Khariidad: Duqaymaha ka dhacay Iiraan iyo Bariga Dhexe

Baruut, Lebanon

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Bayruut
Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Israa'iil ayaa weerar dhulka ah ku qaadday qaybo ka mid ah Lubnaan, iyadoo bartilmaameedsanaysa ururka Xisbullah, xilli colaadda ka dhalatay dilka Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan, Cali Khamenei ay gashay maalinteedii afraad.

Israa'iil waxa ay sheegtay in ciidamo loo diray koonfurta Lubnaan ka hor weerarro cusub oo lagu qaadayo caasimadda Beyruut subaxnimadii Talaadada.

Riyaad, mas'uuliyiinta Sacuudi Carabiya ayaa sheegay in habeenkii xalay laba diyaaradood oo aan duuliye lahayn ay ku dhaceen safaaradda Maraykanka, taasi oo sababtay khasaare kooban.

Weerarrada ay Maraykanka iyo Israel ka wadaan gudaha Iiraan ayaa sidoo kale sii socday. Ururka Bisha Cas ee Iiraan ayaa sheegay in 787 qof lagu dilay howlgalka Maraykanka iyo Israel ee ka socda Iiraan. Sidoo kale, afar askari oo Maraykan ah ayaa la dilay tan iyo markii uu dagaalku billowday, sida uu sheegay Taliska Dhexe ee Ciidammada Maraykanka.

Goobta la beegsaday

Halkee ayay Israa'iil iyo Maraykanku weerareen?

Magaalooyinka la duqeeay ee Tabriz, Sahand, Sanandaj, Kermanshah, Sarableh, Khomein, Isfahan, Lamerd, Zahedan, Bandar Abbas, Minab, Konarak

Millateriga Israa'iil ayaa ku dhawaaqay weerarro ballaaran oo ay si wadajir ah ula fuliyeen Maraykanka dhammaadkii toddobaadka, kuwaas oo lagu burburiyay nidaamyada difaaca hawada ee galbeedka iyo bartamaha Iiraan.

Muuqaallo la xaqiijiyay oo laga soo duubay caasimadda Iiraan ee Tehraan ayaa muujinayay daruuro qiiq ah oo waaweyn oo cirka isku shareeray Sabtidii.

Qaybta xaqiijinta wararka ee BBC-da ee la yidhaahdo BBC Verify ayaa heshay sawirro dayax-gacmeed oo la qaaday subaxnimadaas, kuwaas oo muujinaya burbur weyn oo gaadhay qayb ka mid ah xarunta loo yaqaan Hoyga Hoggaaminta, oo ah xafiiska Ayatollah Khamenei.

Millateriga Israel ayaa sheegay in weerarrada ay ku qaadeen Tehraan ay ku bartilmaameedsadeen kulammo ay ku sugnaayeen saraakiil sare oo siyaasadeed iyo kuwo amni.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

BBC Verify ayaa ilaa hadda xaqiijisay caddeymo muuqaal ah oo muujinaya weerarro ka dhacay 13 goobood oo kala duwan oo ku yaalla Tehraan, halka 12 magaalo iyo degmooyin kale oo ku kala yaalla Iiraan ay sidoo kale la kulmeen duqeymo.

Ugu yaraan 153 qof ayaa lagu dilay iskuul gabdho dhigtaan oo ku yaalla Minab, koonfurta dalka, kadib markii ay ku dhaceen saddex gantaal Sabtidii, sida ay werisay warbaahinta dowliga ah ee Iiraan. BBC si madaxbannaan uma xaqiijin karto arrintan.

Goobo millatari ayaa sidoo kale lagu beegsaday magaalooyinka Kermanshah iyo Tabriz, iyo xarumo badeed oo Iiraan leedahay oo ku yaalla Konarak, koonfurta dalka.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in ciidammada Maraykanku ay quusiyeen 10 markab oo ka tirsan ciidamada badda Iiraan, islamarkaana ay "si weyn u burburiyeen" xaruntooda taliska badda.

