Maxay tahay sababta uusan 100 sano ka dib isku beddelin maydka hoggaamiyahan mar laga yaqaanay Soomaaliya

Xigashada Sawirka, Getty Images
Xusuusta Vladimir Ilyich Lenin, hoggaamiyihii Kacaankii weynaa ee Ruushka, ayaa loogu dabaaldegay sannad-guuradii 100-aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay.
Waxaa jira munaasabo lagu maamuuso oo la qabto kuwaas oo ay ku jiraan xus ciidan, ayadoo lagu qabto goobtiisa xasuusta.
Mararkan oo kale waxaa meydka Lenin la soo saaraa goobta lagu ilaaliyo isaga iyo Joseph Stalin si loo maamuuso.
Maydkiisa ayaa sanadkii 1970-kii lagu dahaaray goobta uu yaallo muraayado an xabadu karin. Halka maydkiisu yaallo ayaa mararka qaar la furaa si loogu ogolaado dadweynaha inay daawadaan.
Markii dalkii hantiwadaaga ahaa ee Midowga Soofiyeeti uu burburay sagaashamaadkii, waxaa la codsaday in la soo saaro meydka Lenin oo la aaso.
Soomaaliya oo xiriir wanaagsan la lahayd dowladdii shuuciga ee Midowgii Sofiyeeti ee Ruushku waayeelka u ahaa ayaa magaca Lenin lagu dhigi jiray iskoolada qaar isagoo loo tiriyo inuu ahaa asaasayaashii shuuciyada. Waxaa kaloo jiray heeso xilligaas laga qaadi jiray Soomaaliya oo uu ku jiray magaca Lenin, wuxuuna k amid ahaa dadka magacooda kutubta lagu qoro marka laga hadlayo shuuciyadda iyo hantiwadaagga.
Yaa lahaa firkadda in la ilaaliyo maydkiisa

Xigashada Sawirka, Getty Images
Taariikhyahanadu waxay isku raaceen in fikradda ah in la ilaaliyo haraaga Lenin uu soo jeediyay Joseph Stalin sanadkii 1923kii. Stalin waxa uu ku dooday in hadhaaga Lenin ay tahay in la ilaaliyo.
Ka dibna Saynisyahan da'yar oo lagu magacaabi jiray Vladimir Vorobyov ayaa maydka hogaamiyaha ku hayay goob gaara.
Aragtida ah ilaalinta maydkiisa waxaa diiday muraacadka xilligaas laakiin waa la laayey sanadkii 1930-kii.
Xaaskii Lenin, Nadzada Krupskaya, waxay dalbatay in maydka ninkaa aan loo xafidin sida mid diimeed.
Aqoonyahno kale ayaa ku dooday in xasuustiisa oo la ilaaliyo aysan meel ku lahayn siyaasadda sida Leon Trotsky.
Yaa dhisay halka lagu hayo maydkiisa

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Halka uu ku jiro maydka Lenin, waa madxaf saddex mitir ah oo la dhisay saddex maalmood ka dib duugtiisa waxaana dhisay naqshadeeya la oran jiray Alexei Shuchusev
Lenin wuxuu dhintay Janaayo 21, 1924kii, waxaase la qabtaa munaasabado lagu xusayo kuwaas oo ay ka qayb galaan malaayiin qof.
Bartamihii 1924-kii, fikradda ah in jirkisa la soo bandhigo ayaa la ansixiyay. Bishii Agoosto isla sanadkaas ayaa dadweynaha loo furay si ay u daawadaan.
Marka la furo goobta waxaa safaf u gala kumannaan qof si ay u soo dawadaan.
Markii Stalin dhintay sanadkii 1953-dii waxaa loo maamuusay sidii Lenin , waxaa xasuus maamuuskooda laga dhigay mid la mideeyey.
Labada ninba waxaa lagu ilaaliyey hal meel oo la isugu geyey, maadaama markii hore magaca goobtu ahaa Lenin, waxaa lagu daray kii Joseph Stalin oo hoosta laga raaciyey magaciisa waxaana loo bixyey ‘ Lenin and Stalin’
Laakiin maydka Stalin, ayaa laga saaray halkaas sanadkii 1961-dii waxaana lagu aasay meel u dhow aqalka Kremilinka markaas oo Midowga Sofiyeeti waday olole lagu aamusinayey aragtidii Stalin.
Goobta ayaa ka dib dagaalkii labaad ee dunida isku rogtay goob macbad ahaan loo tago, dad badan oo dibadda ka yimid iyo ardayda ka yimaada dalalkii Midowgii Sofiyeeti ayaa sidoo kale booqan jiray.
Laga soo bilaabo sanadkii 1950-kii ilaa 1970-kii, halku uu yaallo maydka Lenin ayaa la kulantay weeraro, iyadoo lagu tuuray dhagxaan iyo walxo kale.
Dadkii ku kacay filicaladasna waxaa loo arkay kuwo an fiyoobayn waxaana loo diray daweyn nafsi ah.
Sanadkii 1973-dii ayaa goobta lagu hayo maydka Lenin waxaa lagu dahaaray muraayado aanay xabaddu karin.
Meydka Lenin
Burburkii Midowgii Soofiyeeti ka dib, Boris Yeltsin, oo ahaa madaxwaynihii ka soo horjeeday shuuciga, ayaa khudbad ka jeediyay fagaaraha xuska 'Fagaaraha Cas'.
Horraantii 1990-aadkii, ayaa si weyn loo maalgaliyey shaybaar lagu ilaalinayo jirka haraaga Lenin.
Tan iyo markaas, dhowr dukumentiyo ah ayaa la sameeyay oo lagu muujiyay telefishanka Ruushka oo ku saabsan xusuusta iyo ilaalinta haraaga maydka Lenin.
Waxaa lagu sheegay filimada in Lenin jirkiisu uu ahaa kaliya 23 boqolkiiba muuqaalkiisa asalka ah. base jirkiisa inta kale uu ahaa mid aan dabiici ahayn(synthetic).
Ilaa maanta, qabrigan iyo xusuusta Lenin waxaa booqda dalxiisayaal.
Tilmaanta meelaha dalxiiska ee 'Trip Advisor' ayaa siiyay afar ka mid ah shanta dhibcood.
"Gabadhaydu way cabsatay markii ay aragtay wajigiisa jaalaha ah," ayuu yidhi mid ka mid ah faallo qorayaasha, halka mid kalena uu yidhi, "Waa inay soo booqdaan qof kasta oo wax ka og Soofiyeedka."
Haraaga jirka hogaamiyayaasha shuuciyada ee Bariga iyo Koonfur Bari Eeshiya ayaa wali jira oo la arka maydadkooda oo yaalla meelo lagu ilaaliyo, waxaa ka mid ah hogaamiyihii Shiinaha Mao Zedong iyo hogaamiyihii Vietnam Ho Chi Minh.
Haraagii Kim Il Sung iyo Kim Jong Il ee Waqooyiga Kuuriya dhammaan waxay yaallaan goobo lagu ilaaliyo waxaana loo qabtaa xusas.













