Si dhab ah ayaan tababarka u qaataa balse Ramadaanka ayaa ka muhiimsan

Xigashada Sawirka, Getty Images
Tababarka orodka dheer ee Maradoonka aad ayuu u adag yahay. Adigoo sooman in aad u diyaargarowdo tartanka ciyaartoyda ugu fiican adduunka ee masaafadiisu tahay 26.2 mayl waa wax aad u adag.
Mahamed Mahamed waxa uu ka mid yahay jiilka oradyahanada Britain ee masaafada dheer orda, kuwaas oo ku sii dhawaanaya rikoodhkii uu dhigay Mohamed Farah ee oradka maradoonka.
Oradyahanka 28 jirka ah ee isu diyaarinaya orodka maradoonka ee London sanadkan ayaa hadana sooman. Wuxuu tababarka dhameeyaa xilli dambe, wuxuuna isku wadaa soonka iyo orodka.
Mahamed, oo kaalinta afraad kaga jira liiska orodyahannada ugu fiican UK ayaa iska indhatiray talooyin loo soo jeediyay oo ah in uu dib u dhigo soonkiisa inta uu tababarka ku jiro si uu u jabiyo rikoorka labada saacadood, toddoba daqiiqo iyo shan ilbiriqsi ah.
"Dadka qaar waxay u maleeyaan in aanan soomin marka aan tababarka ku jiro," ayuu Mahamed ku yiri wakaaladda wararka ee PA.
"Gaar ahaan hadda, waxaan galayaa tartan, waxay u haystaan in aan diiradda saarayo tababarka oo mar dambe aan dib ka soomayo.
"Laakiin waan la qabsaday. Waxay noqotay jadwalkayga caadiga ah. Waan uga mahadcelinayaa taladaas, balse anigu waxaan sii wadaa dhammaan soonka iyo orodaka."
Mahamed waxa uu deggen yahay magaalada Ifrane ee Buuraha Atlas ee Morocco, wuxuuna isu diyaarinaya tartanka dhacaya bisha soo socota ee Abriil.
Goobta uu joogo waxay u ogolaaneysaa in uu si badqab ah ugu tababarto iftiinka garoonka habeenkii, isaga oo la jira Muslimiin kale oo sooman bisha barakeysan ee Ramadaan. Maadama aan maalintii biyo la cabeyb, cunto la cuneyn waxay tababarka ka dhigeen habeenkii.
Maalmaha qaar, jadwalkiisa tababarka wuxuu gaaraa saacadaha hore ee subaxda. Waxa uu bilaabaa kulankiisa koowaad qiyaastii 4-ta galabnimo, kaddibna wuu afuraa oo masaajidka tagaa ka hor inta uusan dhammayn kulankiisa labaad.
Markuu si ku filan u cunteeyo, Mahamed wuxuu seexdaa hal ama laba saacadood, kaddibna wuu soo toosaa qiyaastii 4-ta subaxnimo si uu mar kale wax u cuno, ka hor inta uusan sariirta ku noqon si uu markaas kaddib hurdo ugu sii darsado.
Mahamed waxa uu sheegay in wax yar ay adag tahay.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Shaqadayda si sax ah ayaan u sameeyaa, laakiin Ramadaanka waa kan ugu muhiimsan. Waxa uu iga caawiyaa in aan diiradda saaro. Waxa uu iga dhigayaa in aan fahmo cidda aan ahay iyo waxa aan samayn karo."
Mahamed waxa uu ka mid yahay afar orodyahan oo Britan u dhashay oo wali firfircoon kuwaas oo ka qeybgala orodka dheer ee maradoonka. Mahamed waxa uu ku orday wax ka yar 2 saac iyo 8 daqiiqo, isaga oo ay weheliyaan Alex Yee, Emile Cairess iyo Philip Sesemann, waxaana lagu tilmaamay "jiil cusub".
Kaddib markii uu kaalinta afraad ka galay Marathon-kii London ee la qabtay sanadkii 2024-kii, Mahamed waxa uu doonayay in uu dhigo rikoodh cusub maradoonka London ah ka hor inta uusan u tartamin billad Tartanka Qaaradda Yurub ee ka dhacaya magaalada Birmingham.
Sida Mo Farah, sheekada Mahamed waxay wax badan u dhow tahay tan Mo Farah. Ka hor inta isaga iyo qoyskiisa aysan u soo guurin UK sanadkii 2011-kii, waxa uu ku noolaa Itoobiya.
"Waxaan daawan jiray Mo iyo Jess Ennis anigoo ka fakaraya in sidoo kale aan sameeyo" ayuu yiri Mahamed.
Wuxuu kaloo uu sheegay in markasta uu la kumo Mo Farah ay taladiisu aheyd "Dhageyso tababarayaasha, diiraddana saar waxa aad qabaneyso".













