Qowmiyadda aan Soomaalida ahayn ee ka walaacsan hawl-gallada Minnesota ee ICE

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ololaha adag ee maamulka Trump uu ku qaaday muhaajiriinta aan haysan dukumentiyada sharciyeysan ee Maraykanka ayaa sababay walaac weyn, gaar ahaan gobolka Minnesota, oo ah gobol ay ku badan yihiin bulshooyinka Soomaalida iyo Oromada.
Saraakiil badan oo ka tirsan booliiska hay'adda socdaalka ayaa sidoo kale la keenay Minnesota. Taas awgeed, dad badan ayaan ka bixin guryahooda maalmihii lasoo dhaafay.
Dadku waxa ay joojiyeen dhammaan dhaq-dhaqaaqyadii iyo in aadaan goobaha waxbarashada, caafimaadka iyo shaqooyinka. Sida lasoo sheegayo xitaa waxay bilaabeen inay xiraan dukaamadooda iyagoo ka baqaya in waddooyinka kulmaan ciidamada socdaalka iyo xuduudaha Maraykanka sida ay BBC-da u sheegeyn dad degan halkaas.
Marka laga yimaado Soomalida oo ahayd bulshada koowaad ee madaxweynaha Trump sheegay in la beegsanayo, waxaa jira dad kale oo ku waxyeelloobay hawl-galladaas iyo bulshooyin kale oo ka baqaya musaafurinta sida Oromada oo kamid qowmiyadaha uga badan ee gobolka Minnesota.
Macallin deggan Minnesota oo lagu magacaabo Tafari Xaafaa ayaa BBC-da u sheegay walaaciisa ku aaddan xaaladda muhaajiriinta, kaddib markii la kordhiyay ciidamada fulinta sharciga socdaalka.
Professor Tafari waxa uu tilmaamy in waxa ka socda Minnesota ay yihiin xaalado aad u walaac badan.
"Waxa dhacaya waa mid aad u cabsi badan. [Ciidamada socdaalka] waxay xirayaan dadka. Waxa ka socda Minnesota waa arrin aad u argagax leh; waligay hore uma arag wax sidan oo kale ah," ayuu yiri.
Dadka deggan Minnesota waxay sheegeen in ciidamada amniga socdaalka ay beegsanayaan muhaajiriinta aan haysan waraaqaha, mararka qaarkoodna xitaa muwaadiniin sharci ah haysto la xirayo
"Waxay yiraahdeen waxa ay xirayaan dadka aan haysan dukumentiyada ee ka soo galay Mexico," ayuu yiri. Macalin Tafari.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Markii la qab-qabtay dadka sharciga leh, dadkii kale waxa ay bilaabeen in ay banaanbaxaan, taasina ma noqon mid xalaadda hagaajisa ee waxa ay noqotay mid sii kordhisa dadka la xiray, Ciidamadu waxa ay la kulmeen iska caabin, iyaguna meelaha qaar waxa ay adeegsaneen raasaas sababtay Dhimasho iyo dhaawac.
"dadku way ka horyimaadaan ciiidamada, inkasta oo deriskeenna dhib soo gaarin, waan wada noolnahay; waxay leeyihiin waa inaan la xirin ilaa uu qofka dambi galo. banaanbaxyo badan ayaa jira," ayuu yiri, waxa uuna intaas ku daray in la xiray dad sharci ku joogay dalka oo iskugu jiray muwaadiniin iyo qaxooti.
"Minnesota waxay ku jirtaa xaalad naxdin leh, wax aan hore loo arag ayaa ka socda," ayay BBC-da u sheegtay Fayyine Haji Hussein Waqo, ku-xigeenka madaxa bulshada Oromo ee Minnesota.
Fayyine, oo tan iyo yaraanteedii ku noolayd Minnesota sannado badan, waxay sheegtay inaysan waligeed arag dhibaatada ay maanta wajahaan muhaajiriintu.
