Yuu ka hor dhamaan karaa hubka,ma Iraan mise Mareykanka iyo Israa'iil?

Dagaalka Iraan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Iyadoo dagaalka ay Mareykanka iyo Israel kula jiraan Iran uu galay maalintiisii lixaad, saadaasha badan ee ku saabsan suurtagalnimada xabbad-joojin ama degganaansho ayaa inta badan diiradda saaray awoodda milatari ee dhinacyada dagaallamaya si ay dagaalka u sii wadaan, halkii ay xoogga saari lahaayeen waddooyinka diblomaasiyadeed.

Borobagaandada dagaalka waxay ku khasabtaa labada dhinac inay aad uga taxaddaraan sida ay u soo bandhigayaan awooddooda difaac iyo weerar, mararka qaarkoodna xitaa way buunbuuniyaan.

Warbixintan waxay isku dayaysaa inay dib u eegto xaaladda, kana gudubto hal-ku-dhegyada iyo borobagaandada labada dhinac ee dagaalka, si ay uga jawaabto qaar ka mid ah su'aalaha weli taagan ee ku saabsan heerka iyo sii socoshada dagaalkan.

Trump

Xigashada Sawirka, Getty Images

"Ku tiirsanaanta tirooyinka ee khamaarka dagaalka."

Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, oo dhowr bilood ka hor ku lug lahayd waxa loogu yeero "Dagaalkii 12-ka Maalmood", isla markaana la kulantay weerarro culus, ayaa shantii maalmood ee la soo dhaafay muujisay in, inkastoo awoodda difaac iyo weerar culus ee Mareykanka iyo sidoo kale Israel, ay weli awood u leedahay inay waxyeello gaarsiiso danaha Mareykanka iyo xulafadiisa.

Hay'adda sirdoonka difaaca ee Mareykanka, Defense Intelligence Agency, ayaa sanadkii 2019 ku dhawaaqday in Iiraan ay haysato kaydka gantaallada ugu weyn ahna noocyo kala duwan ee Bariga Dhexe oo dhan. Ku dhawaad toddobo sano ayaa ka soo wareegay markaas, inkastoo Iiraan ay isticmaashay qayb ka mid ah gantaalladeeda muddadan, haddana waxaa la aaminsan yahay in kayd badan uu weli jiray ka hor bilowga dagaalkan.

Ka hortagga kaydkan gantaallada ah waa hawsha ugu weyn ee nidaamyada difaaca gantaallada ee Mareykanka sida THAAD iyo Patriot, kuwaas oo loogu talagalay inay qabtaan oo burburiyaan gantaallada soo rido.

Khabiir sirdoon milatari ah ayaa u sheegay BBC Persian in Iran ay celcelis ahaan ridday 25 gantaal ballistic ah saacaddii tan iyo markii uu bilaabmay dagaalka, iyadoo u muuqata inay isku dayayso inay daaliso nidaamyada difaaca hawada ee Israel, Mareykanka, iyo xulafada gobolka.

Sida ku cad tirakoobka Center for Strategic and International Studies, Mareykanka wuxuu isticmaalay 150 gantaal oo THAAD ah si uu u difaaco Israel intii lagu jiray dagaalka socday 12 maalmood.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

THAAD waa nidaamka kaliya ee difaaca gantaallada ee Mareykanka oo awood u leh inuu burburiyo gantaallada ballistic-ga ah ee riddada gaaban, dhexdhexaadka iyo kuwa riddada dheer.

Mareykanka wuxuu sidoo kale gobolka geeyay nidaamyo dheeraad ah oo difaaca hawada ah, oo ay ku jiraan nidaamyada Patriot, balse labaduba waa qaali isla markaana tiradoodu xaddidan tahay.

April 2024, warbixin uu daabacay Bloomberg ayaa sheegtay in ay ku kacayso in ka badan $1 bilyan saacaddii si loo joojiyo gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran.

Sida ay qabaan khubarada milatariga, waxaa si cad u jira farqi dhaqaale oo weyn oo u dhexeeya kharashka weerarka iyo difaaca ee u dhexeeya Iran iyo Mareykanka.

Si kastaba ha ahaatee, burburka weyn ee gaaray kaabeyaasha Iran afartan maalmood gudahood ayaa si weyn miisaanka ugu leexinaya dhinaca khasaaraha dhaqaale ee Iran ama waxa ka haraya dhaqaalahooda marka dagaalkani dhammaado.

Jonathan Hackett, oo hore uga tirsanaa sirdoonka US Marine Corps isla markaana sanado badan baarayay awoodaha milatari ee Iran, wuxuu qiyaasayaa in tirada ugu macquulsan ee kaydka gantaallada Iran ay tahay 3,000.

Wuxuu sheegay in qaybta ugu weyn ee kaydkan ay ka kooban tahay gantaallo ballistic ah oo riddo gaaban iyo kuwa dhexdhexaad ah. Wuxuu intaas ku daray in gantaallada masaafada dheer, kuwaas oo gaari kara Badda Mediterranean hal dhinac iyo Yemen dhinaca kale, ay aad uga yar yihiin tiradooda, isla markaana ay qaadato bilo in mid kasta la dhiso—gaar ahaan maadaama Mareykanka uusan si ballaaran u beegsan kaabeyaasha gantaallada ee Iran.

Laakiin difaaca ka dhanka ah gantaallada ama drones-ka Iran ma aha dagaal hal-gantaal oo hal-gantaal lagu qabto.

