Sida kaydka hubka ee sii yaraanaya uu u saameyn karo dagaalka Iiraan

Colaadda Iiraan iyo Mareykanka iyo Israa'iil oo isku dhinac ah ayaa gashay maalintii lixaad

Xigashada Sawirka, US Navy via Getty Images

Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in dalkiisu leeyahay "keyd hub oo aan xad lahayn." Dhanka kale, wasaaradda difaaca ee Iran waxay sheegtay inay leedahay "awood ay isaga caabin karto cadowga" muddo ka dheer intii Maraykanku qorsheeyay.

Kaydka hubka iyo sahayda keliya ma go'aamin doonaan natiijada dagaalkan. Ukraine muddo dheer ayay ka tiro yarayd kana hub yareyd Ruushka – laakiin waa arrin muhiim ah.

Xawaaraha iyo tirada weerarrada milatari ayaa aad u sarreeyay tan iyo bilowgii dagaalka. Labada dhinacba waxay durba isticmaalayaan hub ka badan inta warshaduhu soo saari karaan.

Machadka Daraasaadka Amniga Qaranka ee fadhigiisu yahay Tel Aviv (INSS) wuxuu qiyaasayaa in Maraykanka iyo Israa'iil ay hore u fuliyeen in ka badan 2,000 oo weerar, kuwaas oo mid kasta loo edeegsaday hub badan.

INSS waxay kaloo sheegtay in Iran ay hore u ridday 571 gantaal iyo 1,391 diyaaradood oo aan duuliye lahayn .Qaar badan oo ka mid ah ayaa la qabtay ama la soo riday.

Heerarkaan waxaa ay muujinayaan in labada dhinacba, ay ku adkaan doonta sii wadista dagaalka.

Iraan

Saraakiisha reer Galbeedku waxay sheegayaan inay hore u arkeen hoos u dhac ku yimid tirada gantaallada ay Iiraan adeegsato, kuwaas oo ka soo degay boqolaal maalintii ugu horreysay ee dagaalka, haddana maraya ilaa tobannaan.

Ka hor dagaalka, waxaa la qiyaasayay in Iiraan ay haysato kayd ka badan 2,000 oo gantaallo ballistic ah oo ridda gaaban ah. Ciidan kasta ma baahiyo tirada saxda ah ee hubka uu haysto, maadaama macluumaadkaas la qariyo si aanay cadowgu u ogaan awoodda dhabta ah.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Taliyaha ugu sarreeya ee Maraykanka, Gen. Dan Caine, ayaa Arbacadii sheegay in adeegsiga gantaallada ballistic-ka ee Iiraan ay hoos u dhaceen 86% marka loo eego maalintii ugu horreysay ee dagaalka Sabtidii. Taliska Dhexe ee Maraykanka ee Centcom ayaa sidoo kale sheegay in 24-kii saac ee u dambeeyay la arkay hoos u dhac gaaraya 23%.

Waxaa la aaminsanaa in Iiraan ay soo saarto tobannaan kun oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee la yiraahdo (Shahed) oo ay u adeegsan jirtay weerarrada ka hor dagaalka. Waxay sidoo kale farsamadan u dhoofisay Ruushka, kaas oo isticmaalaya nooc ka mid ah diyaaradaha Shahed si uu saameyn weyn ugu yeesho dagaalka Ukraine. Xitaa Maraykanka ayaa ka soo min guuriyay naqshadda.

Laakiin Caine wuxuu sheegay in duullimaadyada diyaaradaha ee Iiraan ay hoos u dhaceen 73% tan iyo maalintii ugu horreysay ee colaadda. Waxay u muuqataa in Iiraan ay la tacaalayso sidii ay u sii wadi lahayd hawlgallo culus oo joogto ah.

Colaadda Bariga Dhexe

Weli waxaa suuragal ah in hoos-u-dhacan aadka u weyn uu yahay isku day lagu ilaalinayo kaydka hubka, laakiin sii wadidda wax-soo-saarku waxay sii ahaan doontaa mid aad u sii adkaanaysa.

Diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka iyo Israa'iil hadda waxay kaga gacan-sarreyaan Iran hawada. Inta badan difaacyadii hawada ee Iran waa la burburiyey. Mar dambe ma laha ciidan cir oo la isku halayn karo. Taliska CENTCOM wuxuu sheegay in wejiga xiga ee dagaalku diiradda la saarayo ugaarsiga goobaha laga tuuro gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran, kaydka hubkooda, iyo burburinta warshadaha soo saara hubkaas.

Hadda waxaa laga yaabaa inay u fududaato Maraykanka iyo Israa'iil inay wiiqaan awoodda Iran ee dagaalka. Laakiin way adkaan doontaa in gebi ahaanba la baabi'iyo dhammaan kaydka hubkooda.

Iran waa dal saddex jeer ka weyn Faransiiska. Hubkana weli waa lagu qarin karaa sida muuqata.

