Dhegeyso: Dad jooga Burco iyo Hargeysa oo internetka lacago looga dhacay

Qoraalka Codka,
Dhegeyso: Dad jooga Burco iyo Hargeysa oo internetka lacago looga dhacay

Boqolaal dadweyne ah oo ku nool magaalooyinka Hargeysa iyo Burco, ayaa raadinaya meel ay u raacdaan lacago ay sheegeen in ay dhigteen application ama barnaamij loo yaqaano AGA, kaas oo ay ka filayeen in lacag ay ka faa'iidaan.

Dadkan oo sheegay in lacago kala duwan ay ka maqan yihiin, ayaa dawladda ka codsaday in ay wax ka qabato dhaca ay sheegeen in loo geystay. Dhanka kale, kale wasaaradda isgaarsiinta iyo tiknoolajiyadda Somaliland, ayaa dadka uga digtay barnaamijyada been abuurka ah ee lacagaha lagu dhici karo.

Ilaa hadda ma jirto cid loo qabtay falkan dhaca ah. Weriye Saleebaan Saxansaxo ayaa warbixintan Hargeysa ka soo diray.