'Jaceyl xad dhaaf ah oo been abuur ka dhashay ayaan u qaaday nin khiyaanoole ah'

Yzabel Dzisky

Xigashada Sawirka, YZABEL DZISKY

Qoraalka sawirka, Yzabel Dzisky oo ku sugan Istanbul

Jaceylku wuxuu noqon karaa mid natiija la'aan ku soo dhammaado. Xitaa Jaceylka fool ka foolka ah ee labada qof dhexmaro wuxuu ku soo idlaan karaa dhacdooyin xanuun badan.

Balse marka aad xiriir jaceyl aad ka abureyso qaabka lagu xiriiro oo loo adeegsado teknooloojiyadaha casriga ah, waxaa dhici karta wixi aad fileysay wax aan ahayn iney kaaga soo baxaan halkaasina aad kala kulanto niyad jab aad u weyn.

Waana taa waxa ku dhacay Yzabel Szisky oo filimaanta soo saarta oo u dhalatay dalka Faransiiska xirir jeceyl oo wada sheekeysi toos ah uu ku dhammaaday iney ku dhacdo dabin been ah.

Waxayna BBC-da uga warrantay sida ay jeceylka ku qaadday iyo khiyaanada looga tagay oo ay hadda ka shaqeyneyso dhaawaci soo garay sidii ay uga bogsan lahayd.

2017-kii Yzabel waxay ahayd 46 jir, madax bannaan oo raadineysa xiriir cusub iyada oo xiriirkaasi ka raadisay App-ka la isku shukaansado.

"Saaxibbadeey iyaduna madax bannaan ayaa iiga sheekeyn jirtay sheekooyinka jaceylka ee la yaabka leh ee App-ka shukaansiga lagu wadaago. Markii hore waxaan is iri waa inaad dadka App-kaa isticmaalaa la kulanta su'aalana ka weydiisaa. Hase yeeshee waxaan garwaaqsaday haddii ay dadku xiriir jaceyl halkaa ka sameysteen inaan aniga nafteyda u raadiyo," ayey tiri.

Waxay App-ka ku dhex aragtay nin aad u qurx badan oo xogtiisa oo dhan halkaa kula wadaagay. waxaana ninkaasi lagu magacaabaa Tony (Colby) oo ah dhakhtar qalliinka ku takhasusay oo deggan Los Angeles mardhawna qorsheynaya inuu Faransiiska u wareego.

Tallaabbadii ugu horreysay ee ay qaaddayna waxay ahayd iney sameyso waxyaabo ninkaasi ay ku soo jiidaneyso, iyada oo markii dambe so jiidashada labada dhanba si isku mid ah ay uga socotay.

Waxayna wada sheekeysteen in ka badan toddobaad, Yzabel waxay la dhacday xiriirka cajiibka ah ee ay ninkaasi la yeelatay.

"Nolosha uu soo maray ayuu iiga sheekeeyay anna teyda ayaan u sheegaa. Wuxuuna ninkaasi iila muuqday nin jaceylka wax ka yaqaanna."

Intaa ay marka uu xiriirkoodu marayo waxay go'aansatay iney wajigiisa aragto iyada oo qaab muuqaal ah (video call) ku wacday.

Sawirka Yzabel oo dhalada Koombiyuutarka ka muuqda

Habeen ay saaxiibadeed la joogtay, Yzabel waxa ay 'Tony' ka wacday taleefoonkeeda gacanta, 10-daqiiqo ee ay wadahadalyeenna muuqaal ayey ka duubtay, kadibna waxa ay wejigiisa tustay asxaabteeda.

"Marka aad wicitaan muuqaal ah aad ku jirto, inta badan waxaad ahmiyadda siisaa inaad adiga isqurxiso si muuqaalkaaga oo quruxsan uu dhinaca kale u gaaro oo kuma mashquuleysid qofka kale ee kula hadlaya, marka runti anigu ma u sii fiirsan qofka ila hadlayo muuqaalkiisa sida uu u yaallo," ayey tiri Yzabel oo wixii dhacay dib u xusuusaneyso.

Muddo ayey farriimaha qoraalka iyo wcitaannada muuqaalka ah isdhafsanayeen hase yeeshee' Tony' ayaa si lama filaan ah u joojiyey xiriirka uu Yzabel la sameyn jiray.