Israa'iil ayaa ballaarisay hawlgalladeeda gudaha Lubnaan, halkaas oo ay beegsanayso Xisbullaah oo ah koox hubeysan oo muddo dheer taageero ka heli jirtay Iiraan. Habeenkii Talaadada, saraakiisha Israa'iil ayaa sheegay in ciidammo ay galeen gudaha Lebanon ayna la wareegayaan "goobo istaraatiiji ah" si looga hortago khatar ku wajahan bulshooyinka ku yaalla xadka Israa'iil.

Halkee ayay Iiraan weerartay?

Khariirad ay BBC sameeyay oo muujinaysa Iiraan iyo waddamada dariska la ah

Iiraan ayaa ka falcelisay iyadoo weerarro ku qaaday Israa'iil iyo saldhigyo Maraykan ah oo ku yaalla gobolka, waxaana lagu eedeeyay weerarro cirka ah oo lagu qaaday dalalka Khaliijka.

Habeenkii Talaadada, saraakiisha Sacuudiga ayaa sheegay in safaaradda United States ee ku taalla Riyadh ay ku dhaceen laba diyaaradood oo aan duuliye lahayn (drones), taasoo sababtay waxyeello yar iyo dab kooban.

Weerarro cusub oo Iiraan ah ayaa lagu soo warramay inay ku dhaceen warshad weyn oo gaas ah oo ku taalla Qatar, halkaas oo Wasaaradda Difaaca ay markii dambe sheegtay inay soo riday laba diyaaradood oo Iiraani ah, toddobo gantaal iyo shan drone.

Dalka Imaaradka Carabta oo ay ku jiraan goobaha dalxiiska ee Dubai iyo Abu Dhabi, saddex qof ayaa la dilay, dhowr kalena waa ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca ee dalkaas Axaddii.

Wasaaradda Caafimaadka ee Kuwait ayaa Axaddii sheegtay in hal qof uu ku dhintay weerarrada.

Saldhigga cirka ee Ali Al-Salem Air Base ayaa lagu beegsaday tiro gantaallo ballistic ah, balse saraakiishu waxay sheegeen in si guul leh loo qabtay oo loo burburiyay ka hor inta aysan gaarin bartilmaameedkooda.

Kharriirad

Sacuudiga, dab ka kacay warshadda sifaynta saliidda ee Ras Tanura refinery oo ay maamusho shirkadda saliida ee dowliga ah, Aramco ayaa Isniintii lagu xakameeyay kaddib markii labo drone la joojiyay, sida ay sheegeen saraakiisha.

Saraakiisha Jordan, oo xadka la leh Israa'iil, ayaa sheegay in ciidamada qalabka sida ay soo rideen gantaallo ballistic oo lagu beegsaday dhulkooda.

Wakaaladda wararka ee dowladda Oman ayaa Axaddii sheegtay in dekedda ganacsiga ee Duqm lagu beegsaday labo diyaaradood oo nooca daroonta ah, taasi oo uu ku dhaawacmay hal shaqaale.

Sidee ayuu dagaalku u saameeyay dhaqaalaha Adduunyada?

Gacanka Hormuz

Qiimaha saliidda iyo gaaska adduunka ayaa si weyn u kordhay Isniintii, iyada oo soo-saarayaasha, shirkadaha caymiska iyo kuwa maraakiibta ay saameeyeen dagaalka iyo xidhitaanka Strait of Hormuz.

Qiimaha gaaska Yurub ayaa ka sare maray in ka badan 30% kadib markii soo saaraha ugu weyn adduunka ee gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah (LNG), Qatar Energy, uu sheegay inuu joojinayo soo saarista.

Qatar waxay bixisaa qiyaastii shan meelood meel sahayda LNG-ga adduunka.

Labadii maalmood ee la soo dhaafay waxaa la arkay warbixino dhowr ah oo ku saabsan weerarro lagu qaaday maraakiibta dhex mari jirtay Gacanka Hormuz.