Dhalinyaro lagu kari la'yahay inay lacagahooda ka noolaadaan, maxay tahay sababta?

Xigashada Sawirka, Benjamin Begley
Shiinuhu waxa uu wajahaya caqabado dhaqaale, dowladda ayaana dooneysa in jiilka cusub ee macaamiisha ama wax iibsanaya uu bilaabo inuu lacag badan ku bixiyo alaabada guud, laakiin way ku guul darreysatay inay ku qanciso inay sidaas sameeyaan.
Mas'uuliyiintu waxay sheegayaan in isticmaalka ama lacagaha lagu qarash gareeyo iibka gudaha ee aan ku filnayn uu caqabad ku yahay kororka dhaqaalaha, laakiin ardayda ka soo qalin-jabinaysa Jaamacdaha ayaa leh sabab badan oo ay uga feejignaadaan inay lacago badan qrash gareeyaan.
Shaqo la'aanta dhalinyarada ayaa ah in muddo ah ku dhow 20 boqolkiiba, kuwa shaqeeya ayaa ka cabsi qaba in shaqadooda laga eryo, waxaana dhibaatada sii jirta ee suuqa guryaha ay ka dhigi kartaa in qofku milkiyo guri mid aan la gaari karin oo adag, gaar ahaan magaalooyinka waaweyn.
Hubanti darradan ayaa keentay in dhalinyarada Shiinaha badankoodu qaataan nolol wax keydso ah, waxaana baraha bulshada lagu buuxiyey talooyin ku saabsan sida dadka ay nolol ugu maareyn karaan kharash yar.
"Shaqadaydu waxay u sameysan tahay inana u noolado qaab nololeed jaban," mid ka mid ah dadka saameynta ku leh baraha bulshada ayaa sidaa u sheegay BBC.
Haweeney 24-sano jir ah, oo dadka wax ku soo gudbiya baraha bulshada ayaa soo dhigtay muuqaal iyada Saabuun ahan u isticmaalaysa waxyaabo qadiimi ah badalkii ay isticmaali lahayd waxyaabaha jirka lagu qurxiyo ee qaaliga ah.
Waxa kale oo la arkayaa iyada oo dhex socota xarumaha laga dukaameysto, iyada oo soo bandhigaysa boorsooyin iyo dhar ay sheegtay in ay aad u jaban yihiin islamarkana uu qofka waqti dheer haysan karo.
Shirkaduhu waxay bixiyaan lacag si ay ugu xayeysiiyaan alaabtooda ayna ugu helaan suuq.
Kuwo kale waxay diiradda saaraan inay wax ku cunaan miisaaniyad aad u yar oo aysan lacago badan isticmaalin.
Nin 29 jir ah oo lagu naaneeso "Dancing Green in Beijing" ayaa soo dhigaya muuqaallo isaga oo diyaarinaya cunto fudud. Waxa uu sheegay in uu laba cunto ku cuni karo wax ka badan hal dollar.
"Waxaan ahay qof caadi ah oo tuulada ka yimid," ayuu u sheegay asxaabtiisa. "Ma lihi taariikh waxbarasho oo wanaagsan ama shabakad is-yaqaanno oo saameyn leh, marka waa inaan si adag u shaqeeyo si aan u helo nolol wanaagsan."
Waxa uu u shaqeeyaa shirkad wax ku iibisa qaab online ah waxa uuna ku andacoonayaa in qaab nololeedkiisa aadka u fudud ay u ogolaatay in uu keydsado $180,000 lix sano gudahood.
Qaar ka mid ah dadka isticmaala baraha bulshada ayaa waydiiyey haddii uu filayo in xaaskiisa mustaqbalka iyo carruurtiisa ay lahaan doonaan qaab nololeed isku mid ah iyo waxa uu hadafkiisu yahay.Wuxuu ugu jawaabay " ma garanayo."

