Daraasad lagu ogaaday in dumarka u badantahay in dhintaan marka ay qalliin ku sameeyaan dhaqaatiirta ragga ah. Maxay tahay sababta?

Tam Duc Cardiology Hospital in Vietnam.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dumarka 32% ay aad ugu dhow yihiin inay dhintaan marka ay galaan qalliin uu sameeyay dhakhaatar lab ah marka loo eego dhakhaatiirta qalliinka sameeya ee dumarka ah.

Maskaxdaada ka sawiro dhakhtar qalliin, oo labisan oo diyaar u ah inuu qalliin kugu sameeyo.

Maxaad sawiraneya ma nin ama naag?

Hagaag, haddii aad dumar tahay, runtii waa inaad ka fikirtaa in dhakhtarkaaga uu badbaadin karo noloshaada.

Taasi waa sababta dumarku 32% ay aad ugu dhow yihiin inay dhintaan marka ay galaan qalliin uu sameeyay dhakhaatar lab ah marka loo eego dhakhaatiirta qalliinka sameeya ee dumarka ah sida lagu sheegay daraasad dhowaan la sameeyay.

Halka jinsiga dhakhtarku uusan wax sameeyayn ku yeelan bukaanada ragga ah, cilmi-baaristu waxay sidoo kale muujisay in haweenku ay aad ugu dhow yihiin inay la kulmaan dhibaatooyin iyo in dib loogu celiyo isbitaalka 30 maalmood gudahood haddii dhakhtarkoodu uu ahaa nin. Laakiin waa maxay sababtu?

Ninka hoggaaminayay daraasaddan (oo lagu daabacay joornaalka caafimaadka ee JAMA Surgery), Dr Christopher Wallis, weli ma hubo.

Waxa uu BBC-da u sheegay in aanay ilaa hadda wax sharraxaad ah ka haynin natiijadan, balse ay ku hawlan yihiin.

Markaa ka dib ayaan waxaanu dhakhaatiirta sameysa qalliinada kala duwan ee dumarka ah waydiinay fikradahooda ku aaddan sababta ay haweeneyda ugu badbaado gacmahooda marka ay qalliin ku sameeyaan.

Aragtida xanuunka

Daraasadu waxay lagu lagu tijaabiyay in ka badan 1.3 milyan oo bukaan ah oo ay daweeyeen 2,937 dhakhaatiir oo ah kuwa sameeya qalliinka oo ku sugan Ontaariyo, Kanada, laga soo bilaabo 2007 ilaa 2019.

Waxaa la sheegay in daraasaddani tahay "daraasaddii ugu horreysay ee isku dayda inay ka jawaabto su'aasha ah xiriirka ka dhexeeya is-waafajinta jinsiga dhakhtarka iyo bukaanka iyo sidoo kale natiijooyinka qalliinka".

Ma jirto hadallo qeexan oo ku saabsan sababta bukaannada dheddigga ah ay uga sii dari karaan dhakhaatiirta qalliinka sameeya ee ragga ah, laakiin waxay tilmaamaysaa sharraxaadaha suurtagalka ah ee suugaanta kale ee la heli karo.

Dr Oneeka Williams

Xigashada Sawirka, EMERSON HOSPITAL

Qoraalka sawirka, Dr Oneeka Williams

Mid ka mid ah soo jeedinta daraasadda oo sharxi karta natiijooyinka ayaa ah in uu jiro farqi weyn oo u dhexeeya aragtida xanuunka ee dhakhaatiirta ragga ah iyo kuwa haweenka".

Dr Oneeka Williams, oo ku takhasustay cudurrada kaadi-mareenka oo ka tirsan kuliyadda caafimaadka ee Jaamacadda Tufts ee Boston, USA, ayaa ku raacsan.

Dr Jennifer Svahn, oo ah dhakhtar qalliinka xididdada dhiigga ee Jaamacadda Northwell Health ee New York, ayaa iyadana ku raacday.

Waxay u malaynaysaa in heerka dhimashada ee sarreeya uu sababi karo in dhakhaatiirta qalliinka ee ragga ay aad ugu dhowdahay inaysan xoogga saarin welwelka iyo calaamadaha bukaanka sababtoo ah waxay aaminsan yihiin in dumarka ay iska cabsi badan yihiin".

Mawqifyada labada dhinac

Dr Nancy Baxter, oo ah dhakhtarka qalliinka mindhicirka ee St Michael's College Hospital ee Jaamacadda Toronto, ayaa sidoo kale aaminsan in "dadku ay u nugul yihiin inay hoos u dhigaan xanuunka haweenka in ka badan xanuunka ragga," laakiin waxay soo jeedinaysaa in arrimo kale ay sidoo kale ay door ka ciyaari karaan.

Dr Nancy Baxter

Xigashada Sawirka, Unity Health Toronto

Qoraalka sawirka, "Markay dadku ka fikirayaan dhakhaatiirta qalliinka, waxay ka fikiraan kuwa ragga ah," sida ay sheegtay Dr Nancy Baxter, dhakhtar qalliin oo ka tirsan jaamacadda Toronto.