Taariikhda dhow waxay sidoo kale muujinaysaa xaddidaadda dagaallada hawada laga fuliyo. Ciidamada Israa'iil weli ma aysan baabi'in ururka Xamaas ee Qasa, inkastoo ay wadeen in ka badan saddex sano oo duqeyn xooggan ah. Sidoo kale fallaagada Xuuthiyiinta ee Yemen waxay ka badbaadeen olole duqeyn oo Maraykanku waday muddo hal sano ah, qaar ka mid ah hubkooduna sidoo kale way badbaadeen.

Duqeymaha ayaa weli socda

Mareykanka

Maraykanku weli waa militariga ugu awoodda badan dunida. Kaydkiisa hubka caadiga ahna wuu ka badan yahay kan waddan kasta oo kale.

Si kastaba ha ahaatee, militariga Maraykanku weli wuxuu si weyn ugu tiirsan yahay hub sax ah oo la hago (precision-guided weapons) kuwaas oo qaali ah isla markaana lagu soo saaro tiro xaddidan. Waxaa la sheegay in Trump uu qorsheynayo kulan uu la yeesho shirkadaha qandaraaslayaasha difaaca dabayaaqada toddobaadkan si uu ugu cadaadiyo inay dedejiyaan wax-soo-saarka. Tani waxay muujinaysaa in xitaa awoodda Maraykanka mararka qaar la dareemi karo inay ku timaaddo culays.

Cadaadiska qaarkii ayaa laga yaabaa inuu yaraaday hadda maadaama Maraykanku uu haysto xorriyad ka badan oo uu ku fuliyo weerarro goobo u dhow.

Caine wuxuu sheegay in Maraykanku hore uga gudbay isticmaalka "hubka stand-off", kuwaas oo ah hub meelo fog gaara oo qaali ah oo horumarsan sida gantaallada Tomahawk cruise. Ciidanka Cirka ee Maraykanku hadda waxay isticmaalayaan hub "stand-in" ah oo ka jaban sida bambaanooyinka JDAM, kuwaas oo si toos ah looga soo tuuri karo hawada bartilmaameedka.

Mark Cancian, oo hore u ahaa kornayl ka tirsan Ciidanka Marines-ka Maraykanka isla markaana ka tirsan xarunta Center for Strategic and International Studies (CSIS) ee Washington, ayaa sheegay in, ka dib weerarkii ugu horreeyay ee meel fog laga fuliyay, Maraykanku "hadda isticmaali karo gantaallo iyo bambaanooyin ka jaban".

Wuxuu sidoo kale sheegay in Maraykanku uu sii wadi karo heerkaas dagaal "ku dhowaad muddo aan xad lahayn". Markasta oo dagaalku sii dheeraado, liiska bartilmaameedyaduna wuu sii yaraanayaa, taasoo keenaysa in si tartiib tartiib ah hoos ugu dhaco xawaaraha howlaha milatari.

Difaaca hawada

Difaaca hawada

Mark Cancian wuxuu sheegay in Maraykanku haysto tobannaan kun oo bambooyinka JDAM ah, balse nidaamyada difaaca hawada ee qaaliga ah ay aad uga yar yihiin. Marxaladaha hore ee khilaafka, nidaamyadan difaaca hawadu waxay ahaayeen kuwo aad muhiim u ah si loo joojiyo khatarta weerarrada aargudashada ee Iiraan.

Gantaallada Patriot ayaa baahi weyn loo qabay, ma aha oo kaliya Maraykanka, balse sidoo kale xulafadiisa Carabta iyo Ukraine. Gantaal kasta oo ka hortag loo adeegsado wuxuu ku kacaa in ka badan 4 milyan oo dollar waxaana la rumeysan yahay in Maraykanku hadda soo saaro qiyaastii 700 sanadkii. Haddii Iiraan weli awood u yeelato inay soo rido gantaallo ballistic ah, waxay si tartiib tartiib ah u yareyn doontaa kaydadkan xaddidan.

Mareykanka iyo Israa'iil ayaa weerar wada jir ah ku qaaday dhawaan dalka Iiraan

Khabiir ka tirsan Center for Strategic and International Studies oo lagu magacaabo Mark Cancian ayaa qiyaasaya in Mareykanku uu haysto kayd qiyaastii gaaraya 1,600 gantaal oo ah Patriot missile system, kuwaas oo maalmahan dambe laga yaabo in si weyn loo isticmaalay oo kaydku hoos u dhacay.

Cancian wuxuu sheegay in Maraykanku dagaalka hawada ee weerarrada ah uu sii wadi karo waqti dheer, balse dagaalka difaaca hawada (uu yahay mid aan hubanti la'aan a.

Wuxuu yiri:

"Haddii Donald Trump uu oggolaado in la yareeyo tirada gantaallada Patriot ee kaydka ah, markaas waxaan u badan tahay inaan ka adkaan karno Iran, laakiin taasi waxay kordhin kartaa khatar haddii uu dhaco isku dhac ka dhaca gobolka Pacific."

Xaqiiqda ah in Trump la qorsheeyay inuu toddobaadkan la kulmo shirkadaha difaaca ee Maraykanka waxay muujinaysaa in walaac laga qabo kaydka hubka uu jiro. Si kastaba ha ahaatee, Wasiirka Difaaca ee Maraykanka Pete Hegseth ayaa ku adkaystay in "Iran aysanuga gacan sarrey karin dagaalka."