Sidee ayay Soomaalida u saameyneysaa sharciga TPS ee uu Trump joojiyay?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maamulka Trump ayaa joojinaya Xaaladda Ilaalinta Ku-meel-gaadhka ah ee loo yaqaanno (TPS) ee la siin jiray dadka kasoo keynaanay deegaannada Soomaalida, taas oo fududaynaysa in kumannaan qof laga matatariyo dalka Mareykanka.
"Xaaladda dalka Soomaaliya ayaa soo hagaagtay [gaadhayna] heer aysan nidaamku u arkin inay weli buuxinayso shuruudaha," ayay tidhi Xoghayaha Amniga Gudaha Kristi Noem.
TPS waxay ka hortagtaa saraakiisha Mareykanka inay masaafuriyaan muhaajiriinta loo arko in dalalkoodu khatar yihiin. Laga bilaabo 17-ka Maarso, ku dhawaad 2,500 Soomaali ah ayaa lumin doona oggolaanshahooda shaqo iyo xaaladdooda sharci, taas oo ka dhigaysa kuwo la matatarin karo.
Madaxweyne Donald Trump ayaa si cad u sheegay inuusan rabin soo galootiga Soomaaliyeed ee Mareykanka, wuxuuna Minneapolis ka bilaabay olole ballaadhan oo lagu qabqabanayo laguna masaafurayo dadka sharci-darrada ku jooga dalka.
"Ku-meel-gaadh macnaheedu waa ku-meel-gaadh," ayay Noem ku tidhi bayaan ay BBC u dirtay. "Sidoo kale, oggolaanshaha muwaadiniinta Soomaaliyeed inay si ku-meel-gaadh ah u sii joogaan Mareykanka waa ka soo horjeedda danaha qarankeena. Waxaan hormarinaynaa dadka Mareykanka ah." Golaha Congress-ka ayaa TPS ku aasaasay 1990 si loo siiyo magan-gelyo dadka ka yimid dalal ay ka jireen dagaallo ama masiibooyin dabiici ah. Muhaajiriinta leh oggolaanshaha TPS badanaa waxaa loo oggolaadaa inay si sharci ah ugu noolaadaan uguna shaqeeyaan Mareykanka.
Waaxda Amniga Gudaha (DHS) ayaa BBC u sheegtay in ay jiraan 2,471 Soomaali ah oo haysta TPS, iyo 1,383 qof oo codsiyadoodu wali sugayaan.
DHS ayaa ku jawaabtay qoraal internet-ka lagu faafiyay oo ku saabsan joojinta xaaladda ilaalinta, iyagoo soo dhigay sawir Trump ah oo wata qoraalka: "Aniga ayaa hadda taliyaha ah."
Noem bishii hore waxay ku dhawaaqday in Minnesota la geeyay saraakiil badan oo socdaalka ah, halkaas oo ay ku nool yihiin bulsho Soomaaliyeed oo badan isla markaana baadhitaan federaal ah oo musuq-maasuq ah uu dhibaato ku keenay xarumaha daryeelka carruurta ee gobolka, taas oo maamulka ku xidhay muhaajiriinta Soomaaliyeed.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Jonathan Ross, oo ah sarkaal fulinta socdaalka, ayaa todobaadkii hore toogasho ku dilay muwaadin Mareykan ah oo lagu magacaabo Renee Good iyadoo ku jirta gaarigeeda intii lagu jiray hawlgalka Minneapolis, taas oo kicisay mudaharaadyo waaweyn gudaha iyo dalka oo dhan. Maamulka Trump ayaa sheegay in sarkaalka uu is-difaacay, balse mas'uuliyiinta deegaanka ayaa ku adkaystay in haweeneydu aysan khatar ku ahayn.
Trump ayaa bilo badan sheegay inuu doonayo muhaajiriinta Soomaaliyeed inay dalka ka baxaan, isagoo leh waa inay "ku noqdaan meeshii ay ka yimaadeen" Trump wuxuu kaloo sheegay in Mareykanku "jid khaldan mari doono haddii aan sii wadno inaan qashinka [dalka] soo gelinno."
Ka hor intaan la shaacin Talaadadii, Trump ayaa internet-ka ku qoray: "HA CABSANINA, DADKA WEYN EE MINNESOTA, MAALINTA XISAABTA & AARGUDASHADA WAY SOO SOCOTAA!"
TPS ka Soomaaliya markii ugu horreysay waxaa la sameeyay 1991 waxaana sameeyay madaxweynihii Jamhuuriga George H W Bush, kadib markii dagaal sokeeye ka qarxay dalka, waxaana dib loo cusboonaysiinaayay tan iyo markaas madaxweynayaal Jamhuuri iyo Dimuqraadi ahba.
Maamulka Biden ayaa dib u cusboonaysiiyay TPS ee Soomaaliya muddo 18 bilood ah oo sharcigu oggol yahay, taas oo ku eg Maarso.
Sanadkii la soo dhaafay, maamulka Trump ayaa ku dhaqaaqay inuu joojiyo TPS ee muhaajiriinta ka yimid dalal hore loogu arkay khatar, oo ay ku jiraan Venezuela, Haiti, Afghanistan, iyo Nepal.
Isku dayadaas ayaa maxkamadaha lagu murmay, waxaana bishii Sebtembar garsoore federaal ah ku xukumay in joojinta TPS ee dadka reer Haiti iyo Venezuela ay ahayd sharci-darro.
Maxay Soomaalida uga dhigan tahay?

Xigashada Sawirka, SOCIAL
Amiin Haaruun oo ah garyaqaan arrimahanna si dhow ula socday ayaa sheegay inuu sharcigan yahay mid ku meel gaar ah oo la siin jiray muwaadiniinta Soomaaliyeed ee sharciga rasmiga ah ee Mareykanka waayay oo 18kii biloodba mar la cusbooneysiiyo.
Wuxuu xusay inay dad kooban oo Soomaali ah uun heystaan sharcigan, kaasoo ilaa 1991-dii ahaa sharci Soomaalida u furnaa.
Dadka sharcigan heysta ayuu sheegay inay caqabad lasoo gudboonaatay maaddaama ay dalka ku joogaan kuna shaqeystaan oo guud ahaan nolosha dalkaasna u fududeynayay.
"Markuu dhaco waxay noqonayaan dad aan sharci heysan oo halis ugu jira in musaafurin lagu sameeyo ama ay shaqeysan kari waayaan," ayuu yiri.
"Sanadkan maba kusii jiro oo dowladda olole xooggan ayay ka wadaan qabqabashada iyo musaafurinta."
Wuxuu sheegay inay jiraan dad sugayay kiiskooda oo sharciga dalbaday, kuwaasna ay hore usii wadan doonaan dacwaddooda balse kuwii hore sharciga u waayay ay halis ku jiraan.
Wuxuu xusay in waxa ugu muhiimsan ay tahay in dadka ay diyaargarow galaan oo ay qareennadooda la xiriiraan si ay xaaladdooda ugu kala caddaato amaba xogta saxda ah uu helo.
"Laakiin qofkii aysan fursad kale usoo baxeyn waa inuu is diyaariyo, qoyskiisa iyo qarabadiisana uu diyaariyo, haddii ay timaaddo in la qabto oo la celiyo haddii uu hanti lahaa waa inuu u diyaaryo ciddii mas'uul uga noqon lahay." Ayuu intaa raaciyay.













