Ubax Cabdiraxmaan: "Walaashey Hodon waxay ahayd qof isku kalsoon oo baari ah"

Hodon Cabdiraxmaann Barqadle

Xigashada Sawirka, Baraha bulshada

Waxaa maanta magaalada Nairobi lagu aasay alle ha u naxariistee Hodon Cabdiraxmaan Barqadle oo ahayd gabadh caan ka ah baraha bulshada.

Hodon ayaa ku geeriyootay shil gaari oo ka dhacay inta u dhaxeysa Garissa iyo Nairobi shalay maqribiibkii.

Geerideeda ka dib ayaa waxaa 24 saac ee ugu dambeeyay ay dadka aad u hadal hayeen geerideeda.

Sidee wax u dhaceen.

Ubax Cabdiraxmaan Barqadle oo ah gabadh la dhalatay Hodan ayaa sheegaty in walaasheed ay maalmo ka hor magaalada Gaarisa u tagtay si ay uga qeyb gasho aroos ay lahaayeen dad ay qaraabo ahaayeen.

Waxa ay intaa ku dartay in markii ay shalay safarkii ka soo laabatay oo ay ku soo jeeday Nairobi ay gaarigii ay wateen uu maray waddo aan ahayn tii caadiga ahayd maadama waddooyiinka uu roob gooyay sidaasina ay shil ku galeen.

"Hodon waxay ku dhimatay shil gaari safar yar oo gaaban ayay gashay oo waxay ay aaday aroos ay qabeen qoyska markii ay soo dhameysteen oo ay ka soo laabanaysay ayaa waxaa jiray waddooyiinka oo dhan baa xirnaa roobab ayaa jiray marka waddo kale ayay mareen ka dib gaari kale ayaa ka hor yimid halkaasi oo ay shilka ku galeen oo ay ku dhimatay," ayay tiri Ubax .

Shilka ayaa waxaa sidoo kale uu dhaawac ka soo gaaray 2 qof oo kale.

Hodon Cabdiraxmaann Barqadle

Xigashada Sawirka, Baraha bulshada

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waa Tumaa Hodon?

Hodon Cabdiraxmaan Barqadle oo caan ka ahayd baraha bulshada gaar ahaan Tiktoka ayaa waxaa muddooyiinkii u dambeeyay ay ku nooleyd magaalada Nairobi.

Hodon ayaa sida ay walaasheed Ubax sheegtay waxay sanadkii 1993-dii ku dhalatay gobolka Gedo ee dalka Soomaaliya.

Waxa ay dhanka waxbarshada ka gaartay ilaa dugsi hoose dhexe oo ay ka dhigatay dalka Kenya.

"Hodon waxay ku dhalatay gobolka Gedo sanadkii 1993-dii waxayna ahayd gabadh da' yar waxay ahayd ardayad soo dhigatay ilaa dugsi dhexe oo ka so dhigatay magaalada Mandera ka dib-na Narobi ayay u soo wareegtay si ay dugsi sare uga bilowdo halkaa ayayna bulshada iyo baraha bulshada ka soo gashay, ayay tiri Ubax.

Hodon iyo baraha bulshada

Hodon ayaa alle ha u naxariistee waxaa aad caan uga ahayd barta Tiktok waxaana cinwaankeeda Tiktok ku xidhnaa dad kor u dhaafaya 500,000 oo qof.

Alle ha u naxariistee waxay bilowday barteeda Tiktok dhowr sano ka hor islamarkana waxaa si lama filaan ah kor ugu kacay markiiba dadka ku soo xirmayay cinwaankeeda.

Markii ay barta Tiktok ku soo biirtay waxay soo dhigi jirtay ruwaayado iyo majaajilo kooban oo ay dadka si aad ah u jecleysan jireen.

"Waxyaabihii ay soo gudbin jirtay kow waxay ku bilaawday mijaajilo iyo ruwaayado yaryar o goios goos ah iyo wacyigalinta bulshada," ayay tiri Ubax oo ay Hodon wada dhashee" ayay tiri Ubax.

Ubax Cabdiraxmaann Barqadle

Xigashada Sawirka, Baraha bulshada

Shaqsiyaddii Hodon

Ubax Cabdiraxmaann Barqadle oo ah gabadh la dhalatay Hodan ayaa sheegtay in walaasheed ay ahayd qof bashaash ah oo aad u u dhex gasha bulshada.

"Hodon shaqsiyadeeda shaqsiyad is qarinaysa ma aysan ahayn qof waxay ahayd ay aad bulshada u jecel yihiin" ayay tiri.

Ubax Cabdiraxmaann Barqadle ayaa intaa ku dartay in Hodon ay ahayd qofka u yar qoyskeeda islamarkana noolal wanaagsan lagu soo koriyay.

"Waxay ahayd qof ay bulshada aad u jecel yihiin, koritaankeediina waxay ahayd reerka markaas u yareyd noolal qurux badan iyo kolkoolin lagu soo koriyay," ayay tiri.

Ubax Cabdiraxmaann Barqadle ayaa farta ku fiiqday in walaasheed ay ahayd mid aad isugu kalsoon oo aan dhibsan qaar ka mid ah magacyadii ay dadka ugu yeeri jireen.

"Xaqiiqdii qof aad isugu kalsoon ayay ahyad waxayna aaminsanayd in abuurki ilaahey waxna laga badali karin haddii lagu caayo iyo haddii lagu canaantana waxba uma aysan arkayn oo waxay ka qaadi jirtay qosol iyo qaraaxo" ayay intaa ku dartay" ayay tiri.

Ubax ayaa xustay in walaasheed waxyaabaha ay la gaarka ahayd uu ka mid ahaa in ay ahayd gabadh aad baari ugu ah waalidiinteeda.

"Runtii hodon waxay ahayd qof baari ah, qof labadeeda waalid baari u ah ayay ahayd , qof ehelka iyo qaraabada oo dhan baari u ah ayay ahayd, ayay tiri Ubax.

"Waxaan leeyahay walaalayaal qof kasta oo xurguf dhexmartay ama qof kasta oo wax ak tabanayay waxaan ka codsanayaaa inay iska so cafiyaan walaashood maanta way ka hooseysaa" ayay tiri Ubax.