Sidee bay Turkiga u saameynaysaa xaaladda sii darsanaysa ee bariga dhexe

Saldhigga ciidanka cirka ee Incirlik

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Saldhigga ciidanka cirka ee Incirlik
    • Author, Hilken Dogan Boran
    • Role, Weriye BBC Turkish
    • Reporting from, Istanbul
  • Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Dagaalka bariga dhexe oo ku billowday weerarkii Mareykanka iyo Israa'iil ay ku qaadeen Iran 28-kii bishii Febraayo ayaa waxaa sii socda aargoosiga Iiraan, waxaana sii kordhaya khasaaraha iyo burburka.

Iiraan iyo xoogagga maleeshiyada taabacsan Tehraan ayaa ilaa hadda bartilmaameedsaday saldhigyada milatari iyo kaabayaasha rayidka ee Kuwayt, Sacuudiga, Cumaan, Baxrayn, Qatar, Urdun, Iimaaraadka iyo Ciraaq, kuwaas oo martigeliyay saldhigyada Mareykanka, iyo sidoo kale mid ka mid ah saldhigyada Ingiriiska ee Qubrus.

Dagaal lagu bartilmaameedsaday goobo badan oo ka yimid deriskeeda xuduudka la leh ilaa Jasiiradda Carabta, ayaa Turkigu wuxuu mid ka mid yahay waddamada naadirka ah ee aan laga maqlin seeriga digniinta bixiya.

Khubaro la hadashay laanta Turkiga ee BBC ayaa sheegtay in inkasta oo ay martigelinayaan ciidamada Maraykanka, haddana Turkigu uusan bartilmaameed u ahayn Iiraan, sababtoo ah waa xulafada NATO.

Khubarada ayaa sidoo kale ku nuuxnuuxsaday in xiriirka wanaagsan ee Ankara iyo Tehran uu yareynayo suurtagalnimada aargoosiga.

Turkiga ayaa hadaladiisa ugu dambeeyay ku dhaleeceeyay weerarrada Mareykanka iyo Israa'iil, iyo sidoo kale aargoosiga Iiraan labadaba.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa 28-kii Febraayo sheegay in Ankara ay dardargelin doonto dadaalkeeda diblomaasiyadeed.

Edogan waxa uu yiri, "Haddii ay garashada iyo caqligu shaqayn waayaan, haddii aan meelna laga siin diblomaasiyadda, gobolkeenu waxa uu halis u yahay in lagu jiido goob dab ah.

"Haddii Iran ay weerarto Turkiga, waxay wajihi doontaa dhammaan dalalka NATO"

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sinan Ülgen, Madaxa Xarunta Daraasaadka Dhaqaalaha iyo Siyaasadda Dibadda (EDAM), ayaa ku nuuxnuuxsaday in waxa Turkiga ka soocaya waddamada kale ee Iiraan ay bartilmaameedsato ee gobolka ay tahay xubinnimada NATO.

Isagoo qiimeynaya arrimaha ugu dambeeyay,ayuu Ülgen u sheegay BBC "Weerarkan oo kale wuxuu si buuxda u hoos galayaa qodobka 5 ee NATO. Sidaa darteed, haddii Iiraan ay qaaddo weerarkan, waxay la kulmi kartaa cadaawad uga timaada dhammaan dalalka NATO".

Marka loo eego mabda'an oo ah mabda'a aasaasiga ah ee NATO, weerar lagu qaado hal waddan oo xubin ah ayaa loo tixgeliyaa weerar lagu qaaday dhammaan xubnaha, waxaana la hawlgeliyaa habka difaaca wadajirka ah.

Sida laga soo xigtay Ülgen, Iran waxay ka labalabeyn doontaa inay ballaariso aagga colaadda iyadoo bartilmaameedsanaysa saldhigyada Mareykanka ee Turkiga.

" Iiraan ma rabto in ay furto wajhad dheeraad ah oo ku taal aaggeeda juquraafi ahaan dhaw iyada oo weerareysa Turkiga. Uma maleynayo in ay rabto in ay ka careysiiso waddan sida Turkiga oo kale ah, oo leh awood ciidan oo leh awood sare oo uu isaga cabin karo".

