Muxuu Trump u beegsanayaa Soomaalida iyo Soomaaliya?

Trump

Xigashada Sawirka, Getty Images

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo weli sii wada beegsiga muhaajiriinta Soomaalida ee ku nool Maraykanka, gaar ahaan Minnesota ayaa toddobaadkan waxa uu dhowr jeer soo hadal qaaday Soomaalida, iyada oo uu si gaar ah uu ugu tilmaamay bulshada Soomaaliyeed kuwo aan "waxba soo kordhin… isaguna aanu doonayn inay dalkooda ay sii joogaan.

Isaga oo ka hadlayay kulan golaha wasiirrada ah, madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray in Mareykanku "aadi doono jiha khaldan haddii aan sii wadno inaan dalkeenna ku qaabilno ''khashin.".

Toddobaadyadii aynu soo dhaafnay waxa uu Trump u beegsaday Soomaalida si gaar ah, isaga oo sheegay inay ''sababeen dhibaatooyin badan.

Bishii aynu soo dhaafnay Trump waxa uu sheegay inuu joojinayo barnaamijka difaaca kumeel gaarka ah siinaya Soomaalida soo galootiga ku ah Minnesota (TPS) oo ah difaac sharci ah oo kahor tagaya in la tarxiilo.

Roodo Cabdullaahi Colaad oo ah cilmi-baare iyo u dhaqdhaqaaqe caafimaadka dhimirka ayaa BBC-da oo wax ka weydiisay waxa uu Trump ku maagay Soomaalida waxay tiri ''idaacadaha iyo dad badan oo Maraykan ah, waxa ay ugu ka falceliyeen iyaga oo dadka u bayaaminaya in arrintan ay ahayd abuurida mashquulin xaalado badan oo dalka ka jira, waana waxyaabo badan oo dadka siyaasiyiinta ah ay sameeyaan xaalad jirta si xaalad kale loogu daboolo buur isku qarin la sameeyo, marka saamaynta ugu weyn halkaasi ayay ka imaanaysay''.

Ciidamo Maraykan

Qareen Amiin Haaruun oo fadhigiisu yahay Minnesota ayaa isna BBC u sheegay in xaalad kacsanaan iyo walaac ah ay ka jirtay Minneapolis, ka dib weerarkii afka ahaa ee Madaxweyne Trump u uku qaaday Soomaalida.

''Minneapolis maalmihii la soo dhaafay waxaa ka jirtay xaalad kacsanaan, walaac iyo fowda ah ayaa ka jirtay meelah qaar oo soo food-saartay dadka soo galootiga ah ee Soomaalidu kamid tahay, waxa aad loo hadal hayaa warkii ka soo yeeray madaxweynaha dalka Maraykanka.

Waxaa lagu arkayaa waddooyinka ciidamada ICE, oo baabuur shacab wata oo aan dharkii ciidanka lagu yaqaanay wadanin, wajigu u xiran yihiin oo wareegaya oo dadka ugu tagaya guryaha, suuqyada, wadada dhexdeeda dadka ku qabsanaya oo ka leexsanaya, arrintaasina ay abuurtay hadal hayn badan, walaac iyo in meelihii ay isugu imaan jiraan ka joogaan oo ka kala cararaan,'' ayuu yiri Amiin Haruun.

Sidee Soomaalida Maraykanku uga falceliyeen hadallada Trump?

Soomaalida ku nool Maraykanka, gaar ahaan Minneapolis ayay midaysay hadaladii ka soo yeeray Trump sida uu sheegay qareen Amiin.

''Runtii dadka Soomaaliyeed si weyn beey uga falceliyeen arrintan si midaysan oo isku mid ah oo xataa waxaa jira Soomaali marka horaba taageeri jirtay xisbiga Jamhuuriga oo wakhtigiisii hadda u dambaysay u codeysay oo ay dhammaantood ka dhigto kuwo kasoo wada horjeeda nacaybka iyo hayb sooca lagu sameeyay Soomaalida, ummadda nala deggan gaar ahaan madaxda Minnesota waa ka hor yimaadeen, waxaa wakhtigooda ku taburacaya qareenada socdaalka si dadka soo galootiga ee qaarkood la qabanayo u caawiyaan iyo kuwa guryaha kasoo bixi la' ee walwalku haysto''

''Waxaa dhankooda iyagana falcelin aan wanaagsanayn ka wada dadkii uu Madaxweynuhu u baaqayay oo iyagoo aan Minnesota xataa deggenayn ay aad u hadal hayaan oo ay buun buuninayaan warkii madaxweynaha sheegay ee xumaa'' ayuu yiri qareen Amiin.

Hadallada Trump ayaa saamayn maskaxiyan ah ku yeelanaya dhalinyarada Maraykanka ku dhashay sida ay qabto cilmi-baare Roodo Cabdullaahi.

"Arrinta kale ee jirta waxa ay tahay oo in aan ka fikirno u baahan, waxaa dhici karta dad waaweyn oo iyaga oo waaweyn Maraykan galay in aysan saamayn aad u adag ku samayn marka laga reebo amniga guud inay u walwalaan, waxaase daraasayn u baahan saamaynta ay ku yeelan karto ciyaalkii Maraykan ku dhashay ee hoygooda, dhaqankooda iyo qaabkii ay u fakarayeen Maraykanimo ay 0ka ahayd, sababta oo ah dadka waaweyn weli dalkii ayay ku xiran yihiin, laakiin cuniggii halkaas ku dhashay ee ku barbaaray maskaxiyan wuxuu aaminsan yahay inuu yahay cunug Maraykanka ah.'' Ayay tiri.