Markii uu xafiiska la wareegay muddo xileedkiisii labaad, Trump waxa uu ku dhawaaqay inuu si adag ula dagaallami doono muhaajiriinta sharciga lahayn iyo dadka looga shakiyo dambiyada.
Markii uu ku guuleystay doorashada madaxweynaha kuna soo laabtay Aqalka Cad 20-kii Janaayo 2025, mid ka mid ah awaamiirta madaxweyne ee uu saxiixay waxay ahayd in la masaafuriyo "muhaajiriinta sharci-darrada ah."
Markii uu soo baxay amarkaas waxii ka dambeeyey waxaa la beegsanayey dadka aan waraaqaha sharciga haysan, xaaladda uu doono haku yimaado e, inkasta oo markii hore ay muuqatay dadka kasoo galay dalka dhanka xadka Maraykanka la leeyahay Mexico.
Balse Maalmo yar uun kadib amarkaas, Trump waxa uu bilaabay inuu toos digniin ugu diro bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota.
Janaayo 13-kii 2026, ayey ahayd markii uu Trump dhawaaqay in la joojin doono in Soomaalid la siiyo sharciga ilaaliya xuquuqda qaxootiga, isla markaana bulshada Soomaaliyeed ee dalka ku jira barnaamijkaas ay Maraykanka laga safin doono 17-ka Febraayo 2026, sida ay werisay warbaahinta Maraykanka ee Fox News.
"Hadda waxa ay kusoo daad gureenayaan ciidamo badan oo ka socda hay'adda Socdaalka si ay u raadiyaan muhaajiriinta aan dukumentiyada haysan. Taas micnaheedu waa inay joojinayaan qof kasta oo wadada mara," ayay tiri, iyadoo sheegtay in tani ay cabsi gelisay xitaa muhaajiriinta sharciyeysan iyo muwaadiniinta Maraykanka ee Minnesota degan.
Dukaankeygu waa xiran yahay, cabsi darteedna banaanka uma bixi karo
Tafari Xaafaa, shan sano ku noolaa Minnesota, waxa uu sheegaya in ganacsiyo waaweyn ay xirmayaan iyagoo ka baqaya in ciidamada roondada sameenaya ay xiraan.
"Ma bixi kartid si aad wax u iibsato ama aad u iibiso. Tusaale ahaan, Target waa shirkad aad u weyn oo Maraykanka ku taalla, waxay xirtay labo ama saddex xarumood. Amazon-na hal xarun ayay xirtay, sababtoo ah shaqaalaha marka ay shaqada soo xaadiraan ma shaqayn karaan.
"Aniguna waxaan lahaa dukaan, waxa uu ku dhegan yahay xarunta Target, waana xiray, sababtoo ah Target ayey yimaadeen ciidanka dad ayey ka xireen," ayuu yiri macallinku, isagoo intaa ku daray in dukaankiisu uu xiran yahay toddobaadyo.
Marka laga yimaado dukaanka Tafari Xaafaa, waxa uu wax ka dhiga Jaamacadda Northwest ee Minnesota, waxa uu sheegay in ardaydiisii aysan imanayn fasallada cabsi darteed.
"Ardaydayda ka timid waddamada Mexico iyo Latino ah ayaa dhigta jaamacadda, sidoo kale waxaan wax u dhigaa arday Soomaali ah iyaguna waxa ay joogaan guryaha. Arday badan ayaa cabsi darteed ka maqnaaday jaamacadda. Iskuullada Minneapolis waa la xiray, St. Paul-na meelo badan ayaa la xiray," ayuu yiri.
Qareennadu waxay kula talinayaan dadka inay mar walba haystaan dukumentiyadooda sharciga ah, ayna ka fogaadaan dambi kasta oo keeni kara dacwad, inta lagu jiro qalalaasahan.
Sidoo kale, khubaradu waxa ay ku talinayaan haddii qofka si lama filaan ah loo qabto, wareysina lala yeesho in ay habboon tahay inaan lala murmin ciidamada socdaalka, amarradooda loo hagaansamo, qofka uu wacdo lambarrada qareenkiisa.