"Markaad la kulanto qofka bukaan-socodka ah, go'aanno noocee ah ayaad dhakhtar ahaan qaadataa , yaad geynaysaa qolka qalliinka, waxaa jirta suurtogalnimo ah in ay jiraan kala duwanaansho u dhexeeya dhakhaatiirta qalliinka xagga jinsiga iyo sida loola dhaqmo bukaannada ragga iyo dumarka ah, " ayay u sheegtay BBC-da.

Laakiin haddana waxay sidoo kale tilmaamtay kala duwanaanshaha dabeecadaha ku wajahan dhakhaatiirta qalliinka ee ragga iyo dumarka.

"Inta lagu jiro qaliinka, waxaan ognahay in dhakhaatiirta qalliinka ee haweenka ah lagu ciqaabo natiijada xun, haddii ay dhacdo in ay hoos u dhacaan bukaannadii loo soo gudbinyay, waxay u badan tahay in aanan laga cafin khaladkaasi ay galeen halka dhakhaatiirka qallinka ee ragga ah loo sameeyo marmarsiyada in khaladkaasi uu uga dhacay nasiib darro."

"Sidaa darteed dhakhaatiirta qalliinka ee haweenka ah waa inay si fiican u qabtaan shaqadooda si raggaasi dhaliishooda loo qiil dayaya ay ula mid noqdaan." ayay tiri.

Xiriirka dhakhtarka iyo bukaanka

Dr Kim Templeton, oo ah dhakhtarka lafaha oo ka tirsan Xarunta Caafimaadka ee Jaamacadda Kansas, ayaa aaminsan in habka dhakhaatiirta qalliinka dumarka ay u wajahaan bukaankooda dheddigga ah ay ka caawin karto inay sharaxdo kala duwanaanshaha.

"Marka ay timaaddo Xiriirka dhakhtarka iyo bukaanka ayaa waxaa loo baahan yahay in bukaanada ay dareemaan furfurnaan marka ay dhakhtarka la wadaagayaan macluumaadka muhiimka ee hadhow gacan ka geysan kara qalliinka."

Dr Jennifer Svahn

Xigashada Sawirka, Dr Jennifer Svahn

Qoraalka sawirka, Dr Jennifer Svahn, vascular surgeon, says male surgeons are less likely to pay attention to a female patient's concerns and symptoms

'Waxaan u ekahay dhakhtar qalliin'

Takoorka jinsiga ee meelaha ay ragga u badan yihiin ayaa muddo dheer la aqoonsaday waxaana laga yaabaa inay sabab u tahay haweenka inay ka tagaan xirfadaha ay jecel yihiin.

Sannadkii 2015, dhakhaatiirta qalliinka dumarka ah ayaa sameeyay barta Twitter-ka olole ay ugu magac dareen "#ILookLikeaSurgeon". si ay arrintan uga hortagaan, gaar ahaan dumarka xirfadda leh ee loo saariyo shaqooyinka iska caadiga ah ee ay haweenka qabtaan.

Dr Williams ayaa sheegtay in dhakhaatiirta qalliinka dumarka ay si joogto ah loogu takooro jinsigooda.

"Bukaanada iyo shaqaalaha intooda badan waxay u maleyaan inaan ahayn dhakhtarka qalliinka," ayay tiri. "Male-awaalka ugu badan ayaa ah inaan ahay kaaliye caafimaad, xoghaye, ama cunte kariye."

Daraasadu waxay lagu lagu tijaabiyay in ka badan 1.3 milyan oo bukaan ah

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Daraasadu waxay lagu lagu tijaabiyay in ka badan 1.3 milyan oo bukaan ah oo ay daweeyeen 2,937 dhakhaatiir oo ah kuwa sameeya qalliinka oo ku sugan Ontaariyo, Kanada, laga soo bilaabo 2007 ilaa 2019.

Dheelitir la'aanta jinsiga

Halka qoraaga hoggaamiyaha ah Dr Wallis uu carrabka ku adkeeyay in daraasada Ontaariyo ay muujinayso isbeddel heerka dadweynaha ah, oo aan macnaheedu ahayn in bukaanka dheddigga ah ay qasab ku tahay in ay ka liidato dhakhtarka qalliinka ee lab ah, daraasaddu waxay sidoo kale muujinaysaa xaqiiqda dhabta ah ee qalliinka - in ka badan 1.3 milyan.

Fiona Myint, oo ah guddoomiye ku xigeenka Kulliyadda Royal ee Dhakhaatiirta Qalliinka ee England, waxay dareensantahay tahay baahida loo qabo hagaajinta dheelitirka jinsiga ee qalliinka.

"UK, ragga in ka badan dumarku waxay doortaan inay bilaabaan tababarka dhakhaatiirta qaliinka. Dumarku waxay ka yihiin 41% dhakhaatiirta fasalka hore laakiin kaliya 30% ee tababarayaasha sare iyo 14% lataliyeyaasha," ayay xustay.