Iiraan Soomaaliya ma u weerari kartaa Mareykanka dartii?

Xigashada Sawirka, Naqshadeynta BBC
- Author, Abdinasir Ali
- Role, BBC Somali
- Reporting from, Nairobi, Kenya
- Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo
Waddamada Khaliijka ayaa arkay ayagoo dhexda ka taagan safka hore ee dagaalka ka curtay Bariga Dhexe, arrintaasna caro ayey galisay.
Iiraan ayaa aargoosi kaga jawaabtay duqaymaha cirka ee Maraykanka iyo Israa'iil iyadoo ku ridday boqollaal gantaallo ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan Drones-ka oo ay ku garaacday deriskeeda Carabta, waxaana aybar tilmaameedsatay saldhigyada millatariga Maraykanka ee gobolka iyo sidoo kale kaabayaasha rayidka iyo tamarta.
Waxay bartilmaameedsanaysaa sawirka Khaliijka laga haysto oo ah goob bedqab leh, oo ku fiican socdaalka, dalxiiska iyo dhaqaalaha, sido kale waxay ku dhaqaaqday khalkhal gelinta warshadaha saliidda iyo gaasta dabiiciga ah.
Inta badan gantaalada Iiraan ayaa lagu qabtaa hawada guud ahaan gobolka, laakiin burburka soo dhacaya ayuu dab ka dhashaa kuwaasoo ay dad ku dhinteen. Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee sida fudud uga gudbi kara difaacyada hawada ayaa inta badan sababa qasaaraha ugu yar balse sidaasoo ay tahay waxay abuuraan qalalaase carqaladeeya ganacsiga iyo socdaalka.
Kadib weerarradaas ay Iiraan ku qaadday bartilmaameedyo Mareykan ah oo ku yaalla Bariga Dhexe, waxaa soo baxaya su'aalo iyo walaac ah in saldhigyada Mareykanka iyo joogitaankooda ka baxsan gobolkaas, gaar ahaan gudaha Soomaaliya, ay halis ku jiraan.
Saldhigga Balidoogle, oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose qiyaastiina 90km waqooyi-galbeed kaga beegan Muqdisho, waa xarun milatari oo ay ka hawlgalaan ciidamada Soomaaliya iyo ciidamada Mareykanka.
Saldhiggan ayaa muhiim u ah howlgallada ka dhanka ah al-Shabaab, gaar ahaan duqeymaha iyo kormeerka lagu fuliyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Waxaa sidoo kale lagu tababaraa cutubyada Danab ee militariga Soomaaliya.

Xigashada Sawirka, U.S. Marine Corps
Balidoogle waxaa si joogto ah uga hawlgala ciidamo Mareykan ah oo ay ku jiraan cutubyo khaas ah, iyo tababarayaal. Saldhiggan waxaa lagu xoojiyaa kaabayaasha diyaaradaha, guryaha ciidamada, iyo xarumo tababar, taasoo ka dhigaysa meel istiraatiiji ah oo qeyb ka ah hawlgallada Mareykanka ee Geeska Afrika.
Warbixinno madax-bannaan iyo warbaahinta caalamiga ah ayaa marar badan tilmaamay in saldhigga uu yahay xarun ay Mareykanku u isticmaalaan si joogto ah, oo ay ku jiraan howlgalada tababarka iyo duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab.
Marka la eego masaafo ahaan, Soomaaliya aad ayay uga fog tahay Iiraan.
Caasimadda Tehran waxay Muqdisho u jirtaa in ka badan 3,000 kiiloomitir. Saldhiga Balidoogle, maaddaama uu ku yaallo gudaha dalka, wuxuu ka sii fogaanayaa masaafo intaas ka badan.
Awoodda gantaallada Iiraan ee la ogyahay ayaa inta badan ku kooban riddo gaaban iyo mid dhexe.
Gantaallada nooca Fateh ayaa inta badan gaari kara wax ka yar 1,500km, halka gantaalka Shahab-3 uu gaari karo masaafa qiyaastii ku dhow 2,000km.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Safiirka Iiraan ee Kenya ayaa sheegay in aanu jirin saldhig Mareykan ah oo ku yaalla Bariga Afrika oo istiraatiiji ahaan mudan in la weeraro, wuxuuna intaa ku daray in gantaallada dalkiisu aysan farsamo ahaan gaari karin gobolkaas.
Marka la isku geeyo masaafada juqraafiyeed iyo awoodda gantaallada ee la xaqiijiyay, Balidoogle waa xarun milatari oo ay Mareykanku si firfircoon uga hawlgalaan, laakiin Soomaaliya waxay ka baxsan tahay masaafada gantaallada Iiraan ee la xaqiijiyay.
Xiisadaha gobolka ayaa weli taagan, balse dhinaca farsamada, ma jiraan gantaallo Iiraan ah oo si toos ah u gaari kara goobaha ay ka joogaan Mareykanku Soomaaliya.