"Sidaas darteed, waxaan qabaa in suurtagalnimada weerar toos ah oo Iiraan ay ku qaado Turkiga ay aad u hooseyso".

Ülgen waxa kale oo uu ku nuuxnuuxsaday in Saldhigga Cirka ee Incirlik ee Adana aan loo isticmaalin weerarada ka dhanka ah Iran.

Oral Toğa, oo ah cilmi-baare ka tirsan Xarunta Cilmi-baarista Iran (IRAM), ayaa sidoo kale aaminsan inaysan u badneyn in Tehran ay ku darto bartilmaameedyada Turkiga weerarradeeda aargoosiga ah.

Isaga oo la hadlaya BBC Turkish, Toğa waxa uu arrintan ku sameeyay qiimayntan soo socota:

"Hadii aysan koox ka tirsan Iiraan aysan iskeed u qaadan hindisahaas, taas oo aan u arko inaysan dhici doonin, uma maleynayo in Iiraan ay hadda weerar ku qaadi doonto dal NATO ka tirsan oo ay arrimaha sii murjin doonto".

Toğa waxa uu ku nuuxnuuxsaday in Turkiga iyo Iiraan, oo wadaaga soohdin dhan 534 KM, ay leeyihiin meelo uu midba midka kale ku tiirsan yihiin, wuxuuna intaa ku daray:

"Iraaniyiinta, gaar ahaan muddadii ka dambaysay geeridii Madaxweynihii hore Ebrahim Raisi, waxay si joogto ah u raadinayeen iskaashi istiraatiiji ah oo ay la yeeshaan Turkiga".

"Uma maleynayo inay bedelayaan khadkaas u jeexan ama ay la aadi doonaan jiho kale".

Hanaanka difaaca cirka ee Patriot oo yaalla saldhigga Incirlik

Xigashada Sawirka, Eren Bozkurt/Anadolu Agency/Getty Images

Qoraalka sawirka, Hanaanka difaaca cirka ee Patriot oo yaalla saldhigga Incirlik

Saldhigyada Incirlik iyo Kürecik

Turkiga ayaa sheegay in hawada iyo saldhigyada dalkaasi oo ay sidoo kale ku sugan yihiin ciidamada Mareykanka aan loo adeegsan weerarrada Mareykanka iyo Israa'iil ee ka dhanka ah Iiraan.

Bayaan ay soo saartay 28 Febraayo xarunta Disinformation Combat Center (DMM) ee xiriirka la leh Agaasinka Isgaarsiinta ee Madaxtooyada, ayaa lagu sheegay in Turkiga "uusan ogolayn hawadiisa iyo waxyaabaha la xiriira in loo isticmaalo ujeeddooyin hawlgal" colaad kasta ama dagaal kasta oo aysan dhinac ka ahayn".

Qoraal kale bishii Maarso 2-deedii, DMM waxay beenisay eedeymaha ah in saldhiga ciidamada cirka ee Incirlik la weeraray, iyadoo sheegtay sidan:

"Ma jiro saldhigyo ciidan oo uu wadan ku leeyahay Turkiga, hawada, dhulka iyo badda, xarumaha ciidamada ee Jamhuuriyadda Turkiga gabi ahaantood waxay hoos yimaadaan madax banaanideeda iyo koontaroolkeeda".

"Ma jiro wax weerar ah oo ka dhan ah dalkeenna, qoraallada la isku dayay in lagu muujiyo Turkiga inuu qayb ka yahay colaadaha gobolka waa isku day cad oo been abuur ah".

Saldhigyada ugu caansan ee ciidamada Maraykanku ku leeyihiin Turkiga waa Incirlik iyo Saldhigga Radar ee Kürecik ee Malatya.

Sida laga soo xigtay xogta ku jirta websaydka Incirlik Air Base, habka dhismaha xaruntan militariga waxaa bilaabay 1951 koox lagu magacaabo US Engineering Group.

Sannadkii 1954-tii, waxaa heshiis kala saxiixday Shaqaalaha Guud ee Turkiga iyo Ciidanka Cirka ee Mareykanka, kaasoo ahaa in si wadajir ah loo isticmaalo saldhigga cusub.

