Somaliland wax ma u dhimi kartaa nidaamka hawada Soomaaliya?

Diyaarad

Xigashada Sawirka, Boeing

Xukuumadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland ayaa ka digtay in cawaaqibka ka dhasha arrimaha muranka hawada ee kala dhaxeeya dowoladda federaalka ah ay masuuliyadeeda qaadi doonto dowladda federaalka.

Bayaan ka soo baxay hay'adda duulista iyo madaarada Somaliland ayaa lagu sheegay in wixii dhibaato ah oo ka dhasha falcelinta arrintaan ay masuuliadooda qaadi doonto Muqdisho.

"Cidda masuulka ka ahi waa cidaa u adeegsanaysa danaha gaarka ah ee siyaasiga ah" ayuu yiri Cumar Sayid oo ah maareeyaha hay'adda Dullista ee Somaliland.

Hadalkaan ayaa dad badani u arkaan hanjabaad ay dirayso Somaliland.

"Hay'adda Duulista iyo madaarada jamhuuriyadda Somaliland ee maamulka hawadu iyada oo kaashanaysa awoodda shacabkeeda iyo wadamada saaxibka la ah waxay qaadi doonaan tallaabo kasta oo ay ku joojinayso... isa soo taraya islamarkana ay ku ilaalinayso maamulka hawadeeda," ayaa lagu yiri bayaanka.

Maareeyaha Hay'adda Duulista iyo Madaarada Somaliland

Xigashada Sawirka, Telefishanka Qaranka Somaliland

Hadaba, Tallaabo ceenkee ah ayay qaadi kartaa Somaliland?

Maareeyaha hay'adda duulista iyo madaarada Somaliland Cumar Sayid Cabdillaahi, ayaa sheegay in waddada kali ah ee u furan ay tahay in ay is difaacaan.

"Annagu wax noo haray ma jiro oo aan ka ahayn inaan is-difaacno, dadka reer Somaliland iyo hay'adda duulista hawada iyo xukuumadda awood ayay u leeyihiin hawadeeda inay difaacato," ayuu yiri Cumar oo wareysi gaar ah siiyay BBC.

Khubarada ku taqaqusay arimaha duulimaadyada ayaa sheegay in Somaliland ay awooddo in iyada oo isticmaaleysa qalabka isgaarsiinta ee hawada in ay xogo qaldan siin karto duulimaadyada ku jira hawada Soomaaliya.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Khadka diyaaradaha lagala hadlo qalab ma u keensan kartaa[Somaliland]? haa, " ayuu yiri Maxamed Abuukar Nuur oo ah khabiir ku taqaqusay duulimaadyada hawada kana soo shaqeeyay oo saldhigiisu yahay dalka Maraykanka.

Maareeyaha duulimaadyada Somaliland ayaa maanta wareysi uu siiyay BBC da ku sheegay in Somaliland ay heli karto qalab ku filan oo oo ay ku fulin karto xiririada hawada ee ay lala sameeyo diyaaradaha.

"Hargeysa iyo Muqdisho isku qalab ayaa yaalla waxaba kuma kala duwanin haddii ay reediyoo tahay iyo haddii ay shaqaala tahay-ba," ayuu BBC da u sheegay maareeye Cumar Sayid.

Balse khubarada waxay shaki ka muujinayaan awoodda ay Somaliland u yeelan karto in ay qaado tallaabo carqalad u keeni karta nidaamka hawada, hadiiba ay dhacdo in ay taas xal bidaan, iyaga oo u sababeeyay cidda ay ku dul dhici doonto masuuliyadda tallaabadaas.

Maxamed Abukar ayaa BBC da u sheegay in nidaamka hawada ee dawladahu uusan ahayn mid maamulkiisu isqabqabsi iyo fawdo qabali kara, maadaama uu yahay adeeg caalami ah oo ay ku tiirsan yihiin duulimaadyo isaga kala goosha daafaha dunida, kuwaas oo ay saaran yihiin kumanaan dad ah iyo badeecooyin markiiba.

"Hawada wax lugu goolaaftamo oo ay dowladda Sooomaaliya iyo Somaliland ku goolaaftamaan way ka wayn tahay...la socodkeedana aduunyada waxay u xilsaaratay hay'ad caalami ah oo Qaramada Midoobey hoos timaado," ayuu yiri Mr Maxamed.

Waxaa uu intaa ku daray in dunida iyo hay'adaha caalimaga ahba ay aqoonsan yihiin hawada Soomaaliya, hadii Somaliland ay qaado tillaabo carqalad keeni kartana ay masuuliyadeed kala xisaabtami doonto cidda sameysay.

Hay'adda Duulista rayidka Soomaaliya

Xigashada Sawirka, .

Maxamed ayaa intaas ku daray in haddii ay Somaliland isku daydo inay carqaladeyso isgaarsiinta diyaaradaha ku gooshaya hawada Soomaaliya ay taasi noqon karto dambi caalami ah.

"Waxay la mid tahay nin diyaaradihii aduunka qalqal galiyay, waxayna la mid tahay qof diyaaradihii "afduubay oo dhibaato geystay". Cawaaqibka ka yimaadana Soomaali kalama xisaabtameysee, aduunyadaa kala xisaabtamaysa [Somaliland," ayuu yiri Maxamed oo la hadlayay BBCda.

Laakiin Somaliland waxay dhankeedu ku doodeysaa in waxa kaliya ah ee haatan u furan ay tahay in ay is difaacdo. Ma aysan faahfahin Somaliland nuuce difaaca ee aysmayn doonto.

Tan iyo markii uu dhacay heshiiskii is afagaradka ahaa ee dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya bilowgii sanadkaan, ayaa waxaa sii xumaanayay xiriirka Soomaaliya iyo Somaliland, iyada oo dhawr duulimaad oo u socday Hargeysa ay dowladda Soomaaliya u diiday idankii ay ku soo gali lahaayee hawada.

Somaliland waxay sheegtay in ay dacwad ka gudbineyso dowladda Soomaaliya iyada oo ku eedeysay in ay ku tagrifashay maamulka hawada.

Balse khubaradu waxay qabaan in hadii ay Somaliland qaado talaabo wax u dhimi karta nidaamka hawada, ay ka hor istaagi karto dacwad kasta oo caalamai ah loogu kala gar qaadi karo Soomaaliya iyo Somaliland.