Maxay yihiin amarrada ay Somaliland ku soo rogtay diyaaradaha hawadeeda mara?

Xigashada Sawirka, EGAL INTERNATIONAL AIRPORT
- Author, Saleebaan Saxansaxo
- Role, Hargeysa
Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madax-bannaanida ee Somaliland ayaa sheegtay in aanay hawadeeda soo geli karin, isla markaana mari karin diyaaradaha aan oggolaansho iyo fasax ka haysan wasaaraddeeda duulista hawada.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Duulista iyo Horumarinta Madaarrada Somaliland, ayaa lagu sheegay in duullimaad kasta oo soo gala hawadeeda oggolaansho la'aan ay ka qaadayso tallaabo.
"Wasaaradda Duulista iyo Horumarinta Garoomada Diyaaradaha Somaliland waxay ku dhawaaqaysaa amar cusub oo dhigaya in dhammaan diyaaradaha rayidka ah ee jadwalka qorsheysan leh iyo kuwa aan lahayn iyo kuwa ganacsi ay waajib ku tahay inay helaan ogolaansho ka hor inta aanay gelin, marin ama ka hawl gelin hawada sare ee Somaliland" ayaa lagu yidhi war-saxaafaddeedkan Wasaaraddu soo saartay.
Wasaaradda Duulistu waxay digniin u dirtay diyaaraddaha u hoggaansami waaya amaradeeda "duulimaad kasta oo ogolaansho la'aan gala hawada Somaliland uu noqonaya mid jabinaya qaranimada Somaliland, waxaana laga qaadi doono tallaabo sharci ah."
Amarradan cusub ayey Somaliland sheegtay in ay dhaqan galayaan bishan gudaheeda.
"Amarkan wuxuu dhaqan gelayaa 10-ka bishan November, waxaana loo raacay heshiiska duulista rayidka ah ee Chicago Convention. Sidoo kale wuxuu xoojinayaa madaxbannaanida iyo awoodda buuxda ee Jamhuuriyadda Somaliland ay ku leedahay dhulkeeda, biyahaheeda, iyo hawadeeda." Ayaa qoraalka la raaciyay.

Xigashada Sawirka, FACEBOOK
Sidee Somaliland u fulin kartaa go'aamadan ay soo saartay?
Sida uu BBC-da u sheegay Cabdifataax Cismaan Ibraahim oo muddo 10 sano ah ka shaqaynayey arrimaha duullimaayada, kana soo shaqeeyey garoomada diyaaraddaha ee Hargeysa iyo Muqdisho, ma jiro sharciyad ku khasabaysa diyaaraddaha hawaddeeda maraysa in ay u hoggaansamaan, maaddaama oo aanay aqoonsi haysan.
"Somaliland waxa ay hadda maamushaa diyaaradaha ka degaya garoomada Somaliland, farsamo ahaanna awood waa ay u leedahay inay maamusho dhammaan diyaaradaha hawadeeda maraya. Balse maaddaama aanay Somaliland aqoonsi caalami ah haysan, ma jiro sharciyad ku qasbaysa diyaaradaha inay u hoggaansamaan amarrada Somaliland."
Haddii ay Somaliland doonayso inay si dhammaystiran hawadeeda u maamulato, diyaaraduhuna u fuliyaan amarrada ay soo saarto waa inay yeelataa awood fulineed oo tallaabo ka qaadi kara ciddii amarada Hay'adfaha maamulka hawada iyo shuruucda Somaliland fulin wayda," ayuu yiri.
Saameyn noocee ah ayay amarradan yeelan karaan?