Isticmaalka saldhigga waxaa go'aamiya "Heshiiska Difaaca iyo Iskaashiga Dhaqaalaha" (DECA) ee ay kala saxiixdeen Mareykanka iyo Turkiga 1980-kii.

Asal ahaan waxa loo yaqaan "Adana Air Base," xarunta waxaa loo beddelay "Incirlik" 1958, magaca ay ilaa hadda isticmaasho.

Wasaaradda Difaaca waxay ku nuuxnuuxsatay in saldhigan uu yahay mid ay leeyihiin ciidamada Turkiga (TSK) oo ay leedahay Jamhuuriyadda Turkiga.

Saldhigga Raadaarka Kürecik ee degmada Akcadağ ee Malatya waa xarun digniin hore bixisa oo la aasaasay 2012 oo xiriir la leh NATO.

Xaruntan oo taliskeedu ku yaallo Diyarbakır Air Base, ayaa loo xilsaaray inay u gudbiso ogaanshaha iyo dabagalka xogta khataraha hawada fog ee nidaamka Terminal High Altitude Area Defence (THAAD) oo ku yaala Romania iyo Poland.

Madaxweynihii Iiraan ee xilligaas Mahmoud Ahmadinejad ayaa bayaan uu soo saaray sanadkii 2011 ku dhaleeceeyay aasaaska saldhigga, isagoo ku andacoonaya in xaruntan loo dhisay si Israa'iil looga ilaaliyo weerarrada gantaallada ee suurtagalka ah ee Iiraan.

Kadib hawlgaladii milatariga Israa'iil wixii ka dambeeyey weeraradii Xamaas ee Oktoobar 7, 2023, dhaqdhaqaaqayaasha Falastiiniyiinta ayaa sheegay in labada saldhigba loo isticmaalay in lagu taageero Israa'iil, waxayna abaabuleen mudaaharaadyo ay ku dalbanayaan in la xiro.

.

Suurtogalnimada dad badan oo qaxa ayaa ah mid fog

Saamaynta suurtagalka ah ee Turkiga ee dagaalka u dhexeeya Maraykanka, Israa'iil, iyo Iiraan waxaa ka mid ah khatarta qulqulka qaxootiga ee soohdinta Iiraan.

Turkiga iyo Iiraan ayaa ku dhawaaqay 2 Maarso inay si wadajir ah u hakiyeen isku socodka rakaabka ee xuduudahooda.

Wasiirka ganacsiga Ömer Bolat ayaa sheegay in labada dal ay u ogolaan doonaan muwaadiniintooda inay soo laabtaan.

Sida laga soo xigtay Agaasimaha EDAM Sinan Ülgen, xaaladda ugu xun ee Türkiye waa ...

Degenaansho la'aan ka dhalata Iiraan oo dhalin karta dhaqdhaqaaq ballaaran oo dhanka xuduudaha ah, si la mid ah tii Ciraaq iyo Suuriya ka dhacday waagii hore.

"Waxay ila tahay inaan u aragno adkaynta kontarooladan xuduudaha inay tahay tillaabada koowaad" ayuu yiri Ülgen.

Oral Toğa, oo ah cilmi-baare ka tirsan IRAM, ayaa sheegay in cabbirkan sidoo kale lagu qiimeeyo aragtida Iran. "Intii ay xoogga saari lahayd xakameynta kuwa soo galaya iyo kuwa ka baxaya xuduudaheeda, Iran waxay dooneysaa inay xakameyso xaaladda gudaha dalka".

Isagoo tixraacaya faallooyinka iyo wararka ku saabsan qulqulka qaxootiga ee baraha bulshada iyo saxaafadda, Toğa wuxuu yiri, "Arrintu hadda aad ayay uga fog tahay socdaalka, gaar ahaan socdaalka ballaaran" wuxuuna sameynayaa qiimeyntan soo socota:

"Ma filayo haajirid aad u ballaaran mustaqbalka dhow iyo kan dhexe, dagaal sokeeye ayaa lagama maarmaan noqon lahaa in taasi dhacdo".

"Hadda shuruudo dagaal sokeeye kama soo ifbixin Iiraan".