Maxay hogaamiyeyaasha Yurub go'aan mideysan uga yeelan waayeen Iiraan?

Sawir kulminaya Friedrich Merz, Giorgia Meloni, Pedro Sánchez and Emmanuel Macron
    • Author, Katya Adler
    • Role, Weriye BBC
  • Waqtiga akhriska: 9 daqiiqo

Yurub way ogayd in tani iman karto. Toddobaadyo badan, hoggaamiyeyaasha iyo dejiyeyaasha siyaasadda ayaa daawanayay dhismaha milatari ee Maraykanka ka waday Bariga Dhexe. Waxay maqleen hanjabaadaha maamulka Trump uu u jeediyay Tehran: ka tanaasul dhammaan himilooyinka nukliyeerka haddii kale cawaaqib ayaa iman doona!

Laakiin tan iyo markii weerarka Maraykanka iyo Israa'iil ku qaadeen Iiraan uu billowday saddex maalmood ka hor, qaaraddan Yurub waxa ay u muuqatay mid aan isku dubbaridnayn, haddii aan la oran mid kala qaybsan oo aan lahayn awood saameyn leh, iyadoo ku dhex luntay qalalaasaha dhacdooyinka.

Dal kasta oo Yurub ah si dabiici ah ayuu uga walaacsan yahay muwaadiniintiisa ku sugan gobolka iyo sida loo daadgureyn karo tobannaan kun oo qof guud ahaan.

Dowladaha Yurub waxa kale oo ay ka welwelsan yihiin saameynta ay xiisadda Bariga Dhexe ku yeelan karto macaamiisha gudaha.

Tusaale ahaan qiimaha tamarta iyo cuntada. Qiimaha gaaska Yurub ayaa si weyn u kacay heer aan la arag tan iyo markii Ruushku bilaabay duullaankii buuxa ee Ukraine sannadkii 2022.

Qiiq ka baxaya Tehran

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Qiiq ka baxaya Tehran

Siyaasad ahaan, Yurub si cad ayay ugu dhibtooneysaa inay hesho cod mideysan oo ku aaddan horumarrada degdegga ah ee wareerka leh ee Bariga Dhexe.

Saddexda dal ee waaweyn ee qaaradda – Faransiiska, Jarmalka iyo Boqortooyada Ingiriisku waxay ku guuleysteen inay soo saaraan bayaan wadajir ah dhammaadkii toddobaadka, iyagoo uga qeexay Iiraan inay diyaar u yihiin "tallaabo difaac ah" si loo burburiyo awooddeeda gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, haddii Tehran joojin weydo "weerarradeeda aan kala sooca lahayn."

Tan iyo markaas, Boqortooyada Ingiriisku waxay oggolaatay codsi Maraykan ah oo ku saabsan isticmaalka laba saldhig oo milatari oo Ingiriis ah si loogu qaado weerarro "difaac" ah oo ka dhan ah goobaha gantaallada Iiraan inkastoo madaxweyne Trump uu dhaliilay in UK aysan si firfircoon uga qayb qaadan. Faransiisku wuxuu xoojinayaa joogitaankiisa Bariga Dhexe ka dib markii weerar Iiraani ahi gaadhay saldhig Faransiis ah oo ku yaalla Imaaraadka Carabta, halka Jarmalku sheegay in askartiisu diyaar u yihiin "tallaabooyin difaac" haddii la weeraro, balse wax ka baxsan taas lama qorsheynayo.

Saddexda dal midkoodna si cad uma su'aalin sharciyadda weerarrada Maraykanka iyo Israa'iil marka loo eego sharciga caalamiga ah. Sidoo kale su'aal gelinta Washington si muuqata kama aysan dhex muuqan qoraallada badan ee madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub ay ku baahisay baraha bulshada.

Hoggaamiyeyaashan Yurub waxa ugu weyn ee ay ka fiirsanayaan waa inaysan ka fogeyn Donald Trump. Waxay si aad ah u rejeynayaan in dhacdooyinka Bariga Dhexe aysan mar kale mashquulin madaxweynaha Maraykanka, kana hor istaagin in mar kale inuu ka qayb qaato helidda xal waara oo khilaaf kale ah, kan oo ka socda qaaraddooda: Ukraine.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Laakiin ka leexashada qaar ka mid ah quwadaha Yurub ee ku aaddan sharciyadda tallaabooyinka Maraykanka ee Iiraan ama Venezuela ma keenaysaa jahawareer? Badanaa waxay sheegaan in Yurub ay tahay mid ku dhisan qiyam wadajir ah oo ixtiraamta nidaam caalami ah oo ku dhisan xeerar. Laakiin xeerarkaas maxay dhab ahaantii yihiin?

