War bixinta Qaramada Midoobay: Yaa ka dambeeya kufsiga sare u kacay ee Soomaaliya?

Xigashada Sawirka, United Nations
Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in "sare u kac 80% ah uu ku yimid tacaddiyada ka dhanka dumarka Soomaaliya sida kufsiga Soomaaliya, taasoo lagu tilmaamay "tiro abuurtay qeylo dhaan weyn".
Labo wakiil oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa arrintan ku qeexay "mid argagax leh" kaddib markii xoghayaha guud loo gudbiyay labo warbixin oo dhawaan laga sameeyay Soomaaliya.
"Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh isku dhacyada Soomaaliya inay sida ugu dhakhsiyaha badan u joojiyaan tacaddiyadan," ayaa lagu yidhi bayaanka ay soo saareen Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Carruurta iyo isku dhacyada hubeysan, Virginia Gamba iyo wakiilka qaarka ah ee qaabilsan tacaddiyada kufsiga ee ka dhaca meelaha ay colaadaha ka jiraan, Pramila Patten.
Ka faa'iideysiga barakacayaasha
Labada warbixin ee ay soo diyaariyeen wakiillada ayaa lagu diiwaan galiyay in sanadkii 2020-kii gudihiisa 400 oo qof oo rayid ah, oo u badan gabdho, ay dhibaneyaal u ahaayeen tacaddiyo isugu jira kufsi iyo xad gudubyo kale oo la xiriira jimsiga.
Tiradan waxay muujisay in uu jiro sare u kac dhan boqolkiiba 80 marka la barbardhigo sanadkii 2019-kii.
In ka badan 100 kiis oo tacaddiyada kufsiga ah waxay Qaramada Midoobay xaqiijisay afarkii bilood ee ugu horreysay sanadkan 2021-ka.
Dadka falalkaas geysta waxay inta badan ka faa'iideystaan gabdhaha nugul ee ku jira xeryaha barakacayaasha, iyagoo bartilmaameedsada marka ay xeryaha kasoo baxaan si ay u doontaan shaqooyin laga raadsado nolol maalmeedka, sida lagu xusay warbixinta.
Maxaa sabab u ah kororka kufsiga?

Xigashada Sawirka, Peter Biro/IRC
Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in sare u kaca "naxdinta leh" ee tacaddiyada jinsiga ay sabab u tahay xaaladda amni darro ee ka jira Soomalaiya.
"Tani waxay kusoo aaday xilli ay jiraan xiisado siyaasadeed oo ku qotoma hardanka loogu jiro doorashada, isku dhacyada beelaha ee salka ku haya murannada dhulka iyo dhaqdhaqaaqyada al-Shabaab, taasoo uu sidoo kale sii xoojiyay cudurka safmarka ah ee Covid-19", ayaa lagu yidhi warbixinta.
Intaas waxaa sii dheer, sida lagu xusay bayaanka, hakadka la galiyay howlihii amniga iyo caddaaladda, halka cudurka safmarka ahna uu sidoo kale kala dhantaalay howlihii waxbarashada iyo adeegsadii loo fidinayay dadka tabaaleysan.
Yaa geysta falalka kufsiga?
Kiisaska kufsiga ee ay ku lug leeyihiin Al-Shabaab ayaa labo jibaar noqday, sida lagu ogaaday warbixinta lasoo diyaariyay. "Taasi waxay muujineysaa in kooxda Islaamiga ah ay sii waddo tacaddiyada dhanka jinsiga ah ee la xiriira guurka khasabka ah ee ka dhaca deegaannada ay ka arrimiyaan," ayaa lagu yidhi.
"Xad gudubyada ay geystaan maleyshiyo beeleedyada ayaa sidoo kale gaaray ku dhawaad saddex laab sanadkii lasoo dhaafay gudihiisa. Waxaa falalkaas loo adeegsaday hubka fudud."
Inta badan kiisaska, dadka tacaddiga geystay lama yaqaanno, arrintaasina waxay meesha ka saareysaa in la ciqaabo dambiileyaasha, sida ay shegetay Qaramada Midoobay.

Xigashada Sawirka, Peter Biro/IRC
Labada wakiil ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale xusay in 15% ka mid ah tacaddiyada kufsiga iyo xad gudubyada la xaqiijiyay ay geystaan ciidamada amaanka ee dowladda.
"Ciidanka militariga Soomaaliya iyo Booliska Soomaaliya labadaba, iyo waliba sidoo kale ciidamada maamul goboleedyada, ayaa geystay kufsi iyo tacaddiyo kale oo la xiriira jinsiga ee ka dhanka ah dumarka iyo carruurta," ayay tiri Qaramada Midoobay.
Tallaabo wax ku ool ah
Wakiillada gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay tallaabo muuqata u qaaddo sidii looga hortagi lahaa xad gudubyada ka dhanka ah haweenka iyo carruurta.
Waxay iftiimiyeen muhiimadda ay leedahay in la raaco qorshihii 2012-kii ee ku saabsanaa joojinta askareynta carruurta iyo geeddi socodkii 2019-kii oo lagu qeexay farsamooyinka looga hortagayo tacaddiyada jinsiga ee lagu beegsado carruurta.
Sidoo kale, waxay dowladda Soomaaliya ku boorriyeen inay la imaato qorshe qaran oo lagu hor istaagayo falalka tacaddiyada ah ee ka dhaca meelaha ay ka jiraan iskudhacyada.