Markii ugu dambeysay ee aan wadahadlanay wuxuu ii sheegay inuu magaciisa ahayn 'Tony' balse magaciisa saxda ah uu yahay 'Murat'.

"Waan naxay, waa arrin kale oo igu dhacday, sababtoo ah ninkaygii hore magaciisa ayaa la oran jiray Murat, wuxuuna ii sheegay in uu Turki yahay oo uu ku nool yahay magaalada Istanbul, anigu xitaa ma xanaaqin, oo waan la yaabay."

"Markii aan waydiiyay sababta uu magaca u beddeshay, waxa uu sheegay in ay sabab u tahay maadaamaa uu ka soo jeedo Bariga Dhexe (Carab), waxa uuna u maleeyay inuu magaciisa saxda uu qariyo. Laakiin waxa aan idhi wax dhib ah iguma hayo magacaaga maxaa yeelay ninkaygii hore magaciisa waa Murat wuxuuna ahaa Carab-Faransiiska-Turkiga ay iska dhaleen, la yaab kale ayeyse igu noqotay.

"Waxaan go'aansaday inaan google-ka xogtiisa ka raadiyo, waxyaabo badan oo isaga ku saabsan ayaa jiray. Waxaan arki karay sawirrada, fiidiyowyada Turkiga. Meel walba wuu joogay - xitaa TV-ga, wax shaki ah isaga kama qabin wuxuuna ahaa dhakhtar qalliin oo sax ah oo weliba caan ka ah Turkiga. "

Short presentational grey line

Waxweliba sidoodii ayey ku soo noqdeen waxaan dib u billawday isdhaafsiga farriimaha qoraalka iyo wicitaannada gaagaaban ee muuqaalka ah wuxuna u sheegay dhawaan inuu u imanayo isla-markaana uu i soo booqanayo.

Laakiin Murat wuxuu ku yiri marka hore inuu safar ku tagayo Shanghai, taasoo Yzabel uga dhigneyd gambaleelka digniinta.

"Wuu i soo wacay wuxuuna ii sheegay in Shangai jooga halkaasina uu ka soo iibsanayo qalab caafimaad oo uu u baahnaa. Wuxuuna u sheegay inuu kaarkiisa u shaqeyneyn sidaa darteed aan u soo diro 3,000 oo doolar. "Intaa kaddibna 'Murat' waxaa u yiri waxaan u soo duulayaa Paris si aan Yzabel ula kulmo.

Waxayse aad ula yaabtay nin dhan oo dhakhtar caan ah inuu iyada lacag weydiisto waxayna arrinta la wadaagtay saaxibbadeed.

Wixii intaa ka dambeeyeyna Yzabel waxaa ku abuurmay tuhun, hase yeeshee waxay xawaalad ugu dirtay 200 oo Euro.

Markii la gaaray maalintii uu imanayey Paris Yzabel waxay isu diyaarisay iney la kulanto 'Myrat', waxayna soo aadday garoonka diyaaradaha si ay u soo dhaweyso.

"In badan ayaa sugay balse wax imanayaba waan waayey ninkii aan sugayey markii uu iman waayey" ayaan iska soo laabtay.

"Markale waxaan isku dayay inaan la xiriiro si aan xaaladdiisa u ogaado balse taleefan igama qabanayo, dhowr maalmood ayaan caro darteed meel aan aado garan la'aa waxaana aad iiga xanaajiyey sababta uu iigu soo jawaabi la'yahay? marar badan ayaan farriin qoraal ah u diray aniga oo ku leh jawaab ayaan kaa sugayaa balse wax jawaab ah kama helin."

Waxayna markiiba ogaatay tuugadi khadka ku dhuumaaleysata ee dadka sidaa ku dhcda iney afka uga gashay wixii ku dhacayna ay aqbasho.

"Macquul ma aha, waxaan wajigiisa ku arkay wicitaanada fiidiyowga - run buu ahaa, saaxiibadey iyo caruurteydaba wey arkeen ma dhici karto waa wax la yaab leh.,"ayey tiri Yzabel oo yaabban.

