Shiinaha oo noqonaya dalka labaad ee calankiisa ka taaga Dayaxa

Xigashada Sawirka, CNSA/CLEP
Shiinaha ayaa calankiisa ka taagay Dayaxa, in ka badan 50 sano kaddib markii uu Mareykanku calankiisa xiddigaha iyo diillimaha leh ka taagay halkaas.
Sawirro ay qaadday waaxda Maamulka Hawada ee Shiinaha ayaa muujinaya calanka guduudan ee shanta xiddigood ay ku xar dhan tahay oo ka lusha sagxadda Dayaxa.
Labo howlgal oo hore oo Shiinuhu ku tegay dayaxa ayaysan suurtogelin in calanka laga taago Dayaxa.
Mareykanka ayaa calankii ugu horreeyay ka taagay Dayaxa intii uu socday howlgalkii Apollo 11 sanadkii 1969. Shan kale oo calanka Mareykanka ah ayaa laga taagay Dayaxa ilaa sanadkii 1972.
Sanadkii 2012 Nasa ayaa soo bandhigtay sawirro muujinaya in shan ka mid ah calamada ay weli taagan yihiin, balse khubarrada ayaa sheegay in laga yaabo in kalarka calankaasi uu isku beddelay caddaan, sababo la xiriira kulka cadceedda.
Calankii ugu horreeyay ayuu cirbiyeenka Buzz Aldrin sheegay in la suray meel aad ugu dhow qalabkii la dhigay sagxadda Dayaxa, isla markaana wuxuu sheegay in laga yaabo inuu baaba`ay kaddib markii uu qalabkaasi qarxay.
Muxuu Shiinuhu ka yiri howlgalkiisa?
Wargeyska Global Times ee ay dowladdu maamusho ayaa shaaciyay in calanka Shiinaha uu xusuusin u yahay "farxaddii iyo dhiirrigelintii" la dareemay intii uu socday howlgalkii Mareykanka ee Apollo.

Xigashada Sawirka, CNSA/CLEP
Calanka Shiinaha ayaa dhererkiisu yahay 2m ballac ahaan iyo 90cm dherer ahaan culeyskiisuna waa hal kiilo. Dhamaman qeybaha calanka waxaa lagu dahaaray wax ka difaacaya cimilada qabow, sida madaxa mashruuca Li Yunfeng uu u sheegay Global Times.
"Calanka qaranka ee caadiga ah ee dhulka suran kuma badbaadayo deegaanka Dayaxa," Cheng Chang oo dhanka horumarinta u qaabilsan mashruuca ayaa sidaas sheegay.

Xigashada Sawirka, NASA

Xigashada Sawirka, Reuters
Calanka qaranka Shiinaha ayaa lagu arkay Dayaxa intii lagu guda jiray howlgalkiisii ugu horreeyay ee lagu aadayay Dayaxa. Calanka ayaa laga taagay dhinaca madow ee dayaxa sanadkii 2019.
Howlgalka Dayaxa lagu tagayo ee Shiinaha ee Chang'e-5 waa kii shanaad ee guuleystay muddo toddoba sano gudahood.










