Barxadihii magaalada Muqdisho xagee ku dambeeyeen

Xigashada Sawirka, bbc
Muqdisho waxay laheyd goobo taariikhi ah iyo dhismayaal qadiimi ah oo muddo dheer dhisnaa. Magaalada muddo ayey burbursaneyd balse sanadihii u dambeeyay si weyn ayey uga soo kabatay burburkaas. Daaro dhaadheer iyo xaafado si gaar ah loo dhisay ayaana ku soo batay. Inkastoo horumarkaas uu jiro haddana waxaa jira meelo kale oo lagu dhaliilo magaalada. Waxaa jira dhul danguud ahaa oo dadweynaha ka dhexeeyay balse dowladda ay ku wareejisay ganacsato oo laga dhigay kuwa gaar loo leeyahay.
Muqdisho maxay laheyd maxaase isbedelay?
Magaalada waxay laheyd goobo danguud oo isugu jiray meelo dadku fariistaan oo beero yar yar ah iyo barxado kubadda lagu dheelo
“Barxadda Yaasiin waxay aheyd meel ay ku kulmaan hobolada Waaberi, Isboortiga Soomaaliya iyo dadka caanka ah, basaska ayaa ka bixi jiray, hadda darbi ayaa lagu wareejiyay, waxayna noqotay meel xiran” ayuu yiri Xuseen Cilmi Cali Otta Dheere oo ka mid ahaa ciyaartoydii hore ee Soomaalia isagoo intaas ku daray “Waxyaabaha kale ee aan Muqdisho ku aragnay waxaa ka mid ah meelaha la doonayo in la dhisto darbi ayaa lagu wareejiyaa”.
Dhulka danta guud oo laga dhigo kuwa gaar loo leeyahay waxay horseedaan in goobaha bannaan ee muhiimka u ah caafimaadka guud iyo fayoobida dadka ay meesha ka baxaan. Dadweynaha waxay weynayaan goobihii dabiiciga taas oo saameyneysa nolosha dadka ku nool magaalada.
Goobaha caanka ah ee dadweynaha ka dhexeeyay magaalada waxaa ka mid ahaa dhul loo yaqaanay Saabiya Roosa ama ciiddii guduudneyd. Waa dhulka u dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho ee hadda sida gaarka ah loo dhistay.
“Waxay aheyd meel bannaan. Banooni ayaa ku dheeli jirnay. Garoon fiican ayuu ahaa. Sharad ayaa ku dhigan jirnay, waxayna ka mid aheyd meelaha caanka ee laysugu yimaado” ayuu yiri Maxamed ciise Cali Digeeye oo ka mid ahaa dhalintii isboortiga ee magaalada aadka looga yaqaanay.
Inta badan baraxadaha ku yaalay magaalada ma aheyn goobo ay dowladdu dhistay balse waxay ahaayeen barxado bannaan oo lagu dheeli jiray oo dowladda ugu talogashay in dhalinta ay kubadaha ku cayaaraan. Barxadaha bannaan ma aheyn dhul ay dowladda iibsatay.
“Dowladda waxay cuskan jirtay sharci ah in dhulkan dadka u baahan yihiin sidaas ayeyna dowladda ku qaadan jirtay. Dhulka ay dowladda ka dhigtay danta guud markiisa hore dadweynaha ayaa laga qaaday iyadoo ugu badali jirtay dhul kale sida dad badan oo la qaaday dhulkii ay ku lahaayeen degmooyinka Waabari iyo Xamar Jajab” ayuu yiri Digeeye.

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Magaalada sidoo kale waxay laheyd meelo qurux badan oo dhir ku beerneyd oo dadweynaha waqti ku qaadan jireen.
“Jardiinooyin qurux badan ayaan laheyn oo ardayda wax ku aqrisato, dadka isjecel ay tagaan hadda waxaas oo dhan ma jiraan oo wixii oo dhan way baaba’een” ayuu yiri otto Dheere.
Afarta Jardiino waxay ka mid ahaayeen meelaha ugu caansanaa ee dadweynaha waqtiga ku qaadan jireen balse hadda waxaa laga dhisay dhismooyin gaar loo leeyahay oo faa’idada ay ka helaan dadka dhistay. Waxaa meesha ka baxday tii guud ee dadweynaha ka dhexeysay.
Waxaa jira barxado ay hadda guryo ka dhisteen barakacayaal sida beertii Daraawiishta oo hoyi u noqotay dadweynaha qaxootiga ku ah gudaha dalkooda. Dadka halkaas deggan waxay u soo dhawaadeen xarumaha dowladda si ay ammaan u helaan markii ay ka soo qaxeen dhulkii ay ku noolaayeen.
Dhinaca kale, In dhulka danta guud laga dhigo mid gaar loo leeyahay waxay kor u qaadaan dhaqaalaha magaalada waxayna abuuraan fursado shaqo iyo dhaqdhaqaaq ganacsi. Dowladda iyo maalgashatadaba faa’idooyin ayey ka halayaan, waxayna kor u qaadayaan bilicda magaalada.