Short presentational grey line

Dhowr maalmood kaddib Murat ayaa dib xiriirkii u billaabay markanna waxay Yzabel doorbidday iney shaashadda weyn wajigiisa saxda ah ka aragto, waxayna wicitaanka muuqaalka ay ku xiriirisay Koombiyuutarkeeda.

"Aragtida muqaalka aad ayuu u liitay oo shucaac ayaa ku furnaa waxaanna isiri khadkiisa ayaa xun. Muqaalkana wuxuu ahaa mid joogjoogsana. Marka uu ila hadlayana waxaan maqlaya codka joojinta muuqaalka iyo shaashadda muuqaalkii sarnaa oo jareynaya, aad ayaan u eegay."

Waxayna u baahatay qof khabiir ah oo ka caawiyo muuqaalka kaddibna saaxibbadeed ayaa ka caawiyey. Waxayna u sheegeen waa muuqaal been abuur ah oo YouTubka inta badan laga helo.

Wixii markaa ka dambeeyeyna waxay ogaatay muuqaalladii iyo taleefannadii uu Murat u soo dirayeyba iney ahaayeen kuwa been abuur ah oo aan waxba ka jirin.

"Waxaan dareemay xannuun iyo inaan doqon ahay. Waxaanna noqday qof dumar ah oo ay dareenkeedu tuugo aan naxeyn ay xadeen waxayna iila mid ahayd sida in nafteyda la kufsaday. Waxyaabihii quruxda badnaa ee uu ii soo qori jiray ayaan ninkaasi jaceylkiisa ku rumeystay kuna aaminay."

"Waxaan ku iri kumaad tahay? waan ogahay inaan Murat eheen, haddaba kumaad tahay? Xoogaha marka u aamusnaa ayuu igu yiri maxaad sidaa u sameyneysaa. Kaddibna taleefanki ayuu igu jaray."

Markale ayuu farriin u soo qoray wuxuuna ku yiri magaceygu waa David waa nin xogaha onlink-ka jabsada oo ku nool dalka Nigeriya.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, .

"Waxaan weydiiyey sababta uu waxan u sameynayo. 'Jaceyl ayaan kuu qaaday , lacag ayaad i weydiisatay. Wuxuu yiri dadka ayaan sidaa lacago badan uga qaataa, isaga keli ma ahee iney yihiin shabakad aad u weyn oo caalamka oo dhan ka jirta. Wuxuuna ii sheegay lacaga uu cinwaannada been abuurka dadka uu ku barto ka sameeyey inuu ku taajiray, una jecel yahay iney ciyaartooy noqdo aakhirkina uu wax ka barto dalka canada."

Yzabel wey niyad jabtay, haddana waxay joojin weyday jaceylkii dhabta ahaa ee ay u qaaday 'Murat'. Waxayna u dhaqaaqday sidi ay u heli lahayd xaqiiqda ninka qalbigeeda xaday waxay lambar taleefan ay ka heshay mid ka mid ah cinwaannada uu isticmaalo weyna wacday.

"Waxaan go'aansaday inaan u diro fariin muuqaal ah, waxaana ku idhi, 'Waa run, waxaan u maleynayaa in lagugu jabsaday, ulama jeedo wax dhib ah - wax badan ayaa naga dhexeeya. Waxaan jeclaan lahaa inaan kula kulmo oo aan kuu soo bandhigo dhammaan caddaynta aan u hayo jaceylka aan kuu qaaday."

Yzabel waxa ay u sheegtay Murat in ay qorshaynayso in ay booqato Istanbuul uuna aqbalay in uu la kulmo. Isla markiiba waxay jaratay tigidhki diyaaradeed oo ay ku aadi lahayd Turkiga.

Yzabel Dzisky

Xigashada Sawirka, YZABEL DZISKY

Qoraalka sawirka, Yzabel oo Istanbul ku sugan

"Istanbul waa meel qurux badan, oo soo jiidasho leh balse kelinimo ayaan ku dareemayey," ayey tiri.

Dhakhtarka qaliinka wuxuu umuuqday inuu xiiseynayo inuu mar labaad uu isku dayo sidi uu iila kulmi lahaa.

