Ayatollah Ali Khamenei: Awoodaha hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan

Xigashada Sawirka, Getty Images
Iiraan ayaa ka digtay inay aargudan doonto haddii uu Mareykanku weeraro, xilli dibad-baxayaashu ay iska caabiyeen xalay ugaarsashada dowladda, inkastoo dhakhaatiirta laba isbitaal ay u sheegeen BBC-da in in ka badan 100 meyd ah la keenay muddo labo maalmood gudahood ah.
Muuqaallo ay xaqiijisay BBC-da iyo xogta dad goob-joogayaal ah ayaa muujinaya in dowladda ay kordhisay jawaabta ay ka bixinayso dibad-baxyada ku faafay in ka badan 100 magaalo oo ku yaalla gobol kasta oo dalka Iiraan ah. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ugu hanjabay inuu Iiraan ku qaadi doono weerar culus, haddii ay "bilaabaan inay dadka dilaan."
Guddoomiyaha baarlamaanka Iiraan ayaa Sabtidii ka digay in haddii Mareykanku soo weeraro, Israa'iil iyo dhammaan saldhiggyada milatari iyo kuwa maraakiibta Mareykanka ee gobolka ay noqon doonaan bartilmaameedyo sharci ah. Dibad-baxyada ayaa ka dhashay sicir-barar sare u kacay, waxaanay dibad-baxayaashu hadda ku baaqayaan in la soo afjaro xukunka wadaaddada ee Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan Ayatollah Ali Khamenei.
Xeer-ilaaliyaha guud ee Iiraan ayaa sheegay in qof kasta oo dibad-bax sameeya loo aqoonsan doono "cadowga Ilaah" — taasoo ah dembi lagu ciqaabo dil — halka Khamenei uu dibad-baxayaasha ku tilmaamay "koox qaswadayaal ah" oo doonaya inay "ka farxiyaan" Trump. Trump ayaa Sabtidii sheegay in Mareykanku "u diyaarsan yahay inuu caawiyo shacabka Iiraan" maadaama Iiraan ay "raadineyso XORIYAD."