Xigashada Sawirka, FACEBOOK
Inkasta oo ay Wasaaradda duulista Somaliland sheegtay in amarradan la dhaqan gelinayo bishan tobankeeda, haddana saamaynta ka dhalan karta ayaa ku xidhan tallaabooyinka ay qaadaan, sida uu leeyahay Cabdifataax Cismaan.
"Amarradan saamayntoodu waxa ay ku xidhnaan kartaa hadba tallaabooyinka Somaliland ku xigsiiso.
Haddii ay diyaaraduhu u arkaan in ay fulin waayaan amarrada Somaliland ay khatar uga iman karto bedqabka duullimaadyadooda waxa ay kala dooran doonaan inay u hoggaansamaan amarrada wasaaradda duulista ee Somaliland ama ay hawada iskaga baydhaan. Waayo marka arrimaha duullimaadka la joogo bedqabka diyaaradaha ayaa ka muhiimsan ilaalinta qaranimada dawladaha."
Muxuu ka beddeli karaa caqabaddii Somaliland kala kulantay dal-ku-galka Soomaaliya ay soo rogtay?
Amarradan ka soo baxay Wasaaradda Duulista Somaliland, waxay ku soo beegmayaan xilli maalmihii u dambeeyey caqabad ka taagnayd dadka imanaya Somaliland, kuwaas oo lagu xidhay in ay dalbadaan nidaamka dal-ku-galka ee e-Visa ee dawladda Federaalka ee Somalia dhaqan gelisay.
Cabdifataax Cismaan Ibraahim, ayaa markale BBC-da su'aashan weydiisay, wuxuuna yiri: "Go'aankan cusub arrinta e-Visa wax badan kama beddeli doono. Si guud e-Visa waxa ay qayb ka noqonaysaa muranka hawada ee u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya maaddaama dawladda Soomaaliya ay marar badan diyaaradaha ugu hanjabto inaanay hawadeeda isticmaalayn haddii aanay fulin siyaasadda e-Visa ee Soomaaliya. Balse waxa ay gaar ula xidhiidhaa diyaaradaha fadhiista garoomada Somaliland oo ay Somaliland u sheegi karto inay u hoggaansamaan amaradeeda la xidhiidha e-Visaha."
Sidee ayuu u shaqeeyaa nidaamka E-Visa?

Xigashada Sawirka, SOCIAL
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Soomaaliya ayaa bilooyin kahor soo bandhigtay fiisaha elegtaroonigga ah iyo habka oggolaanshaha socdaalka ee elegtaroonigga ah (eTAS) si loo casriyeeyo hannaanka socdaalka, sida ay dowladdu sheegtay.
Nidaamka, oo qasab ku ah dhammaan booqdayaasha ajnabiga ah wixii loo gaaro Sebtembar 1, 2025, ayaa laga doonayaa dadka u safraya Soomaaliya inay fiisaha ka dalbadaan bogga rasmiga ah ee www.evisa.gov.so
"Nidaamkan casriga ah waxa uu u sahlayaa dadka ajaanibka ah in ay dal-ku-gal ka soo dalbadaan meel kasta oo adduunka ka mid ah, isla markaana ay ku helaan muddo gaaban gudaheed," ayuu yiri Isaaq Xasan Taakow, Agaasimaha Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee ICA, isagoo intaa ku daray in shaqaale gaar ah loo tababaray si ay u xaqiijiyaan hufnaanta hannaanka.
Maamulka ayaa sheegay "in hindisahan uu xoojin doono amniga qaranka, hagaajinta xogta, kicinta kobaca dhaqaalaha, iyo hagaajinta adeegyada socdaalka. Lacagaha dal ku galka ayaa si toos ah loogu shubi doonaa xisaabaadka Wasaaradda Maaliyadda, taasoo sare u qaadaysa hufnaanta dakhliga" ayuu yiri Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag.
Balse hannaankan ayaa marka laga soo tago Somaliland, waxaa kasoo horjeestay maamul-goboleedka Puntland oo sheegay inuusan u hoggaansami doonin. Dadka ka degaya garoomada Puntland ayaa la sheegay in laga qaado lacagta dal ku galka inkastoo ay E-visa dalbadaan oo halkaasina lacagta dal ku galka looga qaato.













