Wariyaha BBC ee caqabadda kala kulantay e-VISA-ha muranka dhaliyay ee Soomaaliya

- Author, Fardawsa Hanshi
- Role, BBC Somali
Waxaan ka ambabaxay magaalada Nayroobi 19-kii Oktoobar ee sannadkan 2025, anigoo kusii jeeda magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho. Waxaan garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde gaaray 9:30 subaxnimo anigoo wata fiiso elektaroonik ah (e-Visa) oo aan rumaysnaa inay dal-ku-gal sax ah ii noqon karto.
Maadaama aan si rasmi ah uga dalbaday bogga dowladda federaalka ee socdaalka, waxaan bixiyay $64 doollar, kadibna waxaa iisoo dhacday farriin xaqiijinaysa in fiisadaydu ansax tahay.
Wax walba si habsami leh ayey iigu socdeen intaan garoonka Muqdisho ku jiray, mas'uuliyiinta socdaalka ayaa markay arkeen inaan e-VISA haysto, waxay passport-kayga iigu dhufteen shaabaddii ahayd dal-ku-galka.
Safarkaygu kuma uusan ekeyn Muqdisho, ujeeddadaydu waxay ahayd inaan u sii gudbo magaalada Boosaaso, oo ah magaalo ka tirsan maamul goboleedka Puntland, duulimaad halkaas ku jihaysnaa ayaan horey ka fuulay 10:30 subaxnimo isla maalinkiiba.
Waxaan filayay in si sahlan aan ku galayo Boosaaso, maadaama aan haysto dal-ku-gal loogu talagay inuu ka "shaqeeyo guud ahaan" Soomaaliya. Balse, markaan Boosaaso gaaray, safarkaygii waji kale ayuu si degdeg ah ku yeeshay.
Markaan baasaboorkayga u dhiibay saraakiisha socdaalka Puntland, waxay ii sheegeen in fiisaha elektaroonigga ah ee Muqdisho la iigu soo saaray uusan ka shaqayn Puntland.
Waxay igu wargeliyeen inaan bixiyo fiiso kale oo $60 doollar ah.
Waxaan u sharraxay in fiisadayda ay soo saartay dowladda federaalka Soomaaliya, oo uu maamulka Puntland qeyb ka yahay, balse saraakiishu waxay ku adkeysteen inaan lacagta dhiibo iyagoo sheegay in Puntland leedahay nidaam socdaal oo u gaar ah isla markaana uusan aqoonsanayn fiisaha dowladda federaalka.
Anigoo yaaban oo weli maskaxdaydu is weydiinayso: Sidee hal dal laba nidaam oo fiiso u yeelan karaa? ayaan bixiyay lacagtaas cusub.

Kaligey in aanan ku ahayn caqabaddan ayaan xaqiiqsaday, kadib markaan ogaaday in socdaalayaal kale oo wariyeyaal, iyo xubno ka tirsan qurbo-joogta Soomaaliyeed ay la kulmeen arrin tan la mid ah.
Qaarkood xitaa waxaa laga celiyay garoomada gudaha dalka, halka qaarna lagu qasbay inay bixiyaan lacag kale oo soo-galitaan ah, taasoo ka madax-banaan e-VISA.
Khilaafka ka taagan nidaamka e-VISA
Is-diidooyinkan e-VISA ayaa salka ku haya arrimo ay kamid yihiin khilaafka maamulka iyo awood qaybsiga dalka. Inkasta oo dowladda federaalka ay billowday nidaamka e-Visa bishii Sebteembar ee 2025, si ay u casriyeyso xakameynta xuduudaha una fududeyso safarka, haddana Puntland iyo Somaliland labaduba way ka biyo-diideen.
Mid kastaaba wuxuu sheegtay inuu leeyahay nidaam socdaal oo u gaar ah, iyagoo sheeganaya in ay u madax-bannaan yihiin soo gelitaanka iyo ka bixitaanka garoomadooda diyaaradeed.
Dhawaan ayay ahayd markii Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madax-bannaanida ee Somaliland ay sheegtay in aanay hawadeeda soo geli karin, isla markaana mari karin diyaaradaha aan oggolaansho iyo fasax ka haysan wasaaraddeeda duulista hawada.
Waxaan la xiriirnay waaxda socdaalka Soomaaliya si aan uga helno faahfaahin dheeraad ah, oo ku saabsan waxa uga qorshe ah caqabaddan, balse ilaa hadda ma aanan ka helin wax jawaab ah.