Ra'iisul wasaaraha Spain ayaa sheegay inuu arrintan cad yahay. Pedro Sanchez ayaa baraha bulshada ku qoray in "qofku ka soo horjeedi karo nidaam nacayb leh, sida kan Iiraan… isla markaana ka soo horjeedi karo faragelin milatari oo aan sharci ku dhisnayn oo khatar ah."

Isniintii, dhowr diyaaradood oo Maraykan ah ayaa ka baxay Spain kadib markii Madrid ay sheegtay in saldhigyadeeda aan loo adeegsan karin weerarro ka dhan ah Iiraan.

Dhanka kale, Midowga Yurub wuxuu u muuqday mid gebi ahaanba aan isku duubnayn. Bayaan ay soo saareen wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka xubnaha ka ah ayaa ka gaabsaday inay taageeraan beddelka nidaamka Iiraan, halka madaxweynaha Guddiga Yurub uu si cad u sheegay taas Axaddii. Madaxweynaha guddiga, Ursula von der Leyen, ayaa ku tiri qoraal baraha bulshada ah: "Isbeddel la isku halleyn karo oo ka dhaca Iiraan waa mid degdeg loo baahan yahay."

Donald Trump

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Donald Trump

Tani ma ahayn muujin cod mideysan.

Si kastaba ha ahaatee, hamiga la shaaciyay ee dalalka Yurub kuwa ku jira iyo kuwa ka baxsan Midowga Yurub, oo ay ku jirto UK waa inay si ka wanaagsan u wada shaqeeyaan arrimaha danaha wadajirka ah, gaar ahaan amniga iyo difaaca, dunidan cusub ee kacsan ee siyaasadda quwadaha waaweyn. Su'aashu se waa: dhab ahaantii ma awoodaan?

Isbeddel nukliyeer

Sannadka 2026 runtii waa qalalaase leh: Venezuela, Greenland iyo Iiraan. Yurub waxay wajahayaan Ruush is ballaadhin doon ah oo albaabkooda jooga, Shiinaha oo dhaqaale ahaan dagaal badan, iyo xulafo Washington ku sugan oo sii kordhaya aan la saadaalin karin.

Isniintii, Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa ku dhawaaqay in Faransiisku beddelayo siyaasaddiisa nukliyeerka isla markaana kordhinayo madaxyada nukliyeerka, isagoo sheegay in "tartamayaasheennu isbeddelleen, sidoo kale saaxiibbadayadu."

Madaxweyne Emmanuel Macron

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

Qoraalka sawirka, Madaxweyne Emmanuel Macron

Ruushku wuxuu haystaa kaydka nukliyeerka ugu weyn dunida, Shiinuhuna si xawli ah ayuu u ballaarinayaa awooddiisa. Maraykanka oo ah quwadda labaad ee nukliyeerka dunida ayaa tobannaan sano Yurub siinayay dallad nukliyeer, balse mudnaanta Washington oo isbeddelaysa ayaa Yurub ku abuurtay walaac.

Sweden, Jarmalka iyo Poland ayaa si toos ah Faransiiska ula xiriiray si ay u codsadaan difaac nukliyeer oo ballaaran oo Yurub ah, marka laga reebo ilaalinta ay UK siiso xulafada NATO.

Madaxweyne Macron wuxuu ku sugan yahay boos uu leeyahay "waan idiin sheegay" maaddaama uu sannado ku boorrinayay Yurub inay noqoto mid istaraatiijiyad ahaan madax-bannaan marka la eego difaaca.

Hase yeeshee, isku dubbaridku weli waa caqabad weyn. Iibsiga hubka ayaa tusaale cad u ah. Halka Maraykanku adeegsado ku dhowaad 30 nidaam hub oo kala duwan, Yurub waxay leedahay 178 oo marar badan is-daba-yaal ah arrin aan waxtar lahayn, qaali ah, haddana gaabis ah.

Taasi waxay ahayd gabagabadii cambaareynta lahayd toddobaadkii hore ee Madaxweynaha Baarlamaanka Yurub, Roberta Metsola.

