Iiraan: 'Wadashaqeynta Mareykanka suurtagal maaha inta uu taageereyo Israel'

Hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iiran Ayatollah Ali Khamenei ka hadlay mowqifka dalka Iiraan eek u aadan wadahadal ay la galaan dalka maraykanka

Xigashada Sawirka, Reuters

Hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan Ayatollah Ali Khamenei ayaa ka hadlay mowqifka dalka Iiraan ee ku aadan wadahadal ay la galaan dalka maraykanka.

Wadashaqeyn dhexmarta Iiran iyo Mareykanka ma suurtoobeyso ilaa inta Washington ay sii waddo taageerada ay siiso Israa'iil iyo in ay ka taageerto saldhigyada milatari iyo in ay soo farageliso arimaha gobolka Bariga Dhexe, ayuu yiri hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan Ayatollah Ali Khamenei Isniintii.

Hadalka Khamenei ayaa kusoo aadayo iyadoo maamulka madaxweyne Donald Trump uu doonayo inuu kordhiyo cadaadiska la saarayo dalka Iiraan.

"Maraykanku mararka qaar waxa ay yiraahdaan waxa aan jeclaan lahayn in aan iskaashi la yeelano Iiraan, wada shaqaynta Maraykanka iyo Iiraan suurtagal ma noqoneyso ilaa inta Maraykanku sii wado taageerada uu siinayo taliska habaaran ee Sahyuuniyadda, oo uu siinayo saldhigyo ciidan, isla markaasina uu faragelinta kusii wado gobolka" ayuu yiri Khamenei, sida ay sheegtay warbaahinta dawladdu.

Trump ayaa bishii Oktoobar sheegay in Maraykanku uu diyaar u yahay, oo uu furay albaab cusub si uu heshiis ula galo Iiraan marka ay Tehran diyaar u tahay in ay sidaasi oo kale samayso, isaga oo yiri: "Gacanta saaxiibtinimada iyo iskaashiga [Iiraan] way furan tahay."

Labada dal ayaa horey u yeeshay shan wareeg oo wadahadal ah oo ku saabsan arimaha Nukliyeerka, ka hor dagaalkii 12 maalmood socday ee Iiran iyo Israel ee dhacay bishii June, kaas oo Washington ay ku biirtay iyada oo duqeysay xarumaha muhiimka ah ee Nukliyeerka Iiran.

Wadahadallada labada dhinac ayaa caqabado waaweyn la kulmay sida arrinta ku saabsan tayeynta macdanta Uranium-ka ee Iiraan, taas oo ay quwadaha reer galbeedku doonayaan in ay hoos u dhigaan ilaa iyo heer eber ah si ay u yareeyaan khatar kasta oo hub ah in ay Iiraan yeelato, qorshahaas oo Tehran ay diiday.

Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan Cabbaas Aragchi ayaa si kulul u weeraray warka kasoo yeeray madaxweyne Trump ee ahaa in Mareykanka uu dib u billaabayo tijaabada nukliyeerka.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Aragchi waxa uu sheegay in Maraykanku uu ahaa mid sameeya " cagajugleyn hubka nukliyeerka " wuxuuna ku tilmaamay "xadgudub cad oo sharciga caalamiga ah".

"Caalamku waa in ay u midoobaan in ay Maraykanka kula xisaabtamaan sidii looga hortagi lahaa faafitaanka hubkaas foosha xun." ayuu yiri.

Iiraan iyo Maraykanka ayaa bishii June ee sanadkan waxa ay yeesheen wadahadalla ka dhacay Cumaan, oo ku saabsan barnaamijka nukliyeerka ee Tehran – kulan heerkiisu sarrreeyo kii ugu horreeyey ee labada dal yeeshaan tan iyo 2018kii hasa yeshee wax natiijo ah kama ay soo bixin kulankaas.

Madaxweyne Donald Trump ayaa Mareykanka ka saaray heshiiskii hore ee Nukliyeerka ee u dhaxeeyay Iiraan iyo quwadaha adduunka sanadkii 2018, wuxuuna muddo dheer sheegayey inuu sameyn doono heshiis "ka wanaagsan".

Trump ayaa bishii March warqad u diray hogaamiyaha sare ee Iiraan isaga oo maraya Imaaraatka Carabta, isagoo sheegay inuu doonayo heshiis si looga hortago in Iiraan ay hesho hubka nukliyeerka iyo si looga fogaado weeraro millatari oo suurtagal ah oo ay Maraykanku iyo Israa'iil ku qaadaan Iiraan.

Hasa yeeshee wadahadalladaas ayaa burburay kadib markii uu dhacay dagaalkii 12 maalmood ahaa ee u dhaxeeyay Israel iyo Iiraan kaas oo markii danbe uu Marykanku ku biiray ka dib markii ciidamada Mareykanka ay duqeeyeen seddexda goobood ee ugu waaweyn ee nukliyeerka Iiran.

Iiraan ayaa horey u sheegtay inay doonayso dammaanad ah in cunaqabataynta lagu soo rogay laga qaado, iyadoo sii wadaysa wada-hadallada Maraykanka ee ku saabsan barnaamijkeeda nukliyeerka.