolosha muwaadiniinteeda."
"Ma jiro dad kale oo maanta dunida ku nool oo ku hoos jira xayiraado la mid ah kuwaas," ayaa lagu xusay gunaanadka warbixinta, iyadoo intaa lagu daray in kormeerka iyo basaasidda shacabka ay noqotay mid aad u baahsan, taas ay u sahleyso horumarka dhanka tiknoolajiyadda.
Madaxa Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Aadanaha, Volker Türk, ayaa sheegay in haddii xaaladdan ay sii socoto, shacabka Waqooyi Kuuriya ay "la kulmi doonaan silic dheeraad ah, cabburin arxan darro ah iyo cabsi joogto ah oo ay muddo dheer la noolaayeen."
Warbixinta, oo ku saleysan in ka badan saddex boqol oo wareysi oo lala yeeshay dad ka soo cararay Kuuriyada Waqooyi tobankii sano ee la soo dhaafay, ayaa muujisay in ciqaabta dilka ee la adeegsanayo ay sii kordhayso.
Ugu yaraan lix sharci oo cusub ayaa la meel mariyey tan iyo 2015, kuwaas oo oggolaanaya in dil lagu xukumo dambiyaal gaar ah. Mid ka mid ah dambiyadaas waa daawashada iyo faafinta warbaahinta shisheeye sida aflaanta iyo musalsallada, iyadoo Kim Jong Un uu si adag ugu hawlan yahay xaddidaadda helitaanka xogta iyo macluumaadka dadkiisa.
Dadka ka baxsaday waddanka ayaa u sheegay baarayaal ka tirsan Qaramada Midoobay in tan iyo 2020 ay kordheen dilalka lagu fuliyo dadka faafiya warbixinada shisheeye. Waxay qaxeen sida loo fuliyo dilalkaas, iyagoo xusay in rasaas dadkaas lagu furo meel fagaare ah, si loo cabsi galiyo shacabka ugana niyad jabaan jabinta sharaciga.
Kang Gyuri, oo ka baxsatay Kuuriyada Waqooyi sanadkii 2023, ayaa u sheegtay BBC-da in saddex saaxiibadeed ah la toogtay ka dib markii lagu qabtay iyaga oo wata xog ka timid Kuuriyada Koonfureed. Waxay sidoo kale sheegtay inay ka qeyb gashay maxkamadda mid ka mid ah saaxiibadeed oo 23 jir ahaa, kaas oo lagu xukumay dil.
"Wuxuu maxkamad la galay dadka daroogada ka ganacsada. Dambiyada noocan ah waxaa hadda loo eegaa si isku mid ah," ayay tiri, iyadoo intaas ku dartay in dadka tan iyo 2020 ay si weyn u baqayaan.

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waayo-aragnimada noocan oo kale ah waxay liddi ku tahay wixii ay filayeen dadka Waqooyiga Kuuriya tobankii sano ee la soo dhaafay.
Markii hoggaamiyaha hadda, Kim Jong Un, uu xukunka la wareegay sannadkii 2011, dadkii ka baxsaday dalka ee la wareystay waxay sheegeen inay rajaynayeen in noloshoodu hagaagto, maadaama Kim uu ballan qaaday inaysan mar dambe u baahnaan doonin inay "ciriiri ku noolaadaan" – taasoo macnaheedu yahay inay heli doonaan cunno ku filan. Wuxuu ballan qaaday inuu kobcin doono dhaqaalaha, isla markaana uu difaaci doono dalka isagoo sii horumarinaya hubkiisa nukliyeerka ah.
Laakiin warbixintu waxay ogaatay in tan iyo markii Kim uu ka fogaaday diblomaasiyadda reer Galbeedka iyo Mareykanka 2019, taa beddelkeeda uu diiradda saarayo barnaamijkiisa hubka, xaaladaha nololeed ee dadka iyo xuquuqul insaanka ay "hoos u dhaceen".