 Pedro Sánchez

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

Qoraalka sawirka, Pedro Sánchez

Nato waxay isku dayaysaa inay arrintan yareyso iyadoo doonaysa inay maamusho go'aannada ku saabsan soo iibsiga qalabka difaaca ee 32-keeda xubnood, balse dhibaatadu waxay tahay in tilmaamaha isbahaysiga difaaca ay yihiin kuwo ikhtiyaari ah oo aan khasab ahayn. Dhammaan xubnaha NATO (marka laga reebo Spain) waxay sannadkii hore u hoggaansameen cadaadis ka yimid Donald Trump, iyagoo oggolaaday inay kordhiyaan kharashaadka difaaca. Laakiin waxa si la mid ah muhiim u ah in lacagtaas si wax ku ool ah loo isticmaalo iyo in kale.

Dareenka inta badan dowladaha qaran waa inay ilaashadaan warshadahooda difaaca, xitaa haddii ay ku timaaddo khasaaro deriskooda. Faransiiska badanaa arrintan ayaa lagu eedeeyaa.

Ahmiyado ay qaabeeyeen taariikhdu

Dhacdooyinka Bariga Dhexe waxay si cad u muujinayaan in dal kasta oo qaaraddan ahi leeyahay mudnaan, awood iyo daciifnimo u gaar ah, oo ay qaabeeyeen taariikhdiisa iyo dareenka codbixiyeyaashiisa.

Jarmalku wuxuu si cad u sheegay inuusan qorsheyneyn inuu kordhiyo joogitaankiisa milatari ee Bariga Dhexe ama ka qayb qaato weerarro toos ah taas oo ka tarjumaysa in Jarmalku weli ka fogaado khilaafaadka sababo la xiriira taariikhdiisa.

Ma xusuusataa sida markii hore Jarmalka caalamka loogu jeesjeesay loona canaantay, maadaama uu gaabis ku ahaa dirista taangiyada Ukraine ka dib markii duullaankii buuxa ee Ruushku bilaabmay afar sano ka hor? hoggaankii markaas ee Jarmalka, Olaf Scholz, haba yaraatee kama xumaan in warbaahinta Jarmalku ugu yeerto naanaysta "Friedenskanzler" (Ra'iisul Wasaaraha Nabadda).

Qayb weyn oo ka mid ah bulshada Jarmalka ayaa markii hore si qoto dheer uga welwelsaneyd fikradda ah in hubka Jarmalka mar kale loo jeediyo Ruushka, sida ay u dhacday intii lagu jiray labadii dagaal ee adduunka qarnigii tegay.

Dowladda cusub ee Jarmalka ayaa hadda noqotay deeq bixiyaha ugu weyn ee hal dal siiya gargaar milatari Ukraine.

Friedrich Merz

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

Qoraalka sawirka, Friedrich Merz

Sida inta kale ee Yurub, Jarmalku tobannaan sano ayuu ku tiirsanaa Maraykanka si loo sugo amnigiisa. Laakiin iyadoo maamulka Trump uu ku adkeysanayo in Yurub hadda qaadato qaybta ugu weyn ee difaaceeda, Jarmalku wuxuu qorsheynayaa inuu marka la gaaro 2029 ku bixiyo miisaaniyadda difaaca lacag ka badan tan Faransiiska iyo Boqortooyada Ingiriiska marka la isku daro, sida ay sheegtay NATO.

Waxa kale oo uu doonayaa inuu dhiso ciidanka caadiga ah ee ugu weyn Yurub iyadoo 80 sano ay ka soo wareegtay Dagaalkii Labaad ee Adduunka, Jarmalkuna si adag uga mid yahay NATO iyo Midowga Yurub, quwadaha kale ee Yurub waxay soo dhoweynayaan hindisaha milatari ee Jarmalka halkii ay uga arki lahaayeen mid khatar ku ah.

Dhanka kale, ra'iisul wasaaraha Talyaaniga waxay ku qasban tahay inay qaado tallaabo aad u adag iyadoo isu dheellitiraysa aragtida codbixiyeyaasha Talyaaniga iyo waxa ay aaminsan tahay inay dan u tahay dalkeeda iyo iyadaba masraxa caalamka.

Ra'iisul wasaare Giorgia Meloni, oo xiriir wanaagsan la leh Donald Trump, ayaa ilaa hadda ka aamusan weerarrada Maraykanka iyo Israa'iil ee Iiraan.

