Axmed Showqi: 'Aniga oo Faraxsan oo aan filayn ayaan ka war helay geeriday hooyaday iyo adeerkeey'

Xigashada Sawirka, Showqi
Weerar loo adeegsaday madaafiic oo xalay kooxda Al-shabab ay ku qaadeen deegaanka Camaara ee koonfurta gobalka Mudug ayaa waxaa uu khasaare kasoo gaaray dad isku qoys ah sida ay BBC -da u sheegay Gudoomayaha Camaar Yussuf Salaad Muxumed.
Hooyo iyo aabe lagu kala magacaabi jiray Dheeh yussuf Cabdullahi iyo Axmed Cabdullahi Sheekh ayaa xalay saqdii dhexe hoobiye kusoo dhacay gurigii ay daganaayen oo jingad ahaa kaas oo ay naftooda ku waayeen.
Axmed Cabdi Maxamed oo ay dhashay hooyada dhimatay ayaa u sheegay BBC da in uu wali ku jiro naxdintii ay ku abuurtay warka geerida hooyo Dheeh.
“Aniga oo aan filayn oo xaalad farxad ah ku jira ayay isoo gaartay geerida hooyo iyo adeer, waligay ma filayna in war noocaas ah la ii sheegi doono, balse xalay ayuu walalkey isoo wac oo ii sheegay” ayuu BBC-da u sheegay.
Axmed ayaa ku sugan magaalada Muqdisho.
“Alle ayaa qoray in maanta ay dhimato oo aduunkeeda ayaa intaas ku ekaa ” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Xigashada Sawirka, socia media
Weerarka hoobiyaha loo adeegsaday ayaa waxaa sidoo kale uu dhawaac kasoo gaaray wiil yar oo 12 sano jir ah, kaas oo ka mid ah carrurta qoyeska oo huraday qol kale oo guriga ka mid ah. Wiilka ayaa haatan lala tacaalayaa xaaladdiisa caafimaad.
Wiilka ayaa qoysku sheegeen in madax firir ka soo gaaray wiilka yar, laba kale oo caruurta ah ayaa bad qaba.
“Waxaa jira wiil yar oo walaalkay ah oo guriga joogay oo markii hore la waayay loona qabay in uu geeriyooday, balse saaka la helay isaga oo madax dhaawac ka ah, labadii kalna waa carareen xalay markii ay wax dhaceen basle manta ayaa lasoo helay”, ayuu yiri Axmed oo ka sheeynayay argagaxa uu abuuray weerarku.
Caruurta ka badbaaday weerarka ayaa naloo sheegay in ay haatan ku jiraan xaalad argagax ah.
Geerida hooyada iyo aabaha ayuu sheegay Axmed in ay lama filaan ku noqtay qoyska oo dhan noloshiisana si xun u saameysay.
“Hooyo Allah u naxariisto, samir iyo imaan allah naga siiyo, si lama filaan ah ayay u dhimatay, runtii waa arrin musiiba ah oo hooyaday macaan ay ku baxday “ ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Xigashada Sawirka, Socia media
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Hooyo Dheeh yussuf Cabdullahi ayaa waxaa ifka ay uga tagtay 10 carrura ah oo ay u dashay ninkeedii hore, balse waxba uma dhalin Axmed Cabdullahi Sheekh oo ay hadda isqabeen xalay isku meel ku geeriyoodeen.
Gudoomiyaha deeganka Camaaraa, Camaar Yussuf Salaad, oo BBC-da wareysi siiyay ayaa sheegay weerarka kadib ay howlgal sameeyen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan aagga Camaara, kuwaas oo baadi goob u galay xubnaha weerarka soo qaaday.
Waxaa uu sheegay inay ku raad-joogaan Al-Shabaabkii ka dambeeyay hoobiyeyaasha xalay lagu garaacay deegaanka Camaara inkasta oo aysan kooxda Al shaabab aysan wali sheegan weerarkaas.
“Muddo Afartan daqiiqo oo ay hoobiye nagu wadeen kadib ayaan biloownay in aan baadi goobno kooxdii hobiyaasha soo tuurtay oo aan hadda ku daba joogno,”ayuu yiri Gudoomayaha deeganka Camaara Yussuf Salaad.
Camaara ayaa kamid ah deegaanadii ugu dambeeyay ee lagala wareegay kooxda Al-Shabaab oo haatan wajaheysa dagaal ay si wadajir ah ugu qaadeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda.













