Hal doolar kaliya Dayaxa ma u aadi lahayd?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Hay'adda hawada sare u qaabilsan Maretykanka ee Nasa ayaa hal doolar oo kaliya ku siineyso shirkad kale in dhagxaan ay ka soo uruuriso Dayaxa, si cilmi-baaris loogu sameeyo.
Shirkadda Lunar Outpost oo xarunteedu tahay Colorado ayaa ku guuleysatay qandaraas ah in dhagxaan iyo dhoobo ay ka soo uruuriso Dayaxa si loo daraaseeyo.
Shirkaddan ayaa ka mid ah saddex shirkadood oo ku guuleystay qandaraas ay bixisay hay'adda Nasa, waxaana ujeedadu tahay sidii Dayaxa walxo looga soo uruurin lahaa isla markaana loo daraaseyn lahaa.
Labada shirkadood ee kale ayaa kala ah Masten Space Systems oo Mareykanka deggan iyo ispace oo saldhiggeedu yahay Tokyo, Japan.
Nasa ayaa dooneysa in mid kastaa oo ka mid ah shirkadahani ay walxahaasi ka soo uruuriso Dayaxa, waxaana shirkaddiiba laga rabaa inta u dhaxeysa 50g ilaa 500g oo dhagxaan ah.
"Shirkadahani ayaa dayaxa ka soo uruurin doono walxahaasi iyo xog dheeri ah oo daraasadda loo isticmaali doono," ayuu yiri afhayeen u hadlay hay'adda Nasa.
"Qorshuhu waxa uu yahay in sahankaasi la guda galo sanadka 2023 balse waxaanu la shaqeynaynaa dhawr shirkadood si xilligaa ka hor arrintaasi loo guda galo," ayuu yiri Justin Cyrus oo ah madaxa shirkadda Lunar Outpost oo BBC-da la hadlay.
Lunar Outpost ayuu qorshaha yahay in dhagxaanta ay ka soo uruuriso cirifka koonfureed ee Dayaxa.
Inkastoo kharashkaasi uusan ahayn wax weyn oo shirkadahani ay u hawlgalaan, haddana ujeeddadu ayaa waxa ay tahay in ay qeyb ka noqdaan mashrucaasi faa'iidada u leh khubarada cilmi-sayniska.
Lunar Outpost ayaa hadda wadahadal kula jirta shirkaddo ay ka mid tahay Blue Origin oo haatan ka shaqeynaya in safar ay ku tagaan Dayaxa.
Shirkadda Blue Origin ayaa waxaa aasaasay milkiilaha shirkadda Amazon ee Jeff Bezos.
Shirkadda Japan laga leeyahay ee ispace ayaa iyadu la siin doonaa 5,000 oo doolar oo ah kharashka ay cirifka woqooyi-bari ee Dayaxa ay kaga soo uruurineyso dhagxaan.
Arrintan ayaa timid xilli Shiinaha uu haatan ku hawlan yahay in Dayaxa uu ka soo uruuriyo walxaha loo isticmaali doono daraasaddiisa dhanka Dayaxa.
Waxaana haatan dhulka ku soo wajahan dayax-gacmeed Shiinaha laga leeyahay oo waxyaabo kala geddisan ka soo uruuriyay dayaxa.











