Sheekada 3-da gabdhood ee walaalaha ah ee nimanka isu baddelay

Xigashada Sawirka, BBC SWAHILI
Marwo Caasha oo magaceeda saxda ahayn, ayaa la qariyay keeda saxda ah sababo la xiriira saddex carruur oo ay dhashay kuwaas oo bulshada kala kulma dhibaatooyin sida takoor dhanka jinsiga ah
Laakin hooyadaan waxa ay muddo ku taamaysay in ay caddeyso sidii ay ku dhashay caruurtan iyo caqabadaha soo food saaray muddo hadda laga joogo 19 sano oo ah markii ay umushay ilmihii ugu horeeyay ee gabar ah balse markii dambe la ogaaday inay tahay wiil taas oo sababtay in qaliin lagu sameeyay oo meesha laga saaro xubinta taranka haweenka waxayna gabadheedii curadda sidaa ku noqtay wiil oo haatan ah dhaliyaro caadi u nool o dadkiisa dhinac kaga jira.
"Dhibaatada haysata carruurtan maaha inay jiran yihiin ama aanay awood u lahayn raganimada, laakiin dhibka haysta ayaa ah inay markii hore dhasheen iyaga oo gabdho ah markii ay ragga isu baddaleenna weli waxay isticmaalaan magacaydii dumarka, laakiin marka ay arrintan caadi u soo shaacbaxdo ayay iska baddali doonaan magacyadooda," ayay tiri hooyo Caashi."
Hooyadan waxay degan tahay Bukoba, Tanzania, iyadoo 43 jir ah hadda waxay welwel badan ka qabtay saddexdeeda carruur.
Sidee buu ahaa safarkeedii waalidnimo?
Waxay xasuusataa markii ugu horreysay ee ay uur yeelatay inay aad ugu farxday. Markii ay dhashay ilmaheeda wuxuu lahaa muuqaal dheddig ah sidaa darteed waxaa loo bixiyay Jane (ma ahan magaca dhabta ah).
Waxa ay sii waday in ay koriso iyada oo gabar ah ilaa ay ka gaartay 8 sano balse markaa ka dib wax walba bilaabeen in ay isbedelaan.
Hooyada ayaa sharaxday in xubinta taranka ee ragga ay bilaabantay inay soo baxdo. "Wuxuu dhashay isagoo dhedig ah, waxaanu u bixinay magac gabdheed, waxaan u xiraynay dharka hablaha, laakiin marka aad u fiirsato ficilladiisa iyo muqaalkiisuba wuu is baddelay."
Hooyadan hawl fudud ma aysan soo marin, oo waxaa adkaa isbeddelka wiilkeeda Jane, waxa ay dhashay ilamaheedii labaad iyo saddexaad, dhammaantoodna waxa ay noqdeen gabdho, waxaana loo bixiyey magacyo dumar ah.

Xigashada Sawirka, BBC SWAHILI
'Waxaan la yaabay waxa aayahaygu yahay'?
Marka ay timaado inaad la kulanto arrin kuugu cusub oo aadan weligaa arag ama aadan maqlin, waxaa kuu soo baxaysa in ay jiraan hooyooyin badan oo bulshada dhexdeeda ah, oo mid walba ay dooneyso in ay koriso ubad caafimaad qaba, oo la fahmi karo, gabar ama wiil waxa ay noqdaanba.
Sannado ka dib markii ay dhashay midabkeeda, waxay u dhashay afar carruur ah oo kale, kuwaas oo dhammaantood ahaa saddex lab ah iyo hal dumar ah.
Hannaanka ay wiilkeeda ugu raadinayso gargaarka caafimaad ayaa waxay billowday isagoo 14 jir ah, markii uu ogaaday isbedelada jirkiisa ku dhacay, waxa ay go'aansatay in ay caawimo caafimaad u raadsato deeq-bixiyeyaasha si ay khubaradu u ogaadaan jinsiga ay tahay in uu noqdo canugeeda.
Waxaan fursad u helnay inaan la kulanno 'Jane' oo hadda la yirahdo Tom ( ma ahan magaca dhabta ah). Magacan ayaa loo bixiyay ka dib markii jinsiga dumarka ah laga xiray oo loo daayay jinsiga lab-ka ah isagaoo17-jir ah.

Maadaama Tom uu u noolaa qaab gabar ahaan 14 sano, wuxuu sheegay in ku noolaanshaha jirka gabadha iyo hadda nin ahaan ay leedahay caqabado badan gaar ahaan marka loo eego dhinaca bulshada.
"Dhegahayga weli waa ay duran yihiin,, sidaas darteed inaan u guuru dhanka ragganimada ayaa noqotay tallaabo aad u u adag gaar ahaan indhaha bulshada." Tom ayaa sidaasi yiri.
Caasha iyo wiilkeeda Tom waxay aad u jecel yihiin inay hubiyaan in kuwa ee la dhashay oo 17 iyo 15 jir kala ay iyagana helaan , caawinaad ku habboon.
Waxaan waraysi la yeelanay Dr Joshua Gerison, oo ah khabiir ku takhasusay cudurrada haweenka oo ku sugan magaalada Dar es Salaam, kaas oo sheegay in xaaladda saddexda carruur ah ee hal qoys ka soo jeeda ay sabab u tahay cilladaha hidde-sidaha ama hiddaha.













