Maxaa kursiga iyo miiskii Kim Jong-un loo tir-tiray kadib markii uu la kulmay Putin?

Kim iyo Putin

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Kim iyo Putin

Inta lagu guda jiray shirarka madaxda caalamka ee ka dhacay shir-madaxeedka Ururka Iskaashiga Shanghai (SCO) ee dalka Shiinaha, kulanka ugu hadal haynta badan wuxuu ahaa midka uu hogaamiyaha Waqooyiga Kuuriya, Kim Jong-un, la yeeshay madaxda kale.

Kim Jong-un wuxuu u yimid Shiinaha si uu uga qayb galo munaasabadda dabaaldegga Maalinta Guusha, halkaas oo uu kula kulmay madax kale oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Arbacadii, muuqaal si weyn loogu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay laba ka tirsan ilaaladiisa oo si taxadar leh u nadiifinaya kursiga uu Kim Jong-un ku fadhiistay intii lagu guda jiray kulanka uu la lahaa Putin, kaas oo ka dhacay hool shir oo ku yaalla magaalada Beijing.

Kadib kulanka, ciidamada ammaanka Waqooyiga Kuuriya waxay sidoo kale nadiifiyeen miiska u dhow kursiga iyadoo la adeegsanayo buufin jeermis-dile ah. Koobkii kafeega ee uu Kim taabtay ayaa sidoo kale la qaaday.

Waxaa si gaar ah loo hubiyay in dhamaan wax kasta oo uu Kim Jong-un taabtay ama dharkiisa la xiriiray loo nadiifiyay si buuxda, si aanay u harin wax raad ah oo muujinaya joogitaankiisa goobtaas.

'Ma rabaan inay ka tagaan wax caddayn ah'

Hoggaamiyaha Kuurida Waqooyi

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Hoggaamiyaha Kuurida Waqooyi

Arrintani ma aha markii ugu horreysay ee taxaddar sidan oo kale ah laga muujiyo ammaanka hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya.

Xitaa ka hor intii uusan la fadhiisan Uton shir kale oo dhacay 2023, kooxdiisa ammaanka waxay jeermis-dilis ku nadiifiyeen kursiga, waxayna sameeyeen baaritaan adag si loo hubiyo in uu kursigu ammaan yahay.

Sidoo kale sannadkii 2018-kii, intii lagu guda jiray kulankii Kim Jong-un uu la yeeshay madaxweynihii Koonfurta Kuuriya ee waqtigaas, shaqaalaha ammaanka ayaa nadiifiyay kursi iyo miis ayaga oo isticmaalaya jeermis-dile ka hor intii uusan Kim fariisan.

Khuburada qaarkood waxay aaminsan yihiin in hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya, oo si weyn u taxadara, uu doonayo inuusan reebin wax raad ah oo tilmaami kara shakhsiyadiisa ama DNA-giisa. Caddayn kasta oo muujin karta caafimaadkiisa, da'diisa, ama shakhsiyaddiisa waa la tirtiraa.

Arrintaas la xiriirta, tareenkiisa gaashaaman ee uu ku safro ayaa isna mar kale warbaahinta galay, isagoo dhowr maalmood kadib ka soo muuqday meel aan horey loogu arki jirin.

Khatarta amniga

Bishii Oktoobar ee sannadkii hore, hay'adda sirdoonka ee Kuuriyada Waqooyi ayaa u sheegtay xildhibaannada in la samaynayo nidaamyo ammaan si looga hortago isku-day dil ah oo lagu beegsado Kim Jong-un.

Sida ay sheegtay hay'addu sirdoonku, Kim Jong-un ammaankiisa waxaa ka mid ahaa aaladaha isgaarsiineed iyo hababka lagu ogaanayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Sida laga soo xigtay wakaaladda, Kim Jong-un ayaa lagu arkay goobaha caamka ah 60 boqolkiiba in ka badan 2024 marka loo eego sannadkii hore.

Wakaaladdu ma aysan sheegin cidda uu Kim Jong-un u hanjabay, balse arrintaan ayaa timid xilli Wasaaradda Difaaca Mareykanka, Pentagon-ka ay shaaca ka qaadday in Kuuriyada Waqooyi ay 10,000 oo ciidamadeeda ah u dirtay Ruushka si ay ula dagaalamaan Ukraine.

Dalka Shiinaha wuxuu u tagay ka qayb galka dabaaldegga Maalinta Guusha Shiinaha

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, .

Siraha la xiriira shakhsiyadda Kim Jong-un

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waa markii ugu horeysay ee Kim Jong-un uu ka qeybgalo munaasabad ay madax kale oo caalami ah ay ka qayb galayaan.

Kim Jong-un ayaa Talaadadii tagay dalka Shiinaha isagoo wata tareenkiisii gaashaaman si uu uga qeyb galo dhoolatus milatari. Markii uu tagay, iyadoo ilaalo xirnaa dhar ciidan iyo mas'uuliyiin sare ay salaamayeen, gabadhiisa Kim Ju-ae waxaa la arkayay iyadoo garab taagan aabaheed.

Hay'adda sirdoonka dawladda Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in gabadha uu dhalay hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi loo arko in ay tahay 'qofkii bedeli lahaa'.

Kim Jong-un ayaa mar walba qoyskiisa si gaar ah u qarin jiray, waana sababta keentay in macluumaad aad u yar laga helo qoyskiisa. Xataa xaaskiisa Ri Sol ayaa indhaha dadweynuhu qabteen muddo dheer ka dib markii ay guursatay Kim Jong-un.

Si kastaba ha ahaatee, faah-faahin badan oo ku saabsan xubnaha kale ee qoyskiisa in la helaa waa arrin adag.

"Waan ognahay in Kim Jong-un uu leeyahay qaar ay walaalo yihiin, kuwaas oo mid ka mid ah lagu dilay Malaysia 2017," ayuu yiri Dr. Howell, oo ah khabiir ku takhasusay arrimaha Waqooyiga Kuuriya.

Kim Jong-un aabihiis ayaa la rumeysan yahay inuu lahaa ugu yaraan afar lammaane noloshiisa, laakiin xiriirka uu la lahaa iyaga ayaa inta badan laga ilaalinayay indhaha bulshada.

Kim Jong-un hooyadiis, Ko Young-hui, waxay ku dhalatay Japan waxayna u timid Kuuriyada Waqooyi in ay ka shaqeyso xaruun qoob-ka ciyaarka lagu barto sannadihii 1960-kii. Waxa la sheegay inay ahayd xaaska uu ugu jecelaa dumarkii uu qabay Kim Jong-il.