Ku dhawaad qof kasta oo la waraystay ayaa sheegay in aanay haysan cunto ku filan, cunista saddex goor maalintiina. Intii uu socday cudurka faafa ee Covid, dad badan oo baxsaday ayaa sheegay in ay jirtay cunto la'aan ba'an, qaybo badan oo dalka ahna dadku ay u dhinteen gaajo.
Isla markaana waxa ay dawladu ka hortagtay suuqyadii aan rasmiga ahayn ee ay qoysasku ku ganacsan jireen,taas oo keentay in ay ku adkaato nolol maalmeedkooda. Waxay sidoo kale ka dhigtay mid aan suurtagal ahayn in laga baxsado dalka, iyadoo la adkeeyay kontaroolada xadka Shiinaha iyo amar lagu siiyay ciidamada inay toogtaan kuwa isku dayaya inay ka gudbaan.
"Maalmihii hore ee Kim Jong Un, waxaan lahayn xoogaa rajo ah, laakiin rajadaas ma aysan sii waarin," ayay tiri haweeney dhallinyaro ah oo baxsatay 2018-kii dalkaas iyadoo 17 jir ah.
"Dowladdu si tartiib tartiib ah ayay u xannibtay dadka inay si madax-bannaan noloshooda u maareeyaan, waxaana nolosha lafteedu noqotay cadaab maalinle ah," ayay u marag furtay cilmi-baarayaal.
Warbixinta Qaramada Midoobay waxay sheegtay in tobankii sano ee la soo dhaafay, dowladdu waxay ku dhowaad si buuxda ula wareegtay xakamaynta dadka, taasoo ka dhigtay kuwo aan go'aan ka gaari karin noloshooda" – ha ahaato dhinaca dhaqaalaha, bulshada ama siyaasadda.
Qof ka mid ah dadkii ka baxsaday Waqooyi Kuuriya wuxuu cilmi-baarayaashii u sheegay in tallaabooyinkan adag ee dawladda ay ahaayeen,"Inay dadku noqdan kuwo indho iyo dhago xiran."
Warbixintu sidoo kale waxay ogaatay in dowladdu ay haatan si ka badan tii tobankii sano ee hore u adeegsanayso shaqo qasab ah. Dadka kasoo jeeda qoysaska saboolka ah ayaa loo xulanayaa "ciidamo degdeg ah" si ay u gutaan shaqooyin culus oo jir ahaan adag, sida dhismaha ama mashaariicda macdanta.
Qaramada Midoobay ayaa ku baaqaysa in xaaladda loo gudbiyo maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee Hague.
Si kastaba ha ahaatee, si ay tani u dhacdo, waxay u baahan doontaa inay soo gudbiyaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Tan iyo 2019, laba ka mid ah xubnaha joogtada ah ee Golaha Ammanka ee Qaramada Miibay waa Shiinaha iyo Ruushka, ayaa si isdaba joog ah u horjoogsaday isku dayo lagu doonayay in lagu soo rogo cunaqabatayn cusub Waqooyiga Kuuriya.

Xigashada Sawirka, KCNA via Reuters
Toddobaadkii hore, Kim Jong Un wuxuu kula biiray hoggaamiyaha Shiinaha Xi Jinping iyo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin dhoola-tus milateri oo ka dhacay magaalada Beijing, taasoo muujineysa sida ay dalalkan u aqbaleen barnaamijka hubka Nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi iyo sida loola dhaqmo muwaadiniintooda.
Sidoo kale ku boorinta beesha caalamka inay wax ka qabato arrintan, Qaramada Midoobay waxay weydiisaneysaa dowladda Kuuriyada Waqooyi inay baabi'iso xabsiyada siyaasadeed, joojiso isticmaalka ciqaabta dilka iyo inay barto muwaadiniinteeda xuquuqda aadanaha.
"Warbixintayadu waxay muujinaysaa rabitaan cad oo xooggan oo isbedel ah, gaar ahaan dhalinyarada (Waqooyiga Kuuriya)" ayuu yiri madaxa xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay, Mr Turk.