Xigashada Sawirka, ABDIFATAH JANTE
Caqabadaha hadda taagan ee dhulka
Dhacdadii ugu dambeysay waa xiisadda ka taagan dhismaha dab damiska. War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliya bishii 25-tii bishii 11aad ee 2023 ayaa lagu sheegay in dadka deggan dhulka ciidanka dab-damiska ee magaalada Muqdisho ay isaga guuraan. Sababta dhulkaas loogu baahday ayey boolisku ku sheegeen in baahi weyn loo qabo xarunta dab-damiska maadama ay soo noqnoqotay khatarta dabka magaalada.
Dadka deggan dhulkaas waxay sameeyeen bannaanbax ay kaga soo horjeedaan, shaqaaqo ayaana ka dhacday sababtay dhimasho iyo dhaawac, amarkaas ka soo baxay booliiska Soomaaliya ayaan hirgalin. Dhulka kale ee weli la deggan yahay ee xaruntaas u dhow waxaa ka mid ah jaamacadda umadda, gaar ahaan dhisimihii kuliyaddii Siyaasadda iyo dhismayaashii hoyga u ahaa ardayda.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa markii uu joogay amar ku siiyay hay'adaha ka shaqeeyo arrimaha dhulalka in aysan bixin karin hanti dowladeed iyadoon "loo marin habraac sax ah iyo wareegto madaxweyne oo shuruucda waafaqsan".
Culeysyada ugu waaweyn ee soo wajahay dowladihi is-xigxigay muddadii burburka ka dib waxaa ka mid ahaa dhulalka iyo dhismayaasha dowladda ee dadka caadiga ah dhistay iyo kuwa la doonayo in la iibiyo.
Faa’idada ay leedahay dhulka bannaan
Dhulka bannaan waxa uu u leeyahay magaalada faa’idooyin badan oo ay ka mid yihiin in dadweynaha ku nool heelaan meelo ay ku kulmaan waqtina ku wada qaataan iyo waxay helayaan fursado ay ku ordaan ama isboorti ku dheelaan. Sidoo kale waxaa ku noolaan kara goobahaas haddii ay dhir leeyihiin noolaha kale oo helaya meel ay ka galaan dhibaatooyinka ay wajahaan.
Dhibaatada ay leedahay in la dhisto dhulka danta guud
Marka la dhisto meel kasta waxaa dhaceyso in magaalada ay noqoto meel ay dad badan ka buuxaaan, waxayna keeneysaa in xaafaduhu noqdaan isku-raran, taasina waxay sababeysaa in adeegyada caafimaadka aysan dadka ku filnaan, magaaladana ay noqoto meel aan la socon karin oo aad ciriiri u ah.
Sidoo kale waxay kordhineysaa wasaqowga deegaanka sida buuq badan iyo in ay adkaato sida loo maamulayo wasaqda ka soo baxda magaaladaas. Si loo ilaaliyo badqabka guryaha iyo in aysan ka dhalan halis caafimaad dhismooyinka, dowladaha hoose ee adduunka waxaa shaqadooda ka mid ah in ay illaaliyaan tayada dhismayaasha laga dhisayo magaaladaas iyo inta ay isu jiri karaan. Marka laga tago hab dhismeedka guriga, waxaa jira shuruuc kale oo ay adduunyada kale qasab tahay in la fuliyo, waxaana ka mid ah in guri kasta uu leeyahay haamaha dab-damiska haddii uu dab kaco. In uu leeyahay meelo laga baxo ama dadka laga badbaadiyo. Sidoo kale hab ay tahay in korontada loo galiyo si aysan u dhici wax sababi kar shil.