Maadaama uu yahay dhaqaalaha saddexaad ee ugu weyn qaaradda Yurub, waxaa laga filan lahaa Talyaaniga inuu ka ciyaaro door muuqda oo ku saabsan amniga qaaradda. Laakiin ilaa dhawaan, waxay ka mid ahayd dalalka ugu hooseeya ee Yurub ee kharash gareeya difaaca. Si aad u fahanto sababta, waa inaad eegtaa taariikhda Talyaaniga.

Talyaanigu kaliya waa la mideeyay sanadkii 1861. Ka hor intaas, waxaa loo arkayay "goob dagaal oo Yurub ah", iyadoo quwadaha shisheeye si isdaba joog ah uga faa'iidaysanayeen dhulkeeda. Talyaaniyiintu waxay barteen inay ku tiirsanaadaan oo kalsooniyaan kaliya dad aad u yar, halkii ay ka aamini lahaayeen "dawladda", si ay u daryeelaan.

Talyaanigu wuxuu ahaa dalka keliya ee Galbeedka Yurub oo aqlabiyad dadkiisu ka soo horjeedeen in hub loo diro Ukraine bilowgii duullaanka Ruushka.

Giorgia Meloni

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Giorgia Meloni

Talyaaniyiintu waxay sheegeen inay la wadaagaan walaac iyo garab istaag dadka Yukreeniyaanka ah, laakiin dad badan ayaa su'aalay ka qaybgalka Talyaaniga ee khilaafka. Si fudud ma aysan aaminin dawladahooda inay ka ilaaliyaan saameynta ka dhalan karta, sida qiimaha tamarta oo kor u kaca ama suurtogalnimada cunaqabatayn ka imaan karta Ruushka.

Afar sano kadib, kaliya 15% Talyaaniyiinta ayaa sheegaya inay aaminsan yihiin in Midowga Yurub iyo Maraykanku ay sii wadi lahaayeen hubaynta Ukraine ilaa ciidamada Ruushka laga saaro, sida uu sheegay Machadka Daraasaadka Siyaasadda Caalamiga ah.

Taasi waa sababta Ra'iisul Wasaaraha Talyaaniga oo si xooggan u taageerta Ukraine uu ugu jiro boos aad u adag. Ballanqaadyadeeda waaweyn ee ay siinayso xulafada caalamiga ah marka laga hadlayo difaaca ayaa ka duwan aragtida aqlabiyadda codbixiyeyaasha Talyaaniga. Inta badan Talyaaniyiinta sidoo kale waxay ka soo horjeedaan ballanqaadkii Giorgia Meloni ee ay saaxiibkeeda White House ugu samaysay kor u qaadidda kharashaadka difaaca si weyn.

Isbahaysiyo ku meel gaar ah

Ogaanshaha xiisadaha qaran ee xulafada, iyo meesha ay si buuxda ugu tiirsan karaan ama aan ugu tiirsan karin, waa muhiim marka Yurub gasho xilli ay ku dhawaaqday iskaashi dhow.

Dhibaatooyinka ku saabsan ficilka "hal cod" sida aan mar kale ku aragno Bariga Dhexe, waxay abuureysaa isbahaysiyo yar-yar oo ku meel gaar ah oo dalalku sameynayaan si wadajir ah oo ku saleysan danaha kala duwan: mashaariicda wadajirka ah ee iibsiga difaaca sida Heshiiskii dhowaan UK-Norway ee lagu la socdo markabka hoostiisa badda ee Ruushka ee Waqooyiga Atlantic, ama Isbahaysiga Doonayaasha ee Ukraine oo ay hoggaaminayaan UK iyo Faransiiska.

Sidoo kale, isbahaysiyadan "Yurub" ama Galbeedka waxay hadda ku jiraan dalal la mid ah oo ka baxsan qaaradda, sida Kanada, Kuuriyada Koonfureed, iyo Japan, kuwaas oo sidoo kale inta badan hadda lagu daro tababarada milatari ee Nato.

Iyadoo lagu qasbayo jawiga cusub ee caalamiga ah halkaas oo Awooddu tahay Xaq, ama ugu yaraan Awooddu ay tahay tiirka dhexe, qoyska dalalka iskaashiga Yurub wuu ballaaranayaa. Laakiin sidoo kale waa caqabad fahamka waxa xubin kasta oo qoyska ka tirsan kaxeeya, iyo in ay si wax ku ool ah u wada shaqeyn karaann