Si loo joojiyo oo loo burburiyo hal gantaal, waxaa badanaa loo baahan yahay 2 ilaa 3 gantaal oo ah nidaamyada difaaca gantaallada. Arrintan ayaa dhalisay walaac ka jira Washington, taas oo Donald Trump uu isku dayay inuu ka hadlo shalay.

"Meeleyaasha ay gantaallada ka ridaan waa la burburiyay, gantaalladooduna way sii dhammaanayaan. Rasaasta (hubka) masaafo-dhexe iyo midda ka sarreysa ee annaga noo taalla waa aan xad lahayn. Waxay sii wadi doonaan inay gantaallo ridaan muddo yar oo kale. Laakiin gantaalladoodu way sii yaraanayaan, sidoo kale meelihii ay ka ridi lahaayeena way sii dhammaanayaan sababtoo ah meelihii laga ridi jiray waa la burburiyay," ayuu yiri Donald Trump, madaxweynaha Mareykanka, wareysi uu siiyay Politico Talaadadii, Maarso 3.

Wuxuu sidoo kale sheegay in warshadaha difaaca ee Mareykanka ay xawaare buuxa ku soo saarayaan hubka loo baahan yahay.

Si kastaba ha ahaatee, Kelly Grieco oo ka tirsan machadka Stimson ayaa u sheegay jariidada Fortune: "Waxaan isticmaaleynaa gantaallo ka hortag ah xawaare ka badan inta aan buuxin karno meelihii ka banaanaa."

Go'aan noocee ah ayuu gaari karaa marka dhinac ay xabbaddu ka dhamaato?

Khasaaraha ka dhashay weeraradii Mareykanka iyo Israa'iil ee Iran

Xigashada Sawirka, Getty Images

Jonathan Hackett wuxuu sheegay in haddii tirakoobka kaydka gantaallada Iran uu sax yahay, haddii dalka uu sii wado isticmaalka gantaalladiisa xawaaraha ay hadda ku socdaan, "waxay gantaallo ka dhamaan doonaan qiyaastii toddobaad gudihiis. Taasi waxay dhici doontaa ka hor inta aanay dhibaato dhab ah ka dhalan gantaallada difaaca ee Mareykanka iyo Israel."

Wuxuu saadaaliyay in Iran ay u badan tahay inay hoos u dhigto qaabka gantaallada ay u rido, isla markaana ay u leexato isticmaalka ku dhawaad 80,000 drones oo ay lahayd ka hor inta uusan dagaalku bilaaban.

Si kastaba ha ahaatee, ma u arko arrintan mid sahlan: "Heerka wax-soo-saarka drones-ka ee Iran waa mid aad u sarreeya, waxayna soo saari kartaa ku dhawaad 400 drones bishii, haddii kaabeyaasha la heli karo. Laakiin haddii aad eegto liiska goobaha ay Mareykanka iyo Israel beegsadeen maalmahan u dambeeyay.

Markii aan weydiiyay haddii xaddidaadaha nidaamyada difaaca gantaallada ee Mareykanka ay qasbi karaan dalka inuu beddelo istaraatiijiyadda ama xeeladaha dagaalka, wuxuu yiri: "Waxaa la malayn karaa xaalad uu tirada kaydka hubka Mareykanka go'aamiso jihada istaraatiijiga, laakiin dhab ahaan ma jiraan xaalad uu dawladaha Iran haysto gantaallo ballistic, drones, iyo awoodaha taageerada ee ku filan inay xitaa u dhowaato qodobkaas."

Laakiin taasi ma aha dhammaad. Sanado badan, Mareykanka wuxuu ciidamada qaar ka dhigay kuwa saaranmaraakiib iyo bakhaaro khaas ah oo ku kala yaalla adduunka si, haddii loo baahdo, si degdeg ah loogu soo diro hub iyo qalab cusub jiidda hore.

Tani waxay ka dhigan tahay haddii nooc ka mid ah gantaal difaac ama weerar la isticmaalo ka badan kuwa kale inta uu dagaalka socdo, Mareykanka waxaa uu markiiba uu dib u buuxin karaa si ka dhaqso badan sidii caadiga ahayd, ama wuxuu u wareegi karaa hub iyo habab kale, isagoo cadaadis dagaal saaraya nidaamyada kale.

Shanta maalmood ee la soo dhaafay, saraakiisha difaaca ee Mareykanka ayaa sidoo kale ka hadlay awoodahooda "qarsoon" ee la xiriira ka hortagga gantaalada Iran.

Jonathan Hackett wuxuu sheegay in ereyadaas badanaa loo isticmaalo marka laga hadlayo awoodaha dhanka cyber‑ka iyo hawada sare ee Mareykanka. Wuxuu tusaale u soo qaatay sida nidaamyada isgaarsiinta iyo difaaca ee Venezuela looga "loo indha-saabay" ka hor intii aan lagu duulin si Nicolás Maduro loo qabto — islamarkaana uu sheegay in Mareykanku horey u isticmaalay awoodo noocaas ah.

Wuxuu yiri: "Haddii Mareykanku jebin karo GPS‑ka ama carqaladeyn karo nidaamka hagidda si gantaallada Iran aysan si sax ah u gaarin bartilmaameedyadooda, gantaalladaas waxay noqonayaan kuwa aan waxtar lahayn, xitaa haddii la rido. Drones‑kana aad bay ugu nugul yihiin carqaladaynta noocaas ah." Wuxuuna intaas ku daray in Mareykanku u muuqdo inuusan weli si buuxda u aqoonsan in xaaladdu ay tahay mid aad u daran, taasoo loo baahan yahay in si buuxda loo isticmaalo dhammaan qalabkan dhanka cyber‑ka iyo hawada sare.