'Shukaansiga shirqoolka': Sida ninkan jaceyl loogu khiyaamay lacag badanna looga dhacay

Kenya

Xigashada Sawirka, Rodrick Lodge

Nin xaaskiisa ay ka geeriyootay ayaa noqday hoy la'aan "runtiina dhibaato ay lasoo deristay" kadib markii loo dhigay dabin ah inuu lacag dhan £85,000 usoo diro haweeney aan jirin.

Rodrick Lodge, oo 69 jir ah, ayaa ku noolaa Leiston, Suffolk, oo Britain ka tirsan, markii saaxiibkiis uu saddex sano kahor kula kulmay Kenya uu baray "haweeney" lagu magacaabo Anita.

Kadib markii uu xiriir ku dhex maray baraha bulshada, wuxuu dareemay inuu jaceyl galay markii ugu horreysay tan iyo intii ay xaaskiisa Pauline dhimatay sanadkii 2019, markii dambena wuxuu oggolaaday inuu usoo wareego Nairobi si uu u guursado.

Balse Mr Lodge wuxuu galay dabin, kaasoo ay uga dhammaatay lacagtii uu noloshiisa keydinayay wuxuuna soo istaagay gacmo-maran.

"Waxay ii sheegtay inay leedahay guri afar qol ka kooban balse si aan isku guursanno waa inaan siiyaa sooryo, marka waan oggolaada inaan guriga u dayactiro, taasi heshiiska ayay ahayd," ayuu yiri Mr Lodge.

"Sidaa daraaddeed, waxaan bilaabay inaan marar kala duwan u diray lacag waxayna ballan-qaadday inay iisoo diri doonto sawirrada guriga oo la hagaajiyay, iyo sidoo kale sawirro qaawan.

"Waxay ii sheegtay inay tahay maamulaha shirkad iibisa waxyaabaha la isku qurxiyo taasoo ay ka shaqeeyaan 30 shaqaale, marka waxaan u heystay inay tahay haweeney sharaf leh."

Mr Lodge ayaa keliya ogaaday waxa dhacay markii uu ugu dambeyn go'aansaday inuu usoo duulo Kenya si uu ula midoobo qofkii uu u heystay jaceylkiisa iyo xaaskiisa mustaqbalka.

Balse markii uu garoonka yimid, maba joogto oo ma uusan arkin, isku daygiisii uu kula kulmi lahaana waxaa looga baxay marmarsiyo marba marka ka dambeysa loo sheegayay.

Kenya

Xigashada Sawirka, Contributed

Qoraalka sawirka, Mr Lodge iyo xaaskiisii geeriyootay
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Kadib markii uu baaritaan sameeyay, Mr Lodge wuxuu xaqiiqsaday in haweeneyda Anita aysan ahayn mid jirta ee saaxiibkiis markii ugu horreysay is baray uu yahay kan iska dhigayay haweeneyda.

"Heshiiska wuxuu ahaa inaan isku guursanno Nairobi, balse taasi maba dhicin waxaana soo baxday in dabin la ii dhigay Anita-na aysan ahayn qof jira," ayuu intaa raaciyay ninkan hore uga tirsanaa shaqaalaha Qaramada Midoobay.

"Waa qofka ugu xun tan kasii xun, balse doqon iyo nacas baan ahaa, taasi waan ogahay, haddana ciqaabta ugu daran baan marayaa. Waxaan dhabtii aaminay qof jira inay tahay. Waan ceebeysanahay."

Kadib markii uu dib ugu laabtay UK, Mr Lodge ayaa muddo saddex maalmood ah seexanayay Garoonka Heathrow. Hadda wuxuu ku nool yahay meel ay seexdaan dadka hoy la'aanta ah wuxuuna sheegay inuusan rajo badan ka qabin mustaqbalka.

Mr Lodge ayaa yiri: "Kadib markii ay xaaskeyga geeriyootay, qofkii ugu muhiimsanaa nolosheyda, waxaan noqday qof nugul sababtoo ah waxaan doonayay lammaane iyo nolol fiican.

"Hadda tan waxay burburisay nolosheyda mustaqbalka - wax nolol ah ma lihi hadda mana heysto wax aan nolosheyda ku dhisto. Ma heysto qoys, keliya saaxiibbo yar oo nacas iigu yeera ayaan leeyahay.

"Dhabtii waan dhibaatoonayaa sababtoo ah eber baan taaganahay. Waxaa iga baxay shilin walboo aan heystay waxaana runtii rajeynayaa in haweeneydan sheydaanta ah ay naarta ku waarto - waan ka xumahay inaan sidaa iraahdo, balse runtii waan rajeynayaa."

Kenya

Xigashada Sawirka, Contributed

Qoraalka sawirka, Mr Lodge iyo xaaskiisii geeriyootay

Martin Richardson, oo wax ka aasaasay Richardson Hartley Law, oo ku takhasustay kasoo kabashada dhaca iyo dabina, ayaa yiri: “Tani waa sheeko murugo leh. Mr Lodge qof nugul buu ahaa waana laga faa'iideystay.

“Shirqoollada jaceylka waa kuwo gaar ahaan cadowtooyo leh sababtoo ah dhibbanaha keliya uma dhibtoonayo dhaqaale ahaan balse sidoo kale maskaxiyan ayuu u dhibtoonayaa.

“Waxaan dareemeynaa bankiga uu Mr Lodge kala baxay lacagtiisii keydka inay ahayd inuu su'aalo badan ka weydiiyo waxa uu ku sameynayo. Bankiyada mas'uuliyad baa ka saaran inay macaamiishooda ka dhowraan inay dabin ku dhacaan, gaar ahaan haddii ay nugul yihiin.

“Nolosha Mr Lodge waxaa burburiyay shirqoolka balse waxaan sameyneynaa wax walba aan awoodno oo aan ugu soo celineyno lacagtiisa.”

Xarunta qaranka UK ee soo tebinta shirqoolka iyo dembiyada internet-ka ka dhaca, Action Fraud, ayaa soo jeedisay talo ku aaddan sida loo ogaado "shirqoolka jaceylka".

Waxay sheegtay inay muhiim tahay, adigoo aan eegeyn muddada aad wada hadleyseen qof aydaan is arag, inaadan u dirin lacag.

Waxay sidoo kale ka digtay, inaan lala wadaagin xogta bankiga, inaan deyn loo qaadin, sidoo kalena la siin nuqullada dukumentiyadaha shakhsiga amaba aanan la guddoomin amaba loo dirin alaabo iyaga magacooda ku xusan yahay.