Xigashada Sawirka, MAHSA / Middle East Images / AFP via Getty Images
Iyadoo dibad-baxyadu ay sii xoogaysanayaan, tirada dhimashada iyo dhaawaca ayaa sii kordhaysa. Laba kooxood oo u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in ka badan 100 qof, oo ay ku jiraan ciidamo ammaan, la dilay. Shaqaalaha dhowr isbitaal ayaa u sheegay BBC Persian inay isbitaalka buux dhaafiyeen dhaawacyo iyo meydad, iyadoo BBC-du ay xaqiijisay 70 meyd ah oo la geeyay hal isbitaal oo ku yaalla magaalada Rasht habeenkii Jimcaha iyo shaqaale caafimaad oo soo weriyay ku dhowaad 38 qof oo ku dhintay isbitaal ku yaalla Tehran.
Taliyaha booliska Iiraan ayaa telefishinka dowladda ka sheegay in heerka iska horimaadka dibad-baxayaasha la kordhiyay, iyadoo habeenkii Sabtida la xiray dad uu ugu yeeray "shakhsiyaad muhiim ah." Wuxuu ku eedeeyay "boqolkiiba inta ugu badan ee dhimashada" inay geysteen "shakhsiyaad tababaran oo la soo agaasimay," balse ma uusan bixin faahfaahin dheeri ah. In ka badan 2,500 oo qof ayaa la xiray tan iyo markii dibad-baxyadu billaabmeen 28-kii Diseembar, sida ay sheegtay koox xuquuqda aadanaha u dooda.
BBC-da iyo inta badan hay'adaha kale ee wararka caalamiga ah ma awoodaan inay wararka ka soo tabiyaan gudaha Iiraan, iyadoo dowladda Iiraanna ay soo rogtay go'doomin dhanka internetka ah tan iyo Khamiistii, taasoo adkeynaysa helitaanka iyo xaqiijinta xogta. Si kastaba ha ahaatee, muuqaallo qaar ayaa soo baxay, BBC-duna waxay la hadashay dad goobjoogayaal ah.
Dhowr muuqaal oo ay xaqiijisay BBC Verify ayaa muujinaya iska horimaadyo dhexmaray dibad-baxayaasha iyo ciidamada ammaanka ee magaalada Mashhad, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn Iiraan. Dibad-baxayaal wejiyada duuban ayaa la arkayay iyagoo gambaad ka dhiganaya kuraasta qashinka iyo dab la shiday, halka saf ciidamo ammaan ah laga arkayo fogaan gaaban. Gaari u muuqda bas ayaa dabku qabsaday, waxaana la maqlayaa rasaas badan iyo dhawaaq u eg weelal lagu garaacayo biraha.
Magaalada Tehran, muuqaal la xaqiijiyay oo habeenkii Sabtida ahaa ayaa muujinaya dibad-baxayaal la wareegay waddooyinka degmada Gisha. Muuqaallo kale oo laga soo duubay caasimadda ayaa muujinaya koox badan oo dibad-baxayaal ah iyo dhawaaqa weelal lagu garaacayo fagaaraha Punak, iyo dad badan oo ku dhex socda waddo iyagoo dalbanaya in la soo afjaro nidaamka wadaaddada ee degmada Heravi.
Isticmaalka internetka ee Iiraan ayaa u badan gudaham iyadoo xiriirka caalamka dibadda uu xaddidan yahay. Balse inta lagu jiro kacdoonkan, mas'uuliyiinta ayaa markii ugu horreysay si aad ah u xaddiday xitaa internet-ka gudaha dalka. Khubaro la hadlay BBC-da ayaa sheegay in jaritaankan internet-ka uu ka daran yahay kii xilligii kacdoonkii "Haweenka, Nolosha, iyo Xoriyadda."
Maxay yihiin awoodaha hoggaamiyaha ugu sarreeya Iran?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Shakhsiga ugu awooda badan Iran waa Ayatollah Ali Khamenei, oo ah hoggaamiyaha ugu sareeya dalka tan iyo 1989-kii.
Waa madaxa qaranka iyo taliyaha guud. Waxa uu awood u leeyahay amarka booliiska qaranka iyo booliiska anshaxa, kuwaas oo askartoodu ay xireen Mahsa Amini.
Ayatollah Khamenei waxa kale oo uu gacanta ku hayaa Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC), oo qaabilsan amniga gudaha, iyo garabkeeda iskaa wax u qabso, Ciidanka iska caabinta Basij.
Sidoo kale, waa qofka ugu awoodda badan marka ay timaado amarada wax looga qabanayo mudaaharaadyada.
Waa kuwee booliiska anshaxa ee Iiraan?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Booliiska anshaxa waa qayb ka mid ah booliiska qaranka Iran.
Ciidankan ayaa la aas aasay sanadkii 2005-tii si ay u ilaaliyaan akhlaaqda iyo shuruucda Islaamka ee ku saabsan lebbiska saxda ah, oo la soo saaray kacaankii Islaamiga ee 1979 ka dib.
Qiyaastii 7,000 ayay ka kooban yihiin waxayna isugu jiraan rag iyo dumar waxayna awood u leeyihiin inay soo saaraan digniino, ganaax ku soo rogaan ama xiraan tuhmanayaasha.
Madaxweynihii geeriyooday ee dalkaas Ibrahim Raisi, oo ahaa nin mayal adag, ayaa soo bandhigay dhowr tillaabo oo cusub oo lagu dhaqangelinayo xeerarka xijaabka sanadkii 2022.
Kaamirooyinka ilaalada ayaa la rakibay si ay gacan uga geystaan in la ogaado haweenka aan xijaabnayn, waxaana xukun xabsi ah oo qasab ah xilligaas lagu soo rogay dadka ka soo horjeeda xeerarka xijaabka.
Waa ayo Ilaalada Kacaanka??

Xigashada Sawirka, Anadolu Agency
Ilaalada Kacaanka waa kooxda ugu weyn Iran ee ilaalinta amniga gudaha. Waxaa loo aas aasay kacaankii ka dib si loo difaaco nidaamka islaamka ee dalka.
Ciidamada Kacaanka hadda waa cudud ciidan oo buuxda waxaana oo ka dhaqeeya siyaasadda iyo dhaqaalaha waxaa ka tirsan in ka badan 150,000 oo askari.
Waxa ay leedahay ciidamo dhulka ah oo u gaar ah, ciidan badda iyo cirka ah, waxana ay ilaaliyaan hubka istiraatiijiga ah ee Iran.
Waxay leeyihiin cudud dibadda ah oo lagu magacaabo Quds Force oo si qarsoodi ah lacag, hub, tignoolajiyad iyo tababar siisa xulafada Bariga Dhexe oo dhan.
Waxay kaloo gacanta ku haysaa Ciidanka iska caabinta ee Basij.
Waa kuwee ciidamada Basij?
Xoogagga iska caabinta Basij, waxaa la aasaasay 1979-kii waana urur iskaa wax u qabso ah.
Waxay laamo ku leeyihiin gobol kasta iyo magaalo kasta oo Iran ah, iyo in badan oo ka mid ah xarumaha rasmiga ah ee dalka.
Xubnaheeda waxay ka kooban yihiin lab iyo dheddig", waxay daacad u yihiin kacaanka iyo amarrada Ciidamada Ilaalada Kacaanka.
Ilaa 100,000 oo ka tirsan ayaa la rumeysan yahay inay qabtaan waajibaadyada amniga gudaha.
Waxay si weyn ugu lug lahaayeen xakamaynta mudaaharaadyada dawladda lagaga soo horjeedo tan iyo doorashadii lagu murmay ee madaxtinimada ee 2009-kii.













