Shukaansiga Online-ka ma lagu hungoobaa?
Dadka ku wada xiriira noocyada App-ka ee loogu tala galay in lagu wada sheekeysto ama xiriir lagu sameysto mararka qaar waxay ka helaan jaceyl aayatiin leh, halka dadka qaarkiina ay ku hungoobaan.
Qofka oo xiriir lala sameysto, lala sheekeysto, shukaansi lala wadaago ama qofka oo si lama filaan ah hawada uga baxa sababa aan la garaneyn ayaana ka mid ah waxyaabaha shukaansiga Online-ka lagala kulmo.
Inta badan dadka barahaasi isticmaalo waxay niyad jab aad u weyn kala kulmaan marka qofka uu la sheekeysanayo uu u sheegto da’ aan sax ahayn marka xaqiiqda la ogaadaan ay dhibaato kala kulmaan.
Sida oo kale labada qof marka ugu horreysay ee ay isbaranayaan waxay iisu diraan sawirro iyada oo mararka qaar ay dhacdo inuu sawir been ah qofba qofka kale uu u diro ama qofki oo weyn inuu sawir qof dhalinyara ah u diro.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Andy Hong oo ka mid ah dadka App-ka shukaansiga isticmaalo wuxuu ka bartay haweeney Ingiriiska ku nool oo jecel ciyaaraha iyo ku tamashleynta barafka da’deeduna tahay 28 jir.
Andy sawirka gabadha ee ay u soo dirtay wuu jecleystay oo waxay noqotay nooci uu dumar ka calman lahaa, balse xiriirkiisu ma noqon mid mira dhala maadaamaa waxyaabaha ay jeceshahay iyo dabeecaddaba ay isku fahmi waayeen.
“Waxaad arkeysaa qof marka aad isbaraneysaan dabeecad aad u wanaagsan ku tusaya marki dambana dabeecad qallafsan oo aad jecleysan la soo baxaya,” ayuu yiri Andy oo ku nool gobolka Boston ee dalka Mareykanka.
Dadka aadka u xiiseeya shukaansiga Online-ka waxaa kale oo ay la kulmaan dhowr qof iney hal mar xiriir la billaabaan hadhowna ay ku adkaato qofki uu dadkaasi ka dooran lahaa inuu si fudud uga soo dhex saaro.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Arrimahan oo isbiirsaday waxay ku abuurtaa niyad jab aad u weyn. Waxayna ka qoomameynayaan wakhtigi kaga lumay shukaansiga Online-ka ah marka ay barbar dhigaan shukaansiga labada qof fool ka fool ay u kulmayaan.
“10 qof ayaad xiriir la yeelaneysaa, 10-ki qof 7 ama 8 ayaad ka doraneysaa, muddo markaad wada socotaanna xiriirkiinna wuxuu ku soo koobmayaa 1 ama 2 qof oo iyaguba aad ogeen waxa xiriirkiinna uu ku dambeynaya” ayuu yiri.
Si kastaba ha ahaatee, dadka iskaabulada ah oo aan weli guursan shukansiga online-ka ah iney ka wardooonaan wey ku qasban yihiin maadaamaa marweliba ay kelinimada u dhaanto ayna dhici karto iney helaan qofki ay noolasha la wadaagi lahaayeen.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Daraasad 2019-2020-kii la sameeyey waxaa lagu ogaaday shukaansiga Online-ka Iney ka fursad wanaagsan yahay inuu qofku helo qofki uu noolasha lawadaagi laha marka la eego kulanka caadiga ah xiriirka ka sameeysmo.
Balse waxaa ka dhalata saameyn taban: Sahan ay dhawaan samaysay UK App-ka shukaansiga ee Badoo ayaa muujisay in in ka badan 75% dadka aan guursanin ay dareemeen niyad jab ka dib xirii ay mahadin iyo kulammo aan habboneyn oo ka dhashay aaladahaasi lagu xiriiro.
Daraasad cusub oo dhawaan la sameyeyna waxaa lagu ogaaday 61% dadka App-ka shukaansiga isku bartay uu dhex maray xiriir guur. Halka daraasad kale oo bisha April la sameeyeyna lagu sheegay 4 ka mid ah shanta qof oo shukaansiga Online-ka ka wardoono iney ka kulmaan daal iyo niyad jab.
Waxaa sida oo kale daraasadda lagu xusay iney jiraan dad ku guuleystay shukaansiga Online-ka oo qoys noqday ubadna iisu dhalay oo nolol farxad leh ku wada nool.
Waxaa kale oo ay daraasaddu sheegtay qofka gabar ka shukaansado Online-ka oo ku guul darreysta dib dambe inuu ugu noqon App-ka shukaansiga uu isticmaalo isaga oo ka cabsanaya inuu markale dhib uu kala kulmo.














