Tobanka dhimse ee ugu dheer 2026 Bariga Afrika

Xarunta CBE ee Addis Ababa

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Muuqaalka magaalooyinka waaweyn ee Bariga Afrika ayaa si xawli ah isu beddelaya, iyadoo ay taasi hormuud ka yihiin dhismayaasha dhaadheer ee magaalooyinka Nairobi, Dar es Salaam iyo Kigali. Tani waxay ka tarjumaysa koboca dhaqaalaha gobolka iyo himilooyinka horumar ee magaalooyinkaas.

Sida ay sheegtay madasha daabacda wararka dhismaha ee loo yaqaan CK, dhismayaashani ma ahan oo kaliya kuwo dhaadheer, balse waa astaamo horumarineed oo qaabeeya muuqaalka magaalooyinka, isla markaana muujinaya kaalinta sii kordheysa ee horumarka Bariga Afrika.

Waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa 10-ka dhisme ee ugu dhaadheer Bariga Afrika sida ay sheegtay CK.

1. Xarumaha CBE ee Addis Ababa

Xarunta bangiga ganacsiga Itoobiya CBE waxay ku taal dhisme 53 dabaq ah oo dhirirkiisu gaarayo 209 mitir.

Dhismahan oo bishii Febraayo 2022-kii la dhammeystiray ayaa ah kan ugu dheer Bariga Afrika.

Waa dhisme casri ah oo kooban xafiisyo, una adeega xarunta dhexe ee Bangiga Ganacsiga Itoobiya, isla markaana astaan u ah koboca dhaqaalaha iyo horumarka magaalooyinka dalka.

2. Dhismaha Britam ee Nairobi

dhismaha Britam ee Nairobi

Xigashada Sawirka, (Photo: Courtesy CK)

Dhismaha dheer ee Britam waxa uu ka kooban yahay xafiisyo. Dhererkiisu waa 200 oo mitir, wuxuuna yaalla magaalada Nairobi. Waxaa si rasmi ah loo furay bishii Luulyo sanadkii 2018-kii. Dhismahan waa kan ugu dheer magaalada Nairobi.

Dhismahan oo 32 dabaq ah ayaa la bilaabay dhismahiisa horraantii 2013-kii, waxaana la dhammeystiray Sebtembar 2017. Waxa uu caan ku yahay naqshaddiisa gaarka ah ee u eg qaab dhismeedka ahraamta.

Marka dhinac laga eego wuxuu u muuqdaa sida Ahraamta madow oo qaybta sare laga qaaday, halka marka laga fiiriyo dhanka kale u u egyahay wax ka duwan taas.

Sannadkii 2018-kii, ayuu noqday dhismihii ugu horreeyay Afrika ee lagu daro liiska abaalmarinta dhismooyinka dhaadheer, wuxuuna ka galay kaalinta 10-aad dhismayaasha ugu wanaagsan adduunka.

3. Xafiisyada dhismaha GTC ee Nairobi

Xafiisyada GTC waxay ku yaallaan dhisme dhirirkiisu yahay 184 mitir oo 42 dabaq ah. magaalada Nairobi waxa uu kaga yaalaa Westlands.

Waa qayb ka mid ah xarunta ganacsiga caalamiga GTC, waxaana la dhammaystiray sanadkii 2022-kii, isagoo ka mid noqday dhismayaasha xafiisyada ugu dhaadheer Bariga Afrika.

Waxaa lagu naqshadeeyay darbiyo muraayado ah iyo agab tayo sare leh, wuxuuna hoy u yahay xafiisyo heer sare ah, isagoo qayb muhiim ah ka ah muuqaalka casriga ah ee magaalada Nairobi.

4. Dhismaha UAP ee Nairobi

Mid ka mid ah dhismayaasha ugu dheer Nairobi

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dhismaha UAP waa dhisma ka kooban xafiisyo oo dhirirkiisu yahay 163 mitir. Waxa uu ka kooban yahay 33 dabaqa. Magaalada Nairobi ayuuna ku yaal.

