‘Tikitka ugu horeeya ee aad heli kartaan goosta’ baqdinta laga qabo Iran

Safaaradda Maraykanka eek u taalla Beirut ayaa ku wargalisay dhamaan muwaadiniinta Maraykanka ee ku sugan Lubanaan in ay goosteen “tigit kasta ee ay heli karaan”, xilli xiisadda ka taagan Bariga Dhexe ay cirka isku shareereyso.
Digniintaan ayaa sidoo kale waxaa loo diray muwaadiniinta Ingiriiska, waxaana wasiirka arimaha dibadda ee Ingriisku sheegay “in xaalku dhaqsi isu badali karo”.
Iran ayaa waxay wacad ku martay in ay si xun uga aargudan doonto Israa’iil, iyada oo ku eedeysay in ay masuul ka ahayd weerarkii ka dhacay Tehran ee lagu qaarijiyay hugaamiyihii Xamaas Ismaaciil Haniya magaalinkii arbacada. Shirqqolka dilka Haniya ayaa dhacay saacado uun ka dib markii ay Israa’iil sheegtay in ay Beirut ku dishay taliye sare oo ka tirsan ciidamada Xisbullah oo lagu magcaabo Fuad Shukr.
Cabsida ugu wayn ayaa waxaa laga qabaa in ururka Xisbullah ee fadhigiisu yahay Lubnaan in uu fuliyo aargudashada, taas oo horseedi karta in Israa’iil ay jawaabadag bixiso.
Xisbullah ayaa waxaa la sheegay in ay madaafiic ku garaacday magaalada Beit Hillel eek u taalla wuqooyiga Israa’iil maanta oo Axad ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Muuqaallo ku baahay baraha bulshada ayaa waxay muuijinayaan nidaamka difaaca hawada ee Israa’iil oo qabanaya madaafiicda. Ma jiraan wax dhimasho ah oo laga soo tabiyay goobta.
Sidoo kale wasiirka arimaha dibadda ee Jordan ayaa waxa uu digniin u diray muwaadiniin dalkiisa, isaga oo u sheegay inay isaga soo baxaan Lubnaan sida ugu dhaqsiyaha badan, waxa uu uga digay kuw abanaanka ka ahna in aysan u safrin dalkaas.
Canada ayaa iyana sidoo kale dadkeeda waxay u sheegtay in aysan u safrin Israa’iil iyo Lubnaan labadaba, iyaga oo sababta “in xaalku uu mar walba sii xumaan karo iyada oo aan laga war hayn” gobolka Bariga Dhexe.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Safaaradda Maraykanka ayaa waxay u sheegtay dadkeeda qaar ee doonaya in ay iska sii joogaan Lubnaan, “in ay sii diyaarsadaan qorshahe ay uga bixi karaan dalka hadii xaalku xumaado, iyo in ay sii diyaarsadaan meel abaad u noqon karta muddo dheer”.
Waxaa la sheegay in shirkado badan oo diyaaradeed ay hakiyeen duulimaadyadii ay ku tagi lahaayeen Lubnaan, kuwa kalana tikidhadii oo dhan la iibsaday, balse “wali waxaa jira qaabab kale oo looga bixi karo Lubnaan”.
Wasaaradda gaashaandhigga ee Maraykanka ayaa waxay sheegtay in ay maraakiib iyo diyaarado dagaal u daabulayso gobolka si ay Israa’iil uga difaacdo weeraro laga yaabo in ay uga yimaadeen Iran iyo kooxaha ay taageerto.
Ingiriiska ayaa isna waxa uu isna diray ciidamo milatari oo dheeraad ah, la taliyeyaal iyo saraakiil dhinaca xuduudaha ah si ay gacan uga gaysteen hadii loo baahdo in dad laga daad gureeya aagga. Laakiin Ingiriiska dadkiisa waxa uu horay ugu sheegay in ay isaga baxaa Lubnaan “xilli diyaardihii ganacsiga ahaa ay buuxsamayaan”.

Xigashada Sawirka, AFP
Labo maraakiibta dagaalka Ingiriiska ah ayaa haatan ku sugan gobolka, waxaana heegan la galiyay qaar ka mid ah diyaaradaha qumaatiga u kaca ee ciidamada cirka Ingriiska.
Dhanka kale, gudaha Gaza, ugu yaraan 17 qof oo barakacayaal ah oo gabaad ka dhiganayey goob Iskuul ah ayaa waxaa dilay duqayn dhinaca cirka ahoo ay Israa'iil geysatay, maamulka Xamaas ayaa sidaas sheegay.
Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in dugsiga Hamama oo ku yaalla xaafadda Sheikh Radwan ee magaalada Qasa loo adeegsan jiray xarun laga hago kooxaha hubeysan. Xamaas ayaa beenisay in ay ku shaqeysato xarumo rayid ah.
Wasiiro ka tirsan dawladda Israa’iil ayaa maalmaha dambe ee todobaadka loo ogolaaday in ay guryahooda aadaan, iyaga wata taleefannada ku shaqeeya si ay u adeegsadaan hadii la weeraro nidaamka isgaarsiinta ee Israa’iil.
Bishii Abriil, Iran ayaa weerar cirka ah ku qaadday Israa'iil iyadoo adeegsatay 170 diyaaradood oo aan duuliye lahayn, 30 gantaallo ah iyo ugu yaraan 110 gantaal oo balaastik ah.
Taasi waxay aargoosi u ahayd duqeyntii Israa’iil ay ku qaadday qunsuliyadda Iiraan ee magaalada Dimishiq ee dalka Suuriya.
Dad badan ayaa ka baqaya in aargoosiga Iran ee dilkii Ismaaciil Haniya uu la mid noqdo kii hore.













