Waxa laga yaqaan askarigii fuliyay weerarka xerada Jenaraal Gordon ee lagu laayay saraakiisha Imaaraatka

Xigashada Sawirka, WAM
Saddex maalin kadib weerarkii nin hubeysan uu ku qaaday xerada Janaraal Gordon ee saraakiisha Imaaraatka ay ku tababaraan ciidamada Soomaaliya, weli waxaa soo baxaya faahfaahin la xiriirta sida weerarka u dhacay iyo qofka fuliyay ee ka midka ahaa ciidamada la tababarayay.
Weerarka waxaa ku dhintay afar sarkaal oo sare oo tababari jiray ciidamada Soomaaliya, kuwaas oo u kala dhashay Imaaraatka Carabta iyo Baxrayn iyo saraakiil iyo askar Soomaali ah oo ku sugnaa xerada.
Saraakiisha la dilay waxaa ka mid ah Maxamed Al-Mansouri oo ah sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Imaaraatka Carabta.
Laakiin dowladda Soomaaliya ma faahfaahin tirada rasmiga ah ee saraakiisha Soomaalida ah ee ku geeriyooday ama ku dhaawacmay weerarkaas.
Weerarka xerada Janaraal Gordon waxaa fuliyay mid ka mid ah ciidamada la tababarayay ee xerada ku xareysnaa.
Ninkaas oo aysan dowladda Soomaaliya shaacin magaciisa waxa uu horey uga soo goostay kooxda Al-Shabaab, sida ay BBC iyo wakaalada wararka ee Reuters u sheegeen saraakiil dhowr oo qaarkood ay horey u maamuli jireen tababarka ciidamada Soomaalida.
Sida ay faahfaahiyeen saraakiil qaabilsan tababarka iyo qorista ciidamada iyo xubno sirdoon, ninka weerarka geystay waxaa laga soo qoray magaalada Xudur ee gobolka Bakool, halkaas oo ka mid ah goobaha kooxda Al-Shabaab ay ku leedahay saameynta weyn.
Saraakiil ka tirsan guddiyada qorista ciidamada waxa uu sheegay in uu ninka weerarka geystay uu ka mid ahaa dhalinyaro si boobsii ah looga soo qoray Xudur si loogu biiriyo ciidamada dowladda.
Kadib markii laga soo qoray Xudur, waxaa muddo kooban ninkan weerarka geystay iy askar kale ba lagu hayay magaalada Muqdisho kahor inta aanan loo sii qaadin tababar ciidan oo ay ku galaan Uganda.
Halkaas oo uu joogay muddo dhowr bil ah ayuu kusoo qaatay inta ugu badan tababarka ciidanka. Isaga oo kusoo noqday Xamar kadib tababarkaas.
Maxey Al shabaab ka dheheen askari weerarka fuliyay?

Xigashada Sawirka, REUTERS
Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas, oo ay tilmaameen in uu fuliyay qof iyaga ka tirsan.
Afhayeenka Kooxda Cali Dheere ayaa faahfaahin iyo tilmaamo la xiriira ninka weerarka qaaday iyo magaciisa.
Laakiin waa xog hal dhinac ah oo aysan BBC-du si madaxbanaan u xaqiijin karin.
Afhayeenka Kooxdaas waxa uu sheegay in ninka weerarka fuliyay uu ahaa 27 jir kasoo jeeday degmada Xudur, oo ah halka laga soo qoray markii uu ku biirayay ciidamada Soomaaliya.
Waxa uu magaciisa ku sheegay Mustafa Mukhtaar Aadan, laakiin dowladda Soomaaliya marna kama falcelin sheegashada iyo xogta uu bixiyay afhayeenka Al-Shabaab.
Cali Dheere oo sheegay in ninka weerarka geystay ee ka midka ahaa ciidamada la tababarayay in uu iyaga u shaqeynayay ayaa sheegay in uu bartilmaameedku uu ahaa saraakiisha Imaaraatka ee afarta ah ee ciidamada tababarayay.
Ma jirto si madax banaan u xaqiijin karta sheegada Afhayeenka Al-Shabaab.
"Baaritaan degdeg ah" oo lagu ogaanayo sida ay wax u dhaceen

Xigashada Sawirka, Villa Somalia
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wax yar kadib weerarka gudaha xerada Janaraal Gordon ku booqday saraakiisha iyo ciidamada dhaawaca ahaa ee la dhigay Isbitaalka Digfeer oo hadda loo yaqaan Erdogan.
Madaxweynaha ayaa si adag uga hadlay weerarkaas isaga oo amray laamaha ammaanka inay sameeyaan baaris deg deg ah.
Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey dalka isu-tagga imaaraadka carabta, garab-is-taaggooda joogtada ah ee dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya.
"Dawladda iyo Shacabka aan walalaha nahay ee Imaaraadka Carabta waxaan uga tacsiyeynaynaa saraakiisha ku naf waayey weerarka argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Muqdisho, Saraakiishaas oo u yimid dalkeenna in ay ka qeyb-qaataan dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya.
Ilaa hadda dowladda Soomaaliya ma shaacin natiijo saxan oo ku saleysan xogta toogashadii uu geystay askari ka mid ahaa ciidankii lagu tababaray xerada Jeneraal Goordan.
