Waxaa la dhammaystiray 2016-kii, wuxuuna muddo ahaa dhismaha ugu dheer Kenya, ka hor inta aysan ka dheeraan dhismooyinka Britam iyo GTC.

Dhismahan waxaa loogu talagalay xafiisyo casri ah iyo goobo ganacsi, wuxuuna weli yahay astaan muhiim u ah muuqaalka ganacsiga ee magaalada Nairobi.

5. Xarumaha PPF ee Dar es Salaam

Xarumaha PPF waa dhisme xafiisyo ah oo dhererkiisu yahay 160 mitir, waxa uu ka kooban yahay 37 dabaq, wuxuu ku yaal wadada Sam Nujoma Dar es Salaam ee dalka Tanzania.

Waxaa la dhammaystiray sanadkii 2019-kii, waana dhismaha ugu dheer dalka Tanzania. Dhismahan waxaa u adeegaa xarunta dhexe ee arrimaha sanduuqa howlgabka ee loo yaqaan PPF.

6. Maamulka dekadaha Tanzania

Dhismaha maamulka dekadaha Tanzania waxa uu dhirirkiisu gaarayaa ilaa iyo 157 mitir, waxa uu ka kooban yahay 40 dabaq. Wuxuu ku yaal wadada Sokoine ee Dar es Salaam.

Waxaa la dhammaystiray dhismahan sanadkii 2016-kii, wuxuuna hoy u yahay xarunta maamulka dekedaha Tanzania.

Naqshaddiisa casriga ah iyo halka uu ku yaal oo u dhow dekedda ayaa ka dhigeysa astaan muhiim u ah muuqaalka magaalada Dar es Salaam.

7. Dhismaha NSSF ee Kampala

Dhirirka dhismaha sanduuqa howlgabka NSSF waa 155 mitir. Waxa uu ka kooban yahay 32 dabaq. Dhismahan ayaa ku yaal wadada Lumumba ee magaalada Kampala.

Marka la dhammaystiro, waxaa la filayaa in uu noqdo dhismaha ugu dheer Uganda, isagoo magaalada ku soo kordhin doona xafiisyo iyo goobo ganacsi oo casri ah. Waxaa la filayaa in la dhammeeyo sanadkan 2026.

8. Dhismaha PSPF ee Dar es Salaam

Dhismayaasha mataanaha

Dhismaha PSPF waxa uu ka kooban yahay labo dhisme oo mataano ah, mid walbana dhererkiisu waa 152.7 mitir. Dhismayaashan mataanaha ah ayaa kooban 35 dabaq, waxay ku yaallaan Dar es Salaam.

Waxaa la dhammeystiray sanadkii 2014-kii, waxayna ka mid ahaayeen dhismayaasha ugu dhaadheer dalka markii la furay.

Waxay ka kooban yihiin xafiisyo iyo goobo ganacsi, waxayna ka tarjumayaan xarun ganacsi oo heer gobol ah.

9. Dhimsha Mwalimu Nyerere

Mwalimu Nyerere waa dhisme ujeeddooyin badan leh oo dhererkiisu yahay 145 mitir, kana kooban 31 dabaq, wuxuu ku yaal wadada Zanaki ee Dar es Salaam.

Waxaa la dhammeystiray sanadkii 2019-kii, wuxuuna ka kooban yahay xafiisyo, goobo ganacsi iyo hoteel, waxaana sidoo kale loo yaqaan Johari Rotana Dar es Salaam.

Waxaa loogu magacdaray Julius Nyerere, aasaasihii iyo hoggaamiyihii ugu horreeyay ee Tanzania.

10. Hotelka GTC Nairobi

Dhirirka dhismaha hotelka GTC ee Nairobi waa 143 mitir. Waxa uu ka kooban yahay 34 dabaq. Dhismahan ayaa ku yaal Westlands Nairobi.

Waxaa la dhammeystiray sanadkii 2022-kii, wuxuuna caan ku yahay naqshaddiisa casriga ah iyo dhererkiisa.

Dhismahani wuxuu sii qurxiyaa muuqaalka magaalada Nairobi, wuxuuna qeyb ka qaataa ganacsiga iyo dalxiiska gobolka.