Muxuu ahaa Muslimka xaas doonka ah ee aadka u qabsaday baraha bulshada UK?

Boorka uu dhajiyay Malik

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka, Boorka uu dhajiyay Malik

Jawaabo kala duwan ayay ka bixiyeen dadka isticmaala baraha bulshada ka dib marki Muxmumed Maalik uu magaalo ku taalla UK ku dhijiyay boor uu ku raadinayo jaceyl.

Maalik ayaa muddo yar caan ka noqday ka dib markii boorar waa wayn oo ku yaalla magalooyiinka London iyo Birmingham uu ku dhajiyay sawirkiisa taasi oo uu ku sheegay in u raadinayo xaas.

Ninkan 29 jirka ah oo ah khabiir ku xeel dheer dhaqalaha iyo maaliyadaha ayaa horaantii bishan sameeyay arrintan.

Codsigiisa aya waxaa uu soo jiitay dad badan islamarkana waxaa barah bulshada ay dadka ku qoreen fariimo lagu taageerayo go'aankiisa.

Waxaa uu Maalik sheegay in barta uu internetka ka sameeyay ee findMALIKawife.com. loogu soo diray 5,000 oo fariin.

Balse toddobaadkii aanu soo dhaafnay ayaa waxaa app-ka ay isticmaalaan Musliminta guurdoonka ee lagu magacaabo Muzmatch uu shaaca ka qaaday in ay iyagu ka dambeeyeen arrintan islamarkaana dadkii barta Maalik soo galayay loo leexiyay dhanka wepsit-kooda.

Markii shaaca laga qaaday u jeedada ka dambeysa arrintan ayaa laga bixiyay jawaabo kala duwan.

Qaar ka mid ah bulshada ayaa ku dooday in ficilka Muhammad Malik uu yahay mid dhiirigalinaya guurka qasabka ah ee aan gabdhaha lagala tashan oo go'aanka ay waalidiinta gaaraan.

Shahzad Younas, waa madaxa barta Musliminta guurdoonka ah ee Muzmatch, ayaa yiri: "Malik waxaa uu doonayay in uu muujiyo in guurka gabdha uu waalidkeed u dooro qofka guursanaya uusan ahayn mid qaldan .

Qaar badan oo ka mid ah guurka ay waalidiinta u habeeyaan gabadhahooda ama wiilashooda ayaa isagu noqda mid waara oo guuleysta ayuu sheegay.

Bartani internet-ka Muslimiinta guurdoonka ah ee lagu magacaabo Muzmatch, ayaa waxaa xubin ka ah oo ku xiran 5 milyan oo qof.

Malik, ayaa waxaa uu ku nool yahay magaalada London isaga oo halkaasi kula nool waadiintiisa.

mid ka mid ah xubnaha websit-ka Muzmatch ayaa Malik imika ka caawinaya sidii loo kala xuli lahaa kumaan jawabood oo uu helay ka dib codsigiisa guurka.

Waxaa uu sheegay in isaga shaqsiyan uu helay in ka badan 100 arji oo ku saabsan guurka uu dalbaday.

Balse waxaa uu sheegay in xitaa haddii uusan qof ka dhex helin arjiyada loo soo diray uu ku faraxsan yahay in uu doob sii ahaado.

"Aad ayaan ugu faraxsanahay xita haddii aan 10 sano xaas la'aan sii ahaado, balse waxa iiga farxad badnaan lahayd in aan qof helo ." ayuu yiri Malik