Shan dhacdo oo horay uga dhacay xerada Janaraal Gordan ee xalay saraakiisha lagu laayay

Xigashada Sawirka, Social Media
Xerada Gordon waxaa la furay, 12-kii bishii May 2015, waxaana xadhiga ka jaray markaas Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka arriminaayay dalka markaas muddo-xileedkiisii hore.
Xerada waxaa dhisay dowladda Imaaraadka Carabta waxay ku taalaa degmada Hodan ee gobolka Benaadir, waxayna hore u ahayd warshadii hore ee Caanaha. Waxaa xerada loogu magacdaray Alle ha u naxariistee Jen. Ibraahim Maxamed Faarax (Gordan).

Xigashada Sawirka, Social Media
Shan dhacdo iyo xerada Gordon
APR 23, 2018: Ciidamo ka wada tirsan Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa iska horimaad ku dhexmaray gudaha xerada Gordan, kadib markii ay dowladda Imaraadka Carabtu ka guurtay saldhigga oo ay ku tababari jirtay ciidamada Soomaaliya.
Lix askari ayaa ku dhimatay iska hor-imaadkaas inta la xaqiijiyay. Warbixin gaar ah oo ay dhacdadaan Wakaaladda Wararka ee Reuters ka qortayna waxay ku sheegtay in lagu bililiqaystay ugu yaraan 600 oo qoryaha fudud oo ay kamid yahiin qoriga Aakaha iyo nooca lamidka ah ee ay soo saaraan Shiinaha.
Ku dhawaad is raasasayn socotay muddo 90-daqiiqo ah kadib ciidamo ka socda madaxtooyada Soomaaliya ayaa si rasmi ah ula wareegay xerada.
13 JULY 2020: Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Jen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa ka badbaaday weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay afaafka hore ee xerada Goordan.
Taliya oo warbaahinta la hadlay isla xilligaas ayaa sheegay in bartilmaameedka weerarka isaga ahaa, balse ilaaladiisu ka hortageen. Waxaana qaraxaas ku dhintay inta la xaqiijiyay qof dumar ah oo meesha maraysay iyo naftii halige waday baabuurka is qarxiyay.
SEPTEMBER, 14, 2021: Labo qof ayaa ku dhimatay qarax noociisa aan la shaacin oo ka dhacay muqaaxi ku taala afaafka hore ee xerada Gordon, tiro kalena wayku dhaawacmeen muqaaxidaas oo ahayd meel inta badan ay fadhiistaan ciidamada dowladda.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
25 NOFEMBAR 2021: Ugu yaraan 8 qof oo rayid ah ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen qarax ka dhacay wadada u dhaxaysa aagga xerada Gordon, sida laga xigtay saraakiil ka tirsan kuwa gadiidka gurmadka.
Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxa, waxayna sheegeen inay beegsadeen kolonyo ay la socdeen saraakiil caddaan tababarayaal ah oo ka soo baxay xerada Janaraal Gordon.
10 FEBRUARY 2023: Askari ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo ku sugnaa xerada Gordan ayaa toogtay tababarayaal ka socday Dowladda Imaaraadka Carabta iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya.
Afar sargaal oo Ajnabi ah - 3 Imaraadka Carabta ah iyo mid u dhashay Baxrayn - iyo tiro saraakiil kale oo Ciidanka Xoogga ka tirsan ayaana halkaas ku dhintay.
Askariga toogashada geystay oo isna goobta lagu dilay ayaa la sheegay in uu horey uga soo goostay ururka Alshabaab.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka ticseeyay dhacdadaas.
Xeradu waxay saldhig u noqotay ciidamadii lagusoo tababaray dalka Eretriya kuwaas oo muddo badan kamaqnaa dalka.
Tiradooda rasmiga ah ayaan la ogeyn, intay halkaas joogeen doodo badana ayya ka dhex dhaliyay fagaarayaasha siyaasadda iyo si guud bulshadaba.

Xigashada Sawirka, Abdishukri Haybe
Waa kuma Jeneraal Gordan?
Jeneraal Ibraahim Maxamed Faarax (Gordan), waxuu Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku biiray 1969 kii, isaga oo mid kamid ah dalalkii midowgii Soofiyeeti tababar u aaday, waxuu wax ku bartay magaalada Odesa oo hadda ka tirsan Ukrayn dhacdana koonfurta dalkaas.
Wuxuu bartay hoggaaminta ciidanka lugta isagoo dalka dib ugusoo noqday 1973 kii kana shaqo bilaabay taliska 43 aad ee difaaca cirka ee Kismaayo isaga oo noqday taliye horin.
Wuxuu noqday Abaanduulaha qaybta 21aad isaga oo samayn baaxad leh oo muuqata ku yeeshay dagaalkii 1977 kii ee udhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya, siduu sheegay Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood oo aqoon fiican u lahaa.
2013-kii ayuu dhintay kadib markii gaadiid uu la socday ay dhexda u galeen maleeshiyaad, waxaana dilkiisa sheegtay Uururka Alshabaab.
Jeneraal Caanood, wuxuu sheegay in magaca Gordon uu ka yimid nin la dhihi jiray Gordon, oo taliye ka ahaa saldhigii uu kusoo tababartay Jeneraal Ibraahim, kaas oo ay aad isugu ekaayeen kaliyana ku kala duwanaayeen midabka.
Shaqsiyadda Jeneraal Ibraahim Faarax (Gordan) ayuu Jeneraal Caanood ku tilmaamay in uu ahaa nin ciidanku aad u jeclaayeen, “Waxuu ahaa nin wadani ah oo geesi ah, xoreyntii magaalada Muqdishana qayb weyn ka qaatay,” ayuu BBC da u sheegay Jeneraal Caanood.
“Mar wuxuu ahaa nin edab badan oo aad u xishooda, marna waxuu ahaa nin cibaado badan salaadda tukada oo wardiya, xiitaa dagaal haddii lagu jirana aan salaadda ka tegi jirin, markalena waxuu ahaa nin naxariis badan oo askarta iyo dadka deegaannada loogu teggaayo aad ugu naxariista oo xiitaa mararka qaar ciidanka raashinkooda u qaybin jiray dadka shacabka ah; askartuna aad u jeceshahay,” ayuu yidhi Jeneraal Caanood oo tilmaamaya shaqsiyada wanaagsan ee uu ku yaqaanay Jeneraalka loogu magac daray xerada.