"Sidaas darteed waxaan aaday isbitaalka, aad ayey iigu adkeyd, muddo bilo ah, waxaan u maleeyay inaan lahadli doono. Markii albaabka la furay, xoghayntiisa ayaa ii sheegtay inuu i sugayo. Halkaasna waxaan ku arkay isaga. markii ugu horeysay, wuxuu ahaa mid run ah. "…

Yzabel waxay ku hakatay xusuusta kulankeedii ugu horreeyay ay ay ninkaasi kula kulantay. Waxaan arkayey ilmo qoysay wejigeeda iyo codkeeda oo gariiraya.

"Dareenkeyga dhabta ah isagu ma oga, laakiin wuxuu ahaa nin soo dhaweyn leh. Waxaanna isku dayay inaan u muujin dareenkeyga balse qaligeyga aad tuso. Waxaanna nafteyda ka dhaadhicinayey waxa dhacaya oo dhan iney khiyaali yihiin."

"Waxaanna tusay farriimihi iyo muuqaalladi aan isdhafsannay waxaanna u sheegay inuu yahay tuug xogta dadka jabsada dhammaan macluumaadka aan ka hayana booliska aan la wadaagayo. Waxaan arkay wajigiisa oo markiba isbeddelay. Waxaanna ku heshiinnay inaan xilliga cashada aan kulann."

Yzabel waxay qaadatay habeenkaa iney wakhti aad u macaan isla qaateen ayna si qoto dheer uga shekeysteen wixi dhacay. Waxayna go'aansatay iney filim ay ka sameyso wixi iyadu ku dhacay.

Marar badan ayey booqasha u timid Istanbul si ay u aragto dhakhtarka qalliinka ee ay jaceylka dhabta ah u qaadday.

"Xiriika jaceyl ee aan laheen in mudda ah marki uu socday wuu soo afjarmay. Laakiin anigu waxaan la noolahay waxyaabihi been abuurka u badnaa ee jaceylka dhabta ah igu hoggaamiyey.

Short presentational grey line

BBC waxay la xiriirtay dhakhtar ay gabadhaasi jaceylka u qaadday iyo qareenkiisa balse waa ay ka gaabsadeen iney arrintan wax ka dhahaan.

Waxayna BBC ogaatay Murat inuu ahayn magaca saxda ee Dhakhtarka qalliinka magaciisa saxda ahna ay qarisay iyada oo tixgelineyso codsiga dhakhtarkaasi.

Yzabel aad ayey u niyad jabtay waxayna jecleyd ninkan in la xiro si qof dambe uu u khiyaanin, hase yeeshee waxay ku rajo weyn tahay iney filin dadka kale cashar u noqdo ka sameyso.

line

Qofka dabinnada noocan ah si uu uga badbaado maxaa la gudboon?

Daraasad dalka UK lagu sameeyey 2020-ka waxaa lagu ogaaday tuugada xogaha dadka dhinaca interneetka ka jabsada dadka ay jaceylka beenta ay ku abuureen iney ka dhaceen lacag ka badan £25 malyan oo gini.

Qaabka ugu fudu uu qofka uga hortagi karana waxaa ka mid ah:

  • Qofka uu khadka ka barto oo uu xiriirka la sameynayo inuu su'aalo badan uu weydiiyo. Oo uu aaminin xogta qofka oo u soo gudbiyo ama uu u sheegay oo dhan.
  • Interneetka u isticmaal inaan baarto xog dheeri ah oo shaqsigaasi la xiriiro.
  • Inaad baarto cinwaannada shaqsigaasi uu baraha bulshada ku leeyahay si aad sawirro iyo xog sax ah uga hesho.
  • Saaxibbadaa iyo qoyskaaga la wadaag xogta qofkaasi.
  • Dadka noocaas ahna kala sheekeyso oo keli ahApp-ka lagu sheekeysto maadaamaa xaggaas laga tixraaci karo.
  • Marnaba taleefankaaga ama e-mailkaaga khaaska ah qofkaas ha siinin ilaa aad ka gaareyso kalsooni buuxda.
  • Marnaa wax lacag ah ha u dirin ama ha siisinin.
  • Haddii qof App-ka lagu sheekeysta uu lacag ku weydiisto marnaba lacag ha u dirin.

Xigasho: BBC, Age UK, UK Finance, UK Police