Xigashada Sawirka, .
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Shiinuhu waxa uu sumcad ku helay dhaqaale aan la joojin karin kaasi oo muddoooyiinkii u dambeyay soo maray xasaradaha ka dhashay dagaalka ganacsiga ee madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.
Laakiin falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in waddanku uu wajahayo caqabado halis ah oo mustaqbalka fog ah haddii uu ku guuldareysto inuu kor u qaado isticmaalka iyo wax iibsiga gudaha.
Halka deynta kaararka ay dhibaato ku tahay Mareykanka, Shiinaha waa caksi. Dadku waxay si dabiici ah u jecel yihiin inay wax kaydsadaan, oo aanay wax kharash ah bixin, balse waxa ay xaaladda ka sii daraysa marka xaalado dhaqaale oo adag la ay soo fool-leedahay.
Dowladda Shiinaha ayaa sanado badan ballan qaadaysay in ay kordhineyso isticmaalka qarashaadka qoyska, balse wali waxa ay ka dhigan tahay kaliya 39 boqolkiiba kobaca dhaqaalaha ee GDP, marka la barbardhigo 60 boqolkiiba inta badan wadamada horumaray.
Dhibka jira waxaa qayb ka ah in dhallinyaradu maanta ka rajo xun yihiin sidii ay ahaan jireen sagaashamaadkii iyo horraantii 2000-aadkii.
"Hadda, samaynta lacag ayaa aad muhiim iigu ah, runtii waxaan u baahanahay in aan ballaariyo ilaha dakhligeyga oo aan dhimo kharashaadka," haweeney da'yar oo ku nool bartamaha Beijing ayaa sidaa u sheegtay BBC.
Wuxuu intaas ku dartay in sida dhallinyaro badan oo kale mushaarkeeda la dhimay.
"Shaqo waan bedelay, shaqada cusubna waa ay ka yar tahay," ayuu tiri. "Sidoo kale, ma garanayo ilaa inta ay shaqadani i taageeri doonto, jawi dhaqaale xumo ayaa dadka ka dhigta niyad-jab sababtoo ah ma haysanno dakhli badan. Ma fududa in marka hore shaqo la helo."
Marka laga soo tago kororka dareenka sugnaan la'aanta shaqooyiinka, heerkan shaqo la'aanta dhalinyarada ayaa u oggolaanaysa loo-shaqeeyayaasha in yar in ay dhimaan mushaharka si fudud, maadaama shaqaaluhu ay wajahayaan kala doorashada inay qaataan mushahar hoose ama ay galaan suuqa halkaas oo tartan adagi ka jiro.
Nin kale oo dhalinyaro ah oo labaatan jir ah ayaa sheegay in shaqooyinka heerka hooseeya ah, laakiin ay adag tahay in la helo shaqo ku habboon khibradda qofka.
"Qaar ka mid ah asxaabtayda waa shaqo la'aan, weli waxay ku nool yihiin guriga waalidkood oo waxaay raadinayaan shaqo," ayuu yiri.
"Waxay ku barteen maaddooyin kala duwan iyo kulliyadda kala gadisan, laga soo bilaabo adeegyada maaliyadeed ilaa iibka alaabta," ayuu yiri. "Dhaqaalaha hadda wuu yara xun yahay, waxaan rajeynayaa inuu fiicnaan doono si aan dhammaanteen u helno nolol wanaagsan."
Mid ka mid ah walaaca ugu weyn ee ardayda cusub ee Shiinaha ka qalin jabisay ayaa ah in waddanku uu sameynayo isbeddel adag oo ka imanaya dhaqaalaha wax soo saarka badan ee badeecadaha jaban una guuro dhaqaalaha ku shaqeeya tignoolajiyada, iyo warshado badan oo cusub ayaa u baahan shaqaale yar.

George Magnus, oo ah dhaqaaleyahan, isla markaana ka tirsan Xarunta Shiinaha ee Jaamacadda Oxford, ayaa isha ku hayay arrintan.
Waxa uu tilmaamayaa tirokoobyo laga soo saaray laba hay'adood oo shaqo oo waaweyn oo ku yaalla magaalada Beijing, kuwaas oo muujinaya in tiro badan oo ka mid ah ardayda jaamacaddaha ka soo baxay, xataa kuwa haysta shahaadada master-ka, ay u shaqeeyaan sidii mootoolayasha oo kale.
"Tani waxay tilmaan u tahay is-waafajinta xirfadaha," ayuu yiri. "Waxaa jira farqi u dhexeeya shahaadooyinka ay dadku kaga baxaan jaamacadda iyo waxa uu suuqa shaqada u baahan yahay."
Qaar ka mid ah goobjoogayaasha ayaa ka shakisan sida ay uga go'an tahay xisbiga shuuciga ee arrinta ku saabsan kor u qaadista isticmaalka iyo wax iibsiga gudaha.
Haddii lammaanaha da'da yar ay rabaan inay wax iibsadaan, tusaale ahaan, alaab guri oo cusub, waxaa laga yaabaa inay fiicnaan lahayd inay sugaan ilaa ay ka helayaan qiimo ka jaban oo qiimuhu waa qaali.
Mar kasta oo ayaga iyo dad badan oo kale ay dib u dhigaan wax-soo-iibsasho weyn, waxay u badan tahay in shirkadaha lagu qasbi doono inay qiimeeyaan, taas oo dadka ka dhigi doonta inay sugaan waqti dheer si ay u helaan qiimo dhimis